Weerar kale oo Xuutiyiintu Ku Qaadeen Sucuudiga Iyo Maraykanka Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network.

Dubia(ANN)-Dalka Imaaraatka Carabta ee hoggaamiya dalxiiska iyo ganacsiga gobolka Khaliijka ayaa sheegay in ay Isniintii maanta fashiliyeen gantaal labaad oo weerrar ah, kaas oo ay soo qaadeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee dagaalka kula jirta xulafadda uu hoggaamiyo dalka Sucuudigu.

Weerrarka ayaa noqonaya kii labaad ee laba toddobaad gudahood  kooxda Xuutiyuuntu ku qaadeen dalka Imaaraadka, iyadoo weerarka Toddobaadkii hore dhacay lagu qaaday kayd shidaal oo ku yaalla magaalada Abu Dhabi, halkaasoo ay ku dhinteen saddex qof.

Xuutiyiinta oo dagaal kula jira xulafadda Sucuudigu hogaaminayo oo ay ku jiraan Imaaraadku, waxayna sheegeen inay ujeedadoodu tahay in Imaaraadka lagu ciqaabo taageerada ay u fidiyaan maleeshiyada hortaagan isku dayga ay ku doonayaan inay ku qabsadaan gobollada saliidda laga soo saaro ee ku yaal dalka Yemen.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, Afhayeenka militariga Xuuthiyiinta, Yahya Sarea, ayaa sheegay in kooxdu ay gantaallada nooca loo yaqaan Zulfiqar ee ballistiiga ah ku garaaceen saldhigga cirka ee Al-Dhafra ee Abu Dhabi, kaasoo uu Maraykanku isticmaalo.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in bartilmaameedyo kale oo xasaasi ah ay beegsadeen, isagoo xusay in sidoo kale ay diyaarado nooca Drones ah kooxdoodu u dirtay magaalada Dubai.

“Waxaan kula talinaynaa shirkaddaha ajaanibka ah iyo maalgashadayaasha Imaaraadka inay iskaga baxaan, maadaama ay noqotay mid aan ammaan ahayn,” ayuu yidhi, isagoo raaciyay in kooxdu ay diyaar u tahay “in ay la kulmaan xaalad kacsanaan ah”.

Dhinaca kale, Duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay dalka Yemen, ayaa ahaa kuwo isbaheysigu ku sheegeen in looga golleeyahay in lagu curyaamiyo awoodda Xuutiyiinta, kuwaas oo Jimcihii lasoo dhaafay lagu dilay ugu yaraan 60 qof gobolka Sacda, halka ku dhawaad 20 qofna ay Salaasadii ka dhaceen caasimadda Sanca ee ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan.

Dhankeeda Safaaradda Maraykanka oo ka hadashay weeerrarada Xuutiyuuntu ku qaadeen Dalka Imaaraadka, waxayna soo saartay la-talin dhanka amniga oo naadir ah oo loogu talagalay Imaaraadka, waxayna safaaradda Maraykanku ku boorisay muwaadiniinteeda inay “ilaaliyaan wacyiga amniga oo heer sare ah”

“Tani gabi ahaanba waa wax soo kordhay, waxayna bedelaysaa firfircoonida gobolka,” sidaa waxa tidh Karen Young, oo ah maamulaha barnaamijka dhaqaallaha iyo tamarta ee machadyada Bariga Dhexe oo wakaaladda warar ee Reuters, soo xiganaysay.

“Nabadgelyada GCC hadda waxay leedahay xisaabinta khatarta ah ee ku wajahan waxa aan naqaanno qaybaha kale ee Bariga Dhexe,” ayay tidhi, iyada oo soo xiganaysa khataraha ka iman kara dhuumaha tamarta iyo xarumaha wax soo saarka iyo sidoo kale duulista rayidka.

Tusmada saamiyada saamiyada Dubai ayaa la xidhay ku dhawaad 2%, halka Abu Dhabi stock index uu soo afjaray guri siman. Qiimaha sare ee saliidda ayaa taageero siinayay suuqyada, falanqeeyayaasha  sdia ay sheegeen falanqeeyayaasha suuqa saamiyada.

Wallow ay weerarradan ahaayeen kuwo argagax ku abuuray qaar kamid ah shacabka Abu Dhabi, balse dalka Imaaraatka ayaa leh hab casri ah oo ka hortaga gantaalada kaga yimaada cadawgooda, waxyna Imaaraadku soo bandhigtay muuqaal ay ku tilmaantay diyaarad dagaal oo nooca F-16, taas oo burburinaysa gantaalada Xuutiyiinta ee Yemen.

“Guud ahaan waxaan dareemayaa badbaado laakiin ma garanayo sida ay u sii xumaan doonto,” ayay tiri Tahlia Rivera oo 19 jir ah ardayad caafimaadka ka  barata Jaamacadda Maraykanka.

Sidoo kale, Dalxiisad Isbaanish ah oo magaceedu yahay, Carabela Fernandez Rabena, oo 30 jir ah, ayaa sheegtay in aannay soo gaabin doonin fasaxeeda, iyada oo aaminsan awoodda difaaca Imaaraadka.

Dhinaca kale, Xuutiyiinta ayaa Isniintii sheegay in ay sidoo kale weerarreen dalka Sucuudiga, waxayna sheegeen in ay waxyeello kasoo gaadhay gantaallada laga hortegay ee ku yaalla aagga warshaddaha ee Koonfurta.

Habeenimadii Axadda, ayaa gantaal ku dhacay gobol kale oo koonfurta ah, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo ajaanib ah.

Dalka Yemen, ayaa dhibaatooyin collaado iyo bur-bur si weyn u baabiiyay, kaddib markii Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucuudigu weerar ku qaaday  March 2015, taas oo ka dhalatay  markii Xuutiyiinta oo lala xidhiidhiyo in ay teegeero ka helaan dalka Iran ay ka saareen xukuumadda Sanca. Kooxdan ayaa sheegtay in ay la dagaalamayso nidaamka musuq-maasuqa iyo duullaanka shisheeye.

 Dagaalka, ayaa noqday mid aan wax guul ah laga gaadhin, waxaana ku dhintay kumaan qof, halka malaayiin qof oo carruur u baddan ay waajaheen nolol xumo iyo qoxooti, iyadoo dhammaan ay burbureen adeegayadii aasaasiga ahaa, isla markaana si weyn dib dhac iyo bur-bur uu sababay dagaalku, waxaa waxba kama jiraan noqday kulamo iyo shirar laysugu keenayo dhinacyada dagaalka ee xukuumadda Sucuudigu taageero ee Abdu Rabow Mansoor Al haddi iyo kooxda Xuutiyiinta.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com