Boobe1
Akhristayaasha Sharafta leh waxan maanta Halkan idiinka soo gudbinaynaa Maanso Mug iyo Miisaan culus leh oo abwaan Miyir Cali Xuseen ku Maamuusaayo Macalinkiisa Boobe Y Ducaale MMaansadan oo uu isla markaana kaga waramaayo Taariikhda dheer uu leeyahay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale iyo sidoo kale qiimaha iyo abaalka uu u hayo Abwaanku Macalinkiisa Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo runtii ah Shaqsi Qiimo iyo Qaayo Mug weyn ku leh Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana Qaranka Somaliland
Hadaba Maansadan oo magaceedu yahay Boobe Y.Ducaale Bare Samo Bayaanshay waxa ay ku bilaabmaysaa sidan Akhris Wacan Oo Xiiso leh

Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’i waaye iga hano
Baydka maanso curatoo
Taariikhdaada bilaniyo
Buruudkaaga hodankaa
Beel-daajinaysoo
Dhegka-bawsigaygaygiyo
Illaa barashadeennii
Beerkayga jiiftoo
Beryo aan la foognaa
Bulshadiyo hankaagaba
An u soo bayaanshee
Baydkeeda ila maqal

Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’i waaye waxad tahay
Bar-tilmaansigaygiyo
Barahaan higsanayee
Beegsiga habkiisana
Bogga aan ku haystee
Ii bayaanshay himilada

Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Boqorkii ku uumaa
Hibo baaxad waynliyo
Buruud kuugu deeqoo
Beeshoo nagaatoo
Baxsantani Hargeysina
Baro ay u tahayoo
Barashada Furqaan iyo
Cilmi loo banbaxayoo
Maxamuud bahdiisina
U baaqeen bulshada oo
Boogihii gumeystuhu
Dadka uu badaayee
Ba’an borabogaandiyo
Baabkiisi hoosiyo
Beentiyo khiyaalkii
Badawsigu ku dheehnaa
U bayaamiyeenoo
Bogga ay ka dooxeen
Baahidiyo aqoontiyo
Jahligiina baanteen
Illamaa Berbera iyo
Buurta Sheekh dusheediyo
Burco iyo Hargeysiyo
Booramiyo Cammuud iyo
Badhan Ceerigaababa
Dugsiyada bineeyeen
Bulshadana han kiciyeen
“Wax-bartaay” yidhaahdeen

Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’i waaye waxad tahay
Barbaartii la kulantiyo
Ubixii la beeree
Aqoontaa bilawga ah
Nasiibkood ku beegee
Bulshaduna ku faraxdee
Beeraqeeda dhaliyee
Beryo naawilaysee
Barriiqii xornimadiyo
Gudcur kii ku beegmoow

Been lama bineeyee
Runtaa beegsi fiicane
Taariikhdaa ku boqortoo
Baashashkeeda muuqdiyo
Boga sare kutaaloo
Bi’iwaaye waxaad tahay
Bahdii ugu horaysee
Boogihii xasuuqiyo
Baroortii haweenkeen
Beerkooda damaqdee
Barre dawladiisii
Baawarki awoodiyo
Is-bidaysay xoogana
Amarkoodii buriyee
Barta dhimasho taaliyo
U banbaxay dagaalkiyo
Halyeeyadii isu-baaqee
Banka qaatay ficilkee
Baryo ayda joogee
Bahalaha cunaayee
Boqorkana wakiishee
Bismilaah ku dulee
Barre dawladiisii
Ku baabiiyey maalmaha

Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’iwaaye waxaad tahay
Bahdii calanka bilaniyo
Baxsaneey xornimadiyo
Bu’da qaranka dhalisee
Samo lagu badhaadhiyo
Barwaaqada nadoojee
La bogaadshay dabadeed

Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’iwaayae waxaad tahay
Axdigeena beelaha
Wasiirkaanu boqornee
Danta qaranka bilayee
Balayaada ka dhawree
Baashiisii nuurshee
Kazoo baxay xilkiisee
Bulshaduna ducada iyo
Mahadiyo Bogaadada
Bedel ugu dhigtaad tahay

Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’iwaaye waxad tahay
Qoraa lagu badhaadhoo
Bulshadani ku faraxdoo
Barbaartuna ku raysoo
Buugaag qormeeyoo
dhaqankii na barayoo
Taariikhdii bayaanshoo
Suugaantii bidhaanshoo
Ka soo baxay xilkiisii

Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Ani biri-magaydadaydoow
Bulshadaa xushmayniyo
Bilad-sharaf ku siisoo
Boga iyo calooshana
Kuugu beertay muxuboo
Maamuuska bilan iyo
Xurmo kuugu baaqdoo
Bi’i waaye waxad tahay
Barihii aqoontiyo
Ii balaadhshay himilada

Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’i waaye abidkaa
Buruudkaagan hodankiyo
Hibadaadan badantaa
Boqor kaama qaadoo
Kuma bado Ilaahay
Balaayiyo xumaatoo
Barwaaqiyo samaatiyo
Bashbash abid ku nooloow
Aakhiro barteedana
Bashiir kugu janneeyoo
Boqorkaa ku guulee

Aamiin Aamiin Aamiin

Abwaan Miyir Cali Xuseen

moble:0634046313/0634254772

email:miyircali@gmail.com

Hargeysa Somaliland