Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland  Sayid Maxamed yuusuf Cali oo ay wehelinayeen Taliyaha Guud Ciidanka Qaranka S/Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka  Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi, hogaanka hawl-galinta Taliye Mustafe iyo la taliyaha wasiirka Faarax X Axmed, ayaa maanta
Kulan muhiim ah la qaatay, wafti ka socda UK.

Lama ogga ujeeddada wefdiga UK ee la kulmay wasaaradda Gaashaandhiga Somalilad.

Sidoo kale, lama ogga waxyaabaha lagaga Hadlay kulanka,  laakiin qoraal koobban oo kasoo baxay kulanka kaddib wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in kulanka lagaga wada hadlay wada shaqaynta Somaliland iyo UK, Gaar Ahaan iskaashiga wada shaqayneed, ee xaga nabadgelyada, ciidamada iyo sidii shaqaynta xidhiihdka labada dal loo sii adkayn  lahaa.

Dhanka UK waftiga waxa hogaaminayay Captain James Edwards (RN) oo xilka baneeyay , iyadoo  Wasiirka iyo Taliyuhu  ay sii sagootiyeen Captain James, oo xilkii shaqada soo gabagabeeyay,  waxayna uga
Mahad celiyeen wada shaqayntii soo dhexmartay intii uu xilkaa hayay.