Muqdisho(ANN)- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa Amar xayiraad ah kusoo rogtay Bangiyada ganacsiga ee xarumaha ku leh magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka shaqeeya sarifka lacagaha qalaad.

Qoraal Amar ah oo kasoo baxay Bankiga Dhexe ee dowladda Fedeeraalka ah ee Soomaaliya, isla markaana lagu socod siiyay Xarumaha Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho, waxaana lagu amray inay xidhaan dhammaan Xisaabaadka u furan dadka ku shaqeysta Sarifka lacagta Online-ka ee loo yaqaan Forex.

Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa qoraalka Amarka ah ee lambarkiisa yahay 43/G, lagu faray dhammaan in sida ugu dhaqsaha badan loo xidho Bangiyada gaarka loo leeyahay xisaabaadka (Bank Accounts) ee Ganacsatada iibiya lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah Forex Trading uga furan Bangiyadooda.

Sarifka lacagta Online-ka oo Soomaaliya aad looga isticmaalayay muddooyinkii, waxayna noqdeen adeeg si weyn loogu baahnaa oo wax badan u fududaynaya dadka inay iyagoo aan safar ugu bixin dal kale ay dunida wax ka iibsadaan, waxaana suuqyada dhinaca Online ah ka faa’idaysanayay dhalinyaro badan oo qaarkood ka shaqaystaan dhinaca Internetka, ama wax ka iibsadaan, sidoo kale ganacsatada Soomaalida ayaa qaabkan ganacsiga Online-ka kaga iibsanaysay dunida iyo suuqyada caalamka badeecado, taas oo wax badan u fududaysay, isla markaana ah suuq ganacsi oo casri ah.

Amarka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya halkan ka daalaco

Qoraal Amar ah oo kasoo baxay Bankiga Dhexe ee dowladda Fedeeraalka ah ee Soomaaliya