sdf1Hargeisa(ANN)Baadhitaano la xidhiidha qaabka loo maamulay Saduuqa Horumarinta Deqaaha ee Somaliland Development Fund ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (SDF), oo ay hormood u yihiin Dalalka Uk iyo Denmark, ayaa lagu oggaaday inay jiraan waxyaabo baddan oo qaabka loo maamulo mashruucaa ka dhigaya mid mad-madaw iyo shaki ku abuuray bulshada.

Dhaqaalaha sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay hormoodka u yihiin Dalalka Britain iyo Denmark, isla markaana ahmiyada lagu siinayo meelaha ay Dawlada Somaliland doonayso in laga horumariyo shanta sanadood ee soo socda $ 60 Million, lacagtaa oo  $ 12 Million oo loo qoondeeyay sanadkii wax yar oo qadaadiic ah ay ka noqonayaan isu geynta lacagta Somaliland lagu caawiyo sanadkii , taas oo noqonay (250 Million per year), isla markaana noqonay mid calaam wanaagsan iyo mustaqbalka qaranka u muujinay horumar haddii sida macquul ah loo maamulo.
In kasta oo ay tani tahay markii u horaysay ee Taariikhda Somaliland 23 sanadood oo ay ku naaloonaysay deganaansho iyo xasilooni, isla markaana maamul iyo nidaam dawli ah uu ka jiray ay xukuumadda Somaliland miisaaniyadeeda ku darto lacagta caawimada ah, taas oo ahayd shurruudaha looga baahnaa xukuumadda si meesha looga saaro musuq-maasuqa mashaariicda iyo lacagaha deeqaha caawimooyinka ee ay hore u maamuli jireen Hay’addaha aan dawliga ahayn ee NGO’s (International Nongovernmental Organizations).
Mashruuca Somaliland Development Fund (SDF), wuxuu shacbiga Somaliland ku abuuray bilawgii rajo iyo yididiilo, wuxuu u muuqday haddii ay xukuumadda Somaliland sida ugu haboon iyo meelaha ku haboon ee la doonayo in laga horumariyo kaabayashaa dhaqaalaha dalka ku jihays, isla markaana loo eego qaab deegaamada dalka si siman ay uga faa’idaystaan, taas ayaa loo arkayay mid horseed u noqon karta inay dalal kale kusoo biiraan sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay yagleelidiisa lahaayeen Britain iyo Denmark.
Balse waxaynu marka hore mawduucan ku qaadaa dhigaynaa qaabka loo maalulay dhaqaalahaa, sida xukuumaddu u shaxaysay iyo inuu noqday mid sidii la doonayay ee loo qorsheeyay oo looga faa’ideeyay bulshada. Arrimahaa iyo kuwo kale oo baadhitaano lagu sameeyay mashruucaa la xidhiidha waxaynu ku qaadaa dhigi doonaa qaybaha danbe ee qormooyinkan.
U Dheg taag qaybo kale oo la xidhiidha mawduucan.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com
www.araweelonews.com

www.araweelonews.net