Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Habeenkii Jimcaha, 11kii May, waxaa uu ku suntan yahay amin lagu bariiqday dastuurkii, lana wiiqay raasalmaalkii dalka oo ahaa nabad, xornimada erayga iyo dimuqraadiyad. Sida la sheegay, ciidamada amnigu waxaa ay gurigiisa ku jebiyeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, una taxaabeen xabsiga, isagoo huwan Xasaanad Qaran. Hawlgallada noocan ah oo soo noqnoqday, dhibbanayaashu waxaa ay ku doodaan in lagaga baaqsan lahaa yeedhmo keliya oo uga timaada hay’adaha nabadgelyo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxaa uu sheegay  Xildhibaanka in lagu soo eedeeyay cabbiraadda ra’yigiisa. Qabashadiisa, sidii loogu weeraray qoyskiisa hortiisa, iyo isku dayga Sabtidii lagu horgeeyay Maxkamadda, si loo xalaashado xadhigiisa, waxaa uu Guddoomiyahu ku asteeyay, gebi ahaan, kuwo baalmarsan dastuurka. Waxaana uu ku ladhay, in la iska hortaagay in uu maxbuuska ku booqdo Taliska Ciidanka Denbi-baadhista, taasoo uu ku tilmaamay qoddob kale oo lagu jebiyay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaaliland.

Dhawaaqa Guddoomiyahii Barlamaanka oo ah Masuulka Saddexaad ee Qaranka waxaa uu ka marag kacayaa sida sharcigu u fooraro taasoo keentay in ay janjeedhsato taladii qaranku. Waa maxay dawladnimada aan sheegannaa, marka Guddoomiyahii Golaha, askari uu iska hortaago booqashada xildhibaan sharci-darro ku xidhan? Miyaanay jirin cid la xisaabtanta masuuliyiinta sidan ugu takrifalaya awoodda, mise ciddii la xisaabtami lahayd ayaa soo amartay? Mase la garan karaa, dal iyo dibedba, waxyeelada soo gaadhaysa waxii ummaddu ay soo yabyabaysay 30ka sannadood? Sida uu sheegay Janaraal Fooxle, ma erayadi Dhakool oo aan cidna dheg u jalaqsiin ayaa kicin iyo colaad hurinaya, mise xad-gudubkan qof gob ah aanu ku sii joogi karayn?

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska, Jan. Cabdiraxmaan Liibaan “Fooxle” waxaa uu warbaahinta ku faafiyay in ay qabteen Xildhibaan “Dhakool” iyadoo loo cuskaday qoddobada 49 iyo 79 ee Dastuurka JSL. Qoddobadaa, Guddoomiyahu Barlamaanku waxaa uu ku sheegay in ay yahiin kuwo sugaya dhowrsanaanta xildhibaanada. Waxaana caddaatay in ay jaban tahay dacwaddii la soo maleegay markii Maxkamadda Gobolku ka qaban weyday, una qeexday in aanay awood u lahayn dhegaysigeeda. Sidaa ayaana ku cad qoddobada u soo xigtay Janaraal Fooxle, balse, indhahiisu aanay qaban.

Qod 49aad: 1. Xildhibaan Qaran looma qaban karo arrin uu golaha soo hor-dhigay ama uu ra’yigiisa ku cabbiray. 2. Waxaa lagu soo eedayn karaa wixii cay ama aflagaado. 3. Iyadoo aan oggolaansho laga helin Golaha, waxaa reebban in lagu fuliyo baadhis, waraysi, qabasho, xidhid ama tallaabo kale oo la xidhiidha ciqaab. 4. Tallaabo ayaa laga qaadi karaa haddii uu faraha ku la jiro fal denbiyeed iyadoo si degdeg ah loo ogeysiinayo Golaha. 5. Waxaa waajib ah in uu Golahu hubsado in ay toosan tahay tallaabada laga qaadayo xildhibaanka.

Qod. 79aad: 1. Xildhibaan waxaa lagu oogi karaa dacwad dembi ah haddii la qabto isagoo faraha kula jira fal­dembiyeed (Flagrante Delicto) uu ku mutaysan karo ugu yaraan saddex sanno oo xadhig ah. Lama hor geyn karo maxkamad,loomana gudbin karo xabsi, ilaa laga xayuubiyo dhawrsanaanta xilka. 2. Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa oogi kara dacwadda lagu eedaynayo ka dib markii ay dhowrsanaanta ka xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha. Dhegeysiga dacwadda waxaa awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda.

Haddaba, dadweynahu waxaa ay isweydiinayaan, sharciga uu xildhibaan Dhakool ku galabsaday dakanaha intaa leeg ee kelifay dastuurka in indhaha laga laliyo. Ma isla sharcigaa ayaa xasaanadda siiyay Siyaasi Ismaaciil “Yare” Aadan, isagoo toddobaadkan madal kaga dhawaaqay Muuse Biixi Cabdi in aanu u aqoonsanayn Madaxweyne?

