Prof. Maxamed Siciid Gees oo taariikh iyo xogo xiiso leh ku soo bandhigay qormadiisa Dharaaro Xusuustood
Prof Gees
Hargeysa(ANN)Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey taariikho kala duwan oo ku duugan aftidii dastuurka dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee laga qaaday dadweynaha bishii June ee sannadkii 1961-kii iyo sidoo kale aftidii loo qaaday dastuurka Somaliland sannadkii 2001-kii.
Prof. Gees oo soo saaray taxanaha 44aad ee qormadiisa Dharaaro Xusuustood, waxa kaloo uu kaga hadlay sidii looga wada qaybqaatay halgannadii kala duwanaa ee Somaliland laga soo bilaabi waqtigii Daraawiishta ilaa SNM, isagoo sidoo kalena soo qaatay arrimo ku jiray khudbaddii ugu dambaysay ee marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ka jeediyo khayriyadda Hargeysa 18 May 2001, taas oo waxyaabo badan ka rumoobeen.
“Adoo gurigi barwaaqo ah geel dhalay ku haysta
Geedi lama lalabo oo abaar looma guuree
Anigaa isu geystoo galabsaday xumaantee
wixii ila garaadaw Gobanimo ha tuurina”
abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye
Bishii June ee sannadkii 1961 ayaa afti loo qaaday Dastuurkii Somali Republic, aftidaas oo ka dhacday labadii dal ee isku biiray 1960 ee kala ahaa Soomaaliya iyo Somaliland. Waqtigaas shicibka Somaliland waa ka diiday isku darsigii oo markaas sannad qudha jiray.
Qoladii reer Soomaaliya ayaa isku wada ridatay xilalkii dawladda, qaybintii dacwadda ayaa ka dhacday “Libaax wada qaado.” Dadweynihii waa ka soo booday arrintii, markii Hargeysa laga hayaamay, hantiilihii, aqoonyahankii, saraakiishii, dhallinyaradii wax baratay, rag iyo dumar ee Xamar loo dareeray.
Wax sharci ah lama kala saxeexan oo heshiis labada gole ama baarlamaan ay midba goonnidii u ansixiyey ma jirin, sidaas darteed heshiis isku darsi ma jirin. Had iyo jeer Soomaalidu xagga sharciyadda waa ku liidataa, waana waxa ay isku wada haysato. Xeerka ayey ku unkantaa wax wada-lahaanshaha iyo dawladnimadu. Waxa qudha ee markaas xallaalayn lahaa isku darsiga iyo midowga waxa uu ahaa dastuurka oo tilmaamaya isku darka haddii aftida labada qayboodba looga codeeyo oo laga aqbalo.
Laba sanduuq ayaa xaashida codbixinta lagu kala ridayey; mid madaw oo “maya dastuurka” ahaa iyo mid cad oo “Haa dastuurka” ahaa, si loo niyad-jabiyo dadka diiddan dastuurka sanduuqa madaw ayaa loo dooray.
Waqtigaas shicibka Somaliland ayaa diidanaa dastuurka iyo isku darka, sidaa darteed sanduuqa madow ayaa lagu tilmaamay.
Sannadkii 2001kii markii aftida dastuurka Somaliland loo diyaargroobayey ayaa la iiga yeedhay madaxtooyada maalin maalmahaas ka mid ah. Madaxweyne Cigaal oo ay la fadhiyaan guddigii maamulaysay aftida dastuurka ayaan u imi. Waxa laga hadlayaa warqadda codaynta waxa lagu qorayo. Markaas ayaan soo jeediyey in la qaato sanduuqii madoobaa iyo kii caddaa oo lagu kala rido warqadda codaynta. Markaa ciddii dastuurka iyo goonni-isu-taagga diiddani waxay ku qasbanayd inay ku riddo xaashida codaynta sanduuqa madaw, ciddi goonni-isu-taaggaa iyo dastuurka oggol waxay ku ridaysay sanduuqa cad. Ninba waa mar eh mus ma kula koray!
