Araweelo News Network.

Mekelle (ANN)-Getachew Reda oo ah Xubin ka tirsan Taliska Dhexe ee Tigray (TPLF) ee dagaalka kula jira dawladda Federaalka Ethiopia, ayaa ka hadlay xaaladda dagaalka ee xilligan iyo awaamiir ku waajahan shacabka Magaalooyinka Dessie& iyo Kombolcha.

 

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Tigray (TDF) ku dhawaaqay in garoonka diyaaraddaha ee Magaaladda Kombolcha uu mamnuuc ka yahay isu socodka dadka rayidka ah.

Go’aankan wuxuu sheegay in si adag loo dhaqan gelin doono. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Taliska Ciidanka Millteriga TPLF, ugu baaqay shacabka ku dhaqan Magaalooyinka gobolka Amxaarada ee Dessie iyo Kombolcha aannay ka cararin guryahooda.

Afhayeenka TPLF, Mr. Reda, wuxuu sidaa ku sheegay war kasoo baxay Taliska TPLF ee dagaalka kula jira Ciidamadda dawladda Federaalka Ethiopia oo taageero ka helaya Ciidamadda Dawladda Ereteria iyo Malayshiyada Amxaarada.

laxidhiidha: Qabsashada Tigray Ee Magaaladda Wadnaha Ee Gobolka Amxaarada Iyo Mucaaradka Oo La Saftay TPLF

Getachew Reda, wuxuu sheegay in shacabka ku dhaqan Magaalooyinka ay kulaalayaan ee Dessie& iyo Kombolcha ku dhqan aannay ka cararin guyrahooda, balse ay albaabada xidhtaan oo ay ilaashadaan hantidooda, isagoo xusay in ay TPLF, dammaanad qaaday naftooda iyo hantidooda, sidaa awgeed aannay ka qixin gurayahooda.

Sidoo kale, ayaa ugu baaqay xubnaha ciidanka ee xukuumadda Abiy Ahmed oo sida uu sheegay “burburay” ay isku dhiibaan ciidamadda qalabka sida ee Tigray.

Hadalka Getachew Reda, ayaa yimi maalin kaddib markii ay Ciidamadda TDF, qabsadeen qayb ka mid ah duleedka Magaaladda Dessie, iyagoo qorshaynaya in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan Magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha, iyadoo labadanMagaalo oo ahmiyad weyn u leh dagaalka ay ka mid yihiin kuwa dagaalka ugu kulul ka socday dhawrkii bilood ee u danbeeyay gobolka Amxaarada iyo Canfarta ay muddo ku taamayeen Ciidamadda Tigray in ay gacanta ku dhigaan.

Ahmiyada Dagaalka ee Magaalooyinka Dessie iyo Weldiya

, Magaaladaa oo loo yaqaan Dessye ama Dessie, isla markaana ah magaalo ku taal badhtamaha dalka Ethiopia ee gobolka Amxaarada, ayaa isku xidha dalka Ethiopia, waxayna u dhowdahay Weldiya oo ah magaalo kale oo istiraatiiji ah oo ku taal Woqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada, taas oo caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa u jirta 325 km, halka Dessie ay qoyaastii 400km u jirto caasimadda Addis Ababa.

Sidoo kale, Dessie oo ah magaalo taariikhi ah, ayaa dhacda dhinaca galbeed ee Wabiga Rift Valley oo dhererkiisu yahay 7,500 feet, waa magaalo iyo degmo ku taal badhtamaha dalka Ethiopia, kuna taal aagga Debub Wollo ee gobolka Amxaarada, waxayna qiyaastii 400 km Waqooyi ka xigta caasimadda Addis Abeba iyo 25 km galbeed ee Kombolcha, Waxayna ahayd caasimaddii gobolkii hore

Dessie, waxay ku badan tahay Buurta Tossa, magaaladu waxay ku taal meel sare oo ah 2,423 m3, oo ku taal dhaadhacyada silsiladda meeriska, taas oo calaamad u ah biyo mareenka u dhexeeya webiga Awash ee waqooyi bari ilaa laga soo bilaabo Niilka Buluug ilaa waqooyi galbeed, sidaa awgeed waxay leedahay amhiyad weyn oo istiraatiijiyadeed.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com