W/Qoray:  Maxamed Faarax Qoti

riyaddiiBeri hore ama wakhtiyo hore oo la soo dhaafay waxa jiray boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay ee masaal iyo tusaalaha loogu soo qaato sababihii uu ku gaadhay guusha iyo ka dib sababihii dhaliyey guul-daraddiisa.

Waxa ay Boqortooyadaasi ka koobnaaan jirtay saddex-xubnood, taasoo xubin-kastaaba uu ka soo bixi jiray musharax u laylisan hogaaminta inuu ku guuleysto jagada boqornimada, isla-markaana waxa lagu kala saari jiray hadba ka buuxiya 10-qodob oo u ahayd astaan, laguna qiimeeyn jiray hoggaamiyenimada.

Habkan kala xulashada waxa kale oo ay lahayd xil-wakhtiyeed leh gu’yaal cayiman, taasoo ahayd hab-dunida ku cusubbaa kagana soocnaayeen boqortooyooyinkii kale ee jiray, waxaanay dhaqan jireen kumanaan kun oo xoolaha gees-layda Lo’da, dhinaca noloshana ay ku tiirsanaayeen dhaqaalaha ka soo baxa ka ganacsiga suuq-geynta caanaha lo’daasi, Inkastoo boqorkaasi uu lahaa fikrado horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, haddana waxa sabab u ahayd guul-daradiisii fikrad ka mid ahayd fikradihiisii oo ahayd inuu raali-galiyo qof kasta.

Qaabkii hoggaamineed ee boqorkaasi iyo casharadii laga bartay,
waxaynu halkan ku iftiimin doonaa hogaamintu in ay tahay khariidad lagu gaadho guusha ay u baahan yihiin koox ama ururba, waana isbedelka fikradaha cusub ee loo haraadan yahay iyo himalada, taasoo caawisa kuwa qabanaya waxa saxda ah, ka dibna waxay ku jiheysaa dhisitaanka hiigsiga aragtida himilada iyo abuurid cusub, Hoggaaminta aassaasskeedu waa dhaqan iyo waayo aragnimo, mana aha aqoon keliya, waxayna ku nooshahay himiladeena mana aha waxa ay inala tahay sida malaheena.

Waxa hoggaamiyayaasha intooda badani waxay u isticmaalaan xirfada maareynta jihadii ay doonayeen dadkoodu inay ku gaadhaan hiigsigooda, oo ah mid loo siman yahay oo xaq ah, Waxa kale oo khariidadu ina siisaa jiheyn u kala dajisan, siday u kala mudan yihiin iyo astaamo muujinaya in la gaadhay wixii la doonayay oo uu bartilmaameedku ahaa.
Inkastoo,haddana lala xidhiidhiyo in ay tahay hoggaamintu mid bulshadeed, diimeed, siyaasadeed iyo ollole-kooxeed, haddana garaadkeenu wuxuu bixiyaa muuqaalo kala duwan, sida:-

Hogaamiye siyaasadeed: oo raad-ceeya xiisihiisa ay keento qofnimadiisu.
Sahamiye: ka sii gooya wadadii uu maray dhirtii ay ku sii nasan lahaayeen kooxdii la socotay.
Fuliye: horumariya xeelada shirkadu ay kula dagaalami lahayd tartanka.

Habkii geedi socodka hogaamineed ee boqorkaasi waxa ay ahayd nooc ka mid ah hogaaminta la yidhaahdo: “Hoggaaminta isbedel-doonka” oo loogu magac daray “ Gubashada ka dib horumarka”.

Sac-maaladaasi waxa ay wada badeleen dhamaan qaabkii loogu tallo-galay hab u socodka maareynta iyo tixraaca wax-qabaddadii ka sii socday xafiisyadii loo magacaabay, taasina waa sababtii keentay inay bur-buraan dhamaan adeegyadii bulshadu ay ku tiirsanaayeen iyo inuu hoos u dhac ku yimaado hab nololeedkii bulshadu ay hiigsanaysay, taasoo dadka indheer-garadka ahi ay hoosta ka xariiqaan in isbedelka la illaaliyo qaabkii loogu talagay hab u socodkii maareynta iyo sidoo kale in la hagaajiyo tixraacyadii wax-qabad kastoo soo socday.