Dhanka kale, Cali Gurey ayaa degelka Facebook soo dhigay aflagaado laga yaqyaqsado. Waxaana uu qoray, ” Xildhibaanku markii uu yimid Hargeysa in uu xaarku ka dareerayay xaglaha. In uu yahay kabo-qaad calooshii u shaqayste ah. Iyo in uu gun yahay.” Haddaba, miyaanay u eekayn, sideedaba, xildhibaanda darfahu, ilaa guddoomiyaha, in aanay lahayn wax xasaanad ah. Balse, xasaanadda dhabta ay tahay tan ay ku tookhayaan Ismaaciil Yare, Janaraal Fooxle iyo Mudane Cali Gurey.  

Saacado ka dib, Cali gurey waxaa uu qoray in uu rumeysan waayay xadhiga Xildhibaan Dhakool. Waxaana uu raaciyay, “hadalkii Dhakool maaha in mushkilad wayn loo arko. Guddida Anshaxa in loo daayo ayaan qabaa oo raaligelin uu isagu laftiisu ka bixiyo hadalkiisii meel-ka-dhaca iyo aflegaadada ahaa”. Cali kolay xidhig ka dheere ayaa xaalka ka bixinaya. Mise waa ragga laysanka u lahaa?

Ladhkan soo kacay, malaha, waxaa uu daarran yahay doodaha “tabliiqi Siyaasadeed” ee  ka furmay Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco. Dooddu waxaa ay ka tarjumaysa dareenka beelaha darfaha ee haybinaya Somaaliland hanata maanka iyo quluubta dhammaan muwaadiniinta. Waxaana ay sii xoojinaysaa dimuqraadiyaddii, is xurmeyntii, madax-bannaanidii erayga, nabadeyntii iyo is dhexgal la isku calool xaadho.

Dad badan ayaa u malaynaya xildhibaan Dhakool in laga raacay safar “Tabliiqi Siyaasadeed” oo uu dhowaan kula saanqaaday Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ay ku tageen magaalada Burco. Mise, waxaa jira qorshe qarsoon oo lagu carinayo Beelaha Bariga Fog oo xillagan qoorta soo dhiibtay, kuna taamaya in ay kaa qayb qaataan dhismaha dalkooda.

Doodaha socda waxaa u riyaaqay bulshadaa inteed badan. Balse, waxaa jirta tiro ku hawlan in ay dhicisoodo. Ogow, 16 bilood ayaa xukuumadda looga fadhiyay xurmeynta iyo fulinta heshiiska dastuuriga ah ee ay wada galeen Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” iyo Madaxweyne Cali khaliif Galaydh. Heshiiska oo Barlamaanku ansaxiyay waxaa uu dan u yahay dhammaan shacabka Somaaliland.  

Guuxa iyo dabaylaha soo kacay, waxaa aan ka xusayaa Boqor Cismaan “Buur Madow” oo dhowaan kaga tiraabay Abu Dhabai in xilka laga qaado Guddoomiyaha Barlamaanka loona dhiibo “qof uu xilku dhibayo”. Ma waxaa uu ka wadaa qof Beeshe Dhexe ah? Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ka digay Barlamaanka in aanu hoggaanka u qaban qof isxanbaar ku yimid. Isna ma daantaa ayuu la rabaa? Xildhibaan Axmed Maxamed Nacnac ayaa isna si adag warbaahinta uga sheegay in uu Madaxweynahu dalka ka qabto kana masaafuriyo Prof. Cali Khaliif iyo Prof Samatar oo uu ku sheegay “Tabliqiyiin meel baas ka socda” oo dalka burburinaya. 

Isku soo xoore, xukuumadda waxaa xil ka saaran yahay in ay tallaabo adag ka qaado galka dacwadda Xildhibaan “Dhakool”. In lagu oogo waxii uu eed leeyahy, haddii kale, in degdeg loogu soo celiyo sharftiisii iyo xornimadiisii. Ma aan filayo in lagu qancayo in la iska xidho Xildhibaan Xasaanad leh, hadhowna, la iska soo daayo. Haddii eed loo waayo, cadaaladdu waxaa ay ku jirtaa madaxdii godka ku hubsatay, in lagu hubsado halkii ay dhigeen. Haddii kale waxaa ay noqon doonta waddo halaq.

Ugu danbeyntii, Xukuumadda Somaaliland waxaa la gudboon in ay ku mintiddo fursadahan muuqda, kuwaasoo haddii ay lumaan, aan soo noqon doonin. Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha JSL waxaa uu shacabku ka sugayaa in uu isu soo jiido dadkii ku kala irdhoobay doorashadii, in uu korkiisa ku soo xanbaaro inta u soo hanqal taagaysa dhismaha Somaaliland inna wada deeqda, iyo in uu isku sii hayo inta badan ee ku jirta xayndaabka dawladnimo. Wax kasta ka horna in uu dalka ka qabto falalka iyo dadka sii kala fogaynaya shacabka. Waxaa aan filayaa in la gaadhay xilligii aan ka kori lahayn milil kor laga dhayo, balse, loo baahan yahay in la dillaaciyo boogta. Sidaa ayay jirtaa dawada iyo daanta Qaranku.

Xassan Cumar Hoorri, Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa (HID), waxaa aad Kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter #Horrimania.