Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Shirkad dhinaca socdaalka ah oo magaceedu yahay Super Transportation and Logistics, ayaa lagaga dhawaaqay Magaaladda Hargeysa, taas oo nidaam casri ah ku soo kordhisay Adeegyada ay bixinay ee dhanka Socdaalka iyo qaadista Alaabooyinka.

Shirkadda, ayaa isaga gooshay gobollada Somaliland iyo kuwa deriska ah ee Somalia, Djibouti iyo Ethiopia, waxaana Munaasibadda daah-furka Shirkadda oo si meeqaam sare leh loo soo agaasimay lagu qabtay Hargeysa, iyadoo ay ka qaybgaleen Maamulka sare ee shirkadda, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, madax-dhaqameed, ganacsato iyo Marti-sharaf kale.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda Super Transportation and Logistics Maxamuud Ciise Jaamac, ayaa faah-faahin ka bixiyey adeegyada ay shikaddu bulshada u qabanayso, baahiyaha ay daboolayso iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay adeegyada ay qabtaan shirkadaha kale ee hore uga jiray dalka.

“ShirkaddaSUPER Transportation waxay kaga duwan tahay Shirkaddaha kale, waxay ku shaqeynaysaa hab Online ah, markaa isaga oo gurigiisa joogaa ayaa waxa uu Booking-gareysanayaa Tigidhka uu ku baxayo, iyo weliba alaabta uu dirayo iyo adeegyo kale oo tirro baddan, isaga oo qofku la soconayo kolba halka ay mareyso alaabtiisu”. Ayuu yidhi Maxamuud Aw Ciise Jaamac.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdiraxmaan Muxumed Abdeeq oo munaasibadda ka hadlay, waxa uu shirkadda cusub ee Super Transportation and Logistics ku tilmaamay shaqada ay qaban doonto mid loo baahnaa isla markaana ku soo beegantay xilli casriya oo ay maanta dunidu ku naaloonayso adeegyada kaladuwan ee Tiknolojiyadda casriga ah oo gundhig u ah adeegyada cusub ee shirkaddu kaga duwan tahay shirkadaha kale.

“Inaan ka soo qeybgalo daah-furka Shirkadda SUPER aad ayaan ugu faraxsanay, tartanka ganacsiguna wuxuu abuurayaa inuu dadweynaha reer Somaliland u fududeeyo waxyaabo baddan. Shirkadda hore oo adeeg-ga bulshada ayaa jiray, laakin Shirkadda SUPER waxay kaga duwan tahay adiga oo Xaafaddada jooga inaad ka dalbanayso tigidhkaaga oo aan wakhtiga kaa dhacayn, taasina waxay ina tusinaysaa halka uu maanta dalku ka gaadhay tignoolajiyada”.Ayuu yidhi Agaasime Cabdiraxmaan.

 

Sidoo kale, Sarkaal sare oo ka socday Shirkada Caymiska ee Amaano Insurance Liibaan Maxamed Ciise oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan bogaadinayaa Maamulka iyo Mulkiilayaasha Shirkadda SUPER Transportation &Logistics maalgashigan baaxada leh ee ay dalka ku soo kordhiyeen oo dhaqaalaha waddanka wax baddan ku soo kordhin doonaa”.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Maamulaha Isu-xidhka Gaadiidka shirkadda ee u kala gooshaya gobollada Bari ee dalka Maamul-goboleedka Punland Axmed Maxamed Saleebaan, ayaa ka sheekeeyey qaabka ay shaqadu uga hawl-galidoonaan isaga oo dhinaca kalena tilmaamay arrimahan soo socda.

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarina Jidadka Nagiib Maxamed Diiriye, ayaa maamulka iyo darawallada gaadiidka shirkadda ku booriyey inay muhiimadda koowaad siiyaan bad-qabka rakaabka iyo nabadgelyada: “Waxaynu Shirkaddan cusub ee SUPER ugu duceynaynaa inuu ILAAHAY u barakeeyo maalgashadayaasha, waxay soo kordhiyeen hab casriya oo bulshada wax baddan u fududeyn doonaa”.Ayuu yidhi Nagiib.

Cabdullaahi Balaaki oo ka mid ahaa Mudanayaashii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Xafladaasi  ka hadlay ayaa maalgashadeyaasha shirkadda ku bogaadiyey adeegyada Casriga ah ee ay dheer yihiin shirkadihii suuqa ugu jiray bulshada u qaban jireen inay Shaqo-abuur hor leh u sameeyaan Dhalinyarada dalka.

 

Dr Cabdifataax Ibaahim oo ku hadlayey afka Aqoonyahanka munaasibadda ka qayb-galay, ayaa sheegay in maal-geshiga ganacsiyada noocan ahi ku dhiirri-gelinayaan inay qurba-jooga dalka iyo kuwa dalalka Jaarka ahi maal-gashi ka sameeyaan suuqyada dihin ee Somaliland.

Mujaahid Aadan-Ruush oo ka tirsanaa Ururkii SNM isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa saamilleyda shirkadda iyo maamulkeeda-ba ku boorriyey inay ka fogaadaan wax kasta oo khilaaf ku keeni kara shaqada shikadda. waxa uu Mujaahidku ganacsatada dalka kula taliyey inaanay Jawaanno bariis ah dibadda ka soo waaridin,balse ay dalkooda maal-gashadaan oo wershedo ka hir-geliyaan dalka.

 

“Shirkadda Super Transport and Logistics waxa la yimaadeen Adeeg cusub, amaanadana waanu xafidaynaa ayey sheegeen waa inay ka dhabeeyaan, oo Tusaale fiican ay noqdan”. Ayuu yidhi Mujaahid Aaden Ruush oo ka mida ahaa Ururkii SNM.

Shirkadda Super Transport and Logistics oo xafiisyo ku leh gobollada Dalka iyo dalalka Deriska, ah ayaa sida maamulka shirkaddu sheegay, adeeggoodu kaga duwan yahay shirkadaha hore uga jiray dalka inay ku shaqaynayso Hab Online ah oo macaamiishu ku dalbanayaan tigidhooda. Waxa kale oo shikaddu hirgelisay nidaamka la socodka ee GPRS oo lagu soconayo laguna kaantaroolayo xawaaraha Gaadiidka si loo sugo bad-qabka dadka iyo Gaadiidka. Habkan ayaa sidoo kale fududaynaya inay dadku si toos ah ula socdaan Alaabooyinka ay u dirayaan gobollada dalka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com