Boqorku isagoo isha ku haya sidii ay u sii jiri lahayd awooda xukumadiisaasi, wuxuu isticmaalay inuu sameysto meelo uu wax ku sii qarsado, wuxuu magacaabay Sac-maalo kuwaasoo ahaa shan- xamaal oo awood badan, kuwaasoo xariifiin ku ahaa dhinaca siyaasada ganacsiga bulshada ee farsamada casriga ah ee loo isticmaalo suuq-geynta ganacsiga caanaha lo’da ee afka qalaad loogu yeedho”. PEST Analysis (political economic social and technological analysis.

Sac-maaladaas waxa ay is-weydiintoodii ahayd in ay ka fikiraan, sidii faa’iido ay ugaga heli-lahaayeen adeegyadda ganacsiga kala duwan reerkoodu, lana siiyo mudnaanta koowaad ee ugu fiican oo laga horeysiiyo cid kasta oo kari karta ollolaha suuq-geynta waxkasta oo adke ah iyo Subaga saafiga ee laga saaro burcad laga lulo caanaha lo’da ee afka qalaad loogu yeedho “USP Analysis (unique selling proposition analysis).

Waxa kale, oo ay iskaashi la yeesheen sac-maaladaasi iyagoo wax-u qabanaya shaqsiyaad ka mid ahaa heerarka kala duwan ee bulshadaasi siiyeena qaar ka mid ah gaadiid iyo lacag, taasoo ahayd sidii malahoodu uu ahaa in ay ku gaadhi karaan tar-tanka musharaxnimada mansabka ugu sareeya tallada dalka, isla-markaana ay dadka garaadkooda ugaga iibsan lahaayeen lacag ay ku gaadhaan awooda jagada hogaaminta.

Waxa la qiimeeyaa lana baadhaa xaaladda ka taagan deegaanka, ganacsiga iyo shaqsiyaadkaba ee la yidhaahdo, habka barashada baadhida heerarka aqoonsiga awoodaha wax-qabad ee gudaha, awoodaha uu ka liitay iyo fursadihii xasaasiga ahaa ee uu ka lumiyey arrimaha dibada, taasoo afka-qalaad loogu yeedho “ SWOT  (Strengths, Weaknesses, Opportunities and Threats )

Waxa kale oo ay sac-maaladaasi jecleysanayeen oo ay inta badan ka fikiri jireen, sidii ay u dhex-galin lahaayeen ganacsigoodda, uguna tar-tami lahaayeen tartamayaashoodu guusha iyo inay sidoo kale ay raadiyaan habkii ay ku gaadhi lahaayeen dib u cusboonaysiinta guusha (Innovate successful)

Noocan waa nooc u eeg qaabka ganacsi oo kale, kaasoo ay la mid ahayd habkii uu ahaa geedi socodka mustaq-balkoodaasi, laakiinse, waxa tijaabiya isla-markaana ku guuleysta arragtidoodii, goobaha suuq-geynta ganacsiga kuwaasoo ah kuwa ugu haboon uguna xeel-dheer baadhida suuqyadda.

Furaha qiimeynta hoggaaminta boqorkaasina waxay noqotay tii ugu khatarta badnayd ee xirfad ahaan loo isticmaalo, casharada hore ayaa wax laga bartaa.

Sidoo kalena, waxa haboonayd waa haddii uu hoggaamiyahaasi sameyn lahaa ururinta arragtida dadku siday wax u arkaan, una dareensan yihiin ee ay fahamsan yihiin, gacmahana isku qab-san karayaan, ay wax-tar weyn u lahaan lahayd hogaamiyahaas, isla-markaana ay bixin lahayd mustaq-balka sawirka ugu qaalisan.
W/Qoray: Dr. Maxamed Faarax Qoti
Astrologist. PHO. Author

mfqoti@gmail.com