Somaliland Aftidii dastuurkaasi hore ee 1961 waxa badatay tiradii dadka diiday, sidaa awgeed Somaliland waa diiday oo burisay isku darkii. Wixii ka dambaysay maalintaas qayrul-sharci ayuu ahaa midawgi labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Dhinaca Soomaaliya codayntii waa lagu shubtay oo sannaadiiqdii ayaa laga buuxiyey codad “Haa dastuurku” ah oo aan jirin. Waxa jirta magaalo yar oo markaas tuulo ahayd oo u dhexaysa magaalooyinka Afgooye iyo Buur-xakaba oo la yidhaa Wano-weyn (Caano-weyn) afka dadka Eelayga ee halkaas degga ee ah qabiilka Daafeed. Magacii waxa uu isu-beddelay Wallaweyn oo looga yaqaanay dhinacan Somaliland.
Waxa dhacday guddoomiyihii degmada oo arrinta ku-shubashada codadka doorashooyinka iyo musqmaasuqooda caan ku noqday oo la odhan jiray Ibraahim Boolis; ayaa sheegay markii codayntii dhacday in degmada Wallaweyn ay ka codaysay 99 kun oo aan hal diidan lahayn oo u wada codeeyey dastuurka.
Akhristow, Somaliland oo dhan boqol kun ayaa ka codaysay markaas. Waw! Halkaas ayaa waxa ka tisqaaday magaca Wallaweyn oo loo aaneeyey khiyaamo iyo wax is-daba-marin, ka dibna kalsoonidii ayaa dhimatay, is-aaminidiinna waa luntay. Sidaas ayaa loo kala booday.
Sannadkii 1960kii dadka ku noolaa Soomaaliya waxa lagu qiyaasay hal milyan iyo laba boqol iyo konton kun (1,250,000) qof; dadka ku noolaa Somaliland-na waxa lagu qiyaasay lix boqol iyo sideetan kun (680,000). Sidaas oo ay tahay aftida dastuurkii 1961 waxa dawladdii ku sheegtay in hal milyan iyo laba boqol oo kun (1,200,000) ay codeeyeen dhinaca Soomaaliya, dhinaca Somaliland boqol kun (100,000). Waar bal day maxaa kuu baxay boowe? Waxba ha yaabin!
Codayntii aftida dastuurka Somaliland waxa guddigii maamulaysay sheegtay in ay codeeyeen hal milyan iyo laba boqol oo kun (1,200,000). Dadweynaha reer Somaliland waqtigaas waxa lagu qiyaasay saddex milyan.
Nin aannu isku majlis nahay oo la yidhaa Xasan Guure Jaamac, ayaa marka dhacdo isla mid ah wararka adduunka lagu sheego ayuu yidhaahdaa; “Waar dadku waa wada Ciidagale.” ama ha caddaado ama ha madoobaado ama indha-yar ha ahaado, waa dad uun oo isku si ayey u fal celiyaan! Aan tixraaco Xasan Guure eh Soomaalidu waa wada Wallaweyn!
Wax yar ka dib markii aftidii dastuurku dhacday bishii June ee sannadkii 1961, ayaa waxa fatahay labadii webi ee Shabeelle iyo Jubba ee Soomaaliya. Daad ayaa qaaday beerihii iyo dadkii, Ciidamada Maraykanka ayaa u soo gurmaday oo badbaadiyey. Waxa iyana jirtay in wadaaddada reer Somaliland ay u ololaynayeen waqtigaas dastuurka in la qaato oo loo codeeyo, kadibna codkii suuqii ama ra’yigii dadweynaha ayaa arrintaas qoonsaday. Waxa markaas soo buuday hadal-hayskan, “Ilaahi Wallaweyn webiga ku furayoow annaga naga qaad wadaaddada.” Ayaamahan suuqu waxa uu leeyahay “Ilaahi Wallaweyn Washaysiga badaw, annana naga……. Suldaannada.”
Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal khudbaddii u dambaysay ee uu khayriyada ka jeediyo waxay ahayd 18 May 2001. Ma ku simin naftu inuu gaadho 18 Meydii 2002 ee waxa uu xijaabtay 3 May 2002.
Haddaba, khudbaddaas markuu jeedinayey (oo ahayd xilligii aftida dastuurka la isu-diyaarinayey) waa uu xannuunsanayey waxa makrafoonka u hayey marxuun Cismaan Basbaas oo duqa magaalada Hargeysa waqtigaas ahaa.
Anigu waxan fadhiyey kursi agtiisa ah, markuu u soo baxayey manbarka garabka ayuu isii qabsaday, Illaahay ha u naxariisto. Wax badan ayuu ku soo qaaday khudbaddaas, oo ay ka mid ahayd aftida dastuurka. Waxa uu sheegay inuu filayo in tirada dadka u codeeyey dastuurku ay noqonayso boqolkiiba siddeetan (80%) Waxa u codeeyey boqolkiiba 97%. Waxa uu yidhi axsaab ayaad ku tartami doontaan, waa lagu tartamay, waxa uu gacanta ku fiiqay hortiisa iyo dhinca shacabka oo yidhi guryo dhaadheer oo kuwa Dubai ku yaal ayaad halkaas ka dhisan doontaan, waana laga dhisay. Waxa uu yidhi markaas anigu idin lama joogo ka hor ayuu allaystay. Nin weyni wedkiisa waa yaqaan. Ayaamahaas uu xannuunsanyey ayaa la arki waayey, markaas ayaan Daahir Rayaale oo Madaxweyne-ku–xigeenkiisa ahaa, ku idhi; “Waar Madaxweynihii ma u war haysaa?” Waxa uu igu yidhi; “Xalay ayaan u tegay oo idhi dhakhtar ma laguu qaadaa, waxa uu igu yidhi waar nin weyn ayaan ahay oo nin weyni wedkiisa waa yaaqaannaa.”
Waxa jirtay markii aftida la isu diyaarinayey ayaa waddaad caan ah oo reer Burco ah ka hor yimi aftida dastuurka oo yidhi waa xaaraan. Marxuun Cigaal khudbaddii khayriyadda ayuu farriin ugu diray sheekhii oo intuu magcaabay ku yidhi; “Hebelaw kaalay ila maqrayso, oo Hargeysa kaalay ha la ina dhegaystee.”
Marxuunku jeelkii labaatan jiro ayuu qur’aanka ku qaybay oo korka ayuu ka hayey. Wadaadkii ma iman Hargeysa, lamana maqraysan marxuun Cigaal, hase yeeshee, waa uu hadlay oo xallaaleeyey aftidii dastuurka. Bal waa taas eh afti dastuur ha laga qaadi karo meel Soomaali degto, carkee! Yaa ku dhaca! Halkan waa lagu dhacay wadiiqo kasta ha loo maree.
Isla sannadkii 1961 bishii December, waxa dhicisoobay afgembi ay isku dayeen saraakiil reer Somaliland ah oo markaas ku sugnaa Somaliland. Ujeeddada afgembigu waxay ahayd in dib looga soo gurto, lagana soo noqdo isku darkii Soomaaliya.
Raggii waagaas isku dayey afgembigaas waxa ka mid ahaa; marxuun Cabdi Dhallac, marxuun Siciid Cali Giir iyo marxuun Cabdikariin Cashuur Cabdulle, saddexdaasi marxuun waxay ka soo jeedeen Deegaanka Laascaanood iyo Laas-qoray.
Safiir Cawil Xaaji Cali Ducaale iyo Safiir Cabdillaahi Kongo ayaa ka nool raggaasi, inta aan ka war hayo. Halganka gobannimo-doonka ilaa kii Daraawiishta ee isticmaarka la gula dagaalamayey, kii axsaabta iyo kii jabhadda xoraynta Soomaaliyeed (SNM) dadka mandaqadda degaa waa ku wada jiraan mar kasta, ha loo kala batee mararkaasi.
Haddaba, yaan maskaxda dhallinyaradda soo kacaysaa lagu abuurin taariikh kooban, oo dadka ka la ta-kooraysa,” ayuu Prof Gees ku soo khatimay qormadiisa xiisaha badan.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380