abwaan Jilbo Cuur
Abwaan Axmed C/rashiid Xassan (jilbo cuur)

Maanasadan Baroor diiqda ah waxaa tiriyay Abwaan Axmed Cabdirashiid Xasan(Jilbo cuur) waxaanu ALLE ugu baryayaa in uu qabriga u nuuro oo uu naxariistiisa macaan ugu deeqo hooyadii Marxuumad Abwaan Nimco Aadan Hurre(Nimco Gabaydo) waxaanu maansadan ALLAHAYOOW QABRIGA U NUUR, uu abwaan Jilbacuur ka tiriyay geeridii Hooyodii ALLAHA u naxariistee Marxuumad Abwaan Nimco Aadan Hurre oo ahayd suugaan yahan hal-abuurkeeda ugu hiilisa inta jilicsan ee aan awooda lahayn kagana hor tagta cid kasta oo dulmi doon ah ALLHA u naxