Araweelo News Network.

 Kulanka ayaa Jawaaab U Ahaa Baaq Uu Xildhibaan #Moogge Kaga Dalbaday Madaxweyne #Biixi Inuu #Ixtiraamo Codka Shacbiga

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha #Jamhuuriyadda #Somaliland, Muuse #Biixi Cabdi, ayaa kulan deg-deg ah oo jawaab u ah Baaq uu maanta jeediyay #Xildhibaan Cabdikariim Axmed #Moogge kaga dalbanayay Madaxweynaha inuu ixtiraamo rabitaanka shacbiga siiyay codka ugu badan ee uu ka helay natiijada hordhaca ah ee gollaha deegaanka #Hargeysa.

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo qaabilay Xildhibaan Cabdikariim Axmed Moogge iyo xubnaha gollaha deegaanka Hargeysa, 9 Jun 2021, Image Araweelo News Network

Kulankaa oo saacado ka hor ka dhacay #Madaxtooyadda Somaliland, waxa ka hadlay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in markii uu soo gaadhay baaqa Cabdikariim Axmed Moogge oo ahaa xildhibaanka helay codadka ugu badan ee rikoodhka dhigay u yeedhay si uu iga jawaabo baaqa Cabdikariim.

“Waxaan ku hanbalyaynayaa Cabdikariim iyo ragga la socdaba, ama kuwii la kaanbeyngareeyay, doorashadeenii ma doonayno in ay dhacaan waxa shaashaynaya, waana ku hanbalyaynaynaa shacbiga doorashada laynagu amaanyo oo si nabadgelyo ah u dhacday.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin oo ka hadlaya kulanka Madaxweynahu ku qaabilay Xildhibaan Cabdikariim Axmed Moogge iyo xubnaha gollaha deegaanka Hargeysa, 9 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Mar uu ka hadlay Madaxweyne Bixii jawaabta Baaqa Cabdikariim Axmed Moogge, wuxuu yidhi, “Diyaar ayaan u nahay in aannay cidna xaqeeda waayin, waana idinku garabgelaynaa iyadoo dariiqa sharciga la marayo, wax xaqdaro ahna idiin qaadimayno” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo sheegay in uu laga jawaabyo baaqa uu saaka u jeediyay Xildhibaan Moogge.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay  in aannay jirin cid diidi karta codkaa, haday sharci tahay iyo haday xisbi tahay, ama shaqsi kale, sidaa awgeed uu Madaxweyne ahaan kulanka deg-dega ah ugu yeedhay, isagoo ogsoon xaasaasiyada ay doorashooyinku leeyihiin iyo sida aannay cidna u dafiri karin codka uu kusoo baxay Xildhibaan Cabdikariim Axmed Moogge ee gollaha deegaanka Hargeysa.

Alt:Araweelo News Network

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin oo ka hadlaya kulanka Madaxweynahu ku qaabilay Xildhibaan Cabdikariim Axmed Moogge iyo xubnaha gollaha deegaanka Hargeysa, 9 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in uu hanbalyaynayo Cabdikariim Moogge iyo ragga kaleba, balse wuxuu sheegay in wax walba dariiqa sharciga ah loo maro, iyadoo aan cidna lagu xadgudbayn.

Sidoo wuxuu sheegay in loo baahanyahay in aan la abuurin dhawaaqyo kicinkara bulshada, isagoo dhankiisa sheegay in aannayin ay soo dhowaynaayan Cabdikariim Maxamed Moogge iyo xubnaha kaleba, wuxuuna ku wargeliyay in cida wax tabanaysa ay sharciga marto, balse aan loo baahnayn in dadka la kiciyp.

Maxamed Kaahin, wuxuu halkaa ka sheegay in mar walba wixii ay xubnaha gollaha deegaanku uga baahan yihiin uu diyaar u yahay inuu la jawaabo, isla markaana uu kulanka ugu horeeya sharcigu xaq u siiyay inuu isagu furo, halka dhinaca kale uu carabka ku dhiftay in gollaha Wakiillada fadhiga ugu horeeya Madaxweynuhu furayo.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdikariim Axmed Moogge, ayaa ka dareen celiyay baaqa uu Madaxweyne Biixi ka jawaabay ee la xidhidihay rabitaanka shacbiga soo doortay ee siiyay codadka ugu badan ee doorashadii gollaha deegaanka Hargeysa.

“Madaxweyne waad ku mahadsantahay in aad ka jawaabto baaqi aan kuu soo diray, waxaana Baaqaygu ahaa mid aan kaga wakiil ahay dadkii codka isiiyay, wixii sharciyana ma dhaafayno oo ma baalmarayno, waxaana nagu waajib ah in aannu dadkii codkaa nasiyay ee doonayay magaalo wanaagsan oo Hargeysa ah, waxaana u sheegayaa in Madaxweynuhu aqbalay baaqii iyo rabitaankii shacbiga.” Ayuu yidhi, Xidlhibaan Moogge.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com