Araweelo News Network

Qormooyin taxanne ah oo ka waramaya taariikhda iyo xaladahii kala duwanaa ee Qur’aanku soo maray intii u Nebigu NNKHA noolaa iyo waqtiyadii ka dameeyeyba.

Diyaariye Cabdillaahi Beershiya.

Qormada 1aad
Qur’aanku waa kuma? inta badan dadku waxay iskaga gaabsadaan haddii su’aashan la weydiiyo waa hadalkii Ilaahay, laakiin sida ay culmada Qur’aanka takhasuska u leh sheegaan waxa lagu ladhaa hadalkaas ereyo kale oo sii wanaajiya amma sii qurxiya qeexdinta Qur’aanka.
Qur’aanku waa hadalkii Ilaahay ku soo dejiyey Nebi Muxamed NNKHA, isaga oo uu sido Malakul Jibriil, waa hadalka Eebe ee ku qoran kutubta dhexdeena taal, kaas oo inagu soo gaadhay derejo aan shaki la gelin karin (Tawaatur), kelmedihiisa ugu gaagabanna aanu bani’aadamku keeni karin haddii ay khubaro kasta iskugu yeedhaan.
Marka aynu leenahay waa hadalkii Ilaahay waxa meesha ka baxaya hadalka Rasuulka oo isagu ah waxyi, laakiin aan ahayn Qur’aan, sidoo kale marka aynu leenahay wuxuu inagu soo gaadhay derejo aan laga shakiyi karin waxa aynu uga jeednaa inay meesha ka baxayaan hadalada bah gooniga ah ee keligii socda.
Qur’aanku wuxuu kaga soocan yahay kutubtii ka horeysay ee Anbiyadii hore lagu soo dejiyey dhinaca magacyada oo wuxuu leeyahay magacyo aad u tiro badan oo dhammantood tilmaamaya wanaaga iyo sharafta u gaarka u mutay ee u leeyahay.
Haddaba, magacyadiisaas waxa ka mid ah: Al-Quraan, Al- Furqaan, Al-Kitaab, Ad-Dikri, Al-Waxyi, Ar-Ruux iyo magacyo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin oo dhammaantood ku soo arooray nusuusta kala duwan.
Soo dejintii Qur’aanka
Qur’aanku wuxuu soo maray laba marxaladood oo kala duwan marka laga hadlayo qaabkii uu u soo degey, waxaanay kala yihiin: inuu mar keliya ka soo degey Lawxul Maxfuudka isaga oo isku dhan oo la keenay sammada kowaad ee adduunka u soo xigta oo uu ku yaalo guri lagu magacaabo gurigii Sharafta lahaa iyo qoddobka labaad oo ah in muddadii u Nebigu dacwada waday lagu soo dejinayey Qur’aanka oo furfuran oo aan mar keliya wada socon.
Xikmadda iyo Ujeedada aan Qur’aanka mar keliya loogu soo wada dejin Nebiga
Waxa jira qoddobo badan oo culimada Islaamku ku tilmaamaan inay yihiin kuwa sababta u ah in Qur’aanka lagu soo dejiyey Nebiga NNKHA isaga oo kala furfuran oo aan jumlad mar wada socota ahayn waxaana ka mid ah;

• In qalbiga Nebiga lagu hubsado Qur’aanka, ujjeedaduna tahay in loo adkeeyo xifdigiisa, inuu u noqdo xujo marka ay dooda adag kala hor yimmaadaan gaaladu iyo inuu xaqiijiyo mucjisooyinka uu Ilaahay ku galladay Nebiga.
• In la baro Nebiga sida loo tarbiyadeeyo dadka, gaar ahaan dadkii u ka soo dhex baxay oo ahaa ummad bilaw ah oo ay ku cusub tahay diintu, waxa loogu dhibriyey kolba sida ay u qaadi karaan waajibaadka la saarayo sida salaadda, soonka iyo sekeda oo mar keliya laguma wada waajibin, sidoo kale waxa aayar aayar laga saaray khaladaadkii dhinaca nolosha ee ay ku jireen sida khamri cabbista, ribada, dhiig daadinta iyo danaysiga, waxaana loo beddelay halyeyo naftood hurayaal ah, taas oo Nebiga ku qaadatay muddo dheer inuu dadkaas diyaariyo.La soco….

cabdilahibeershiya@gmail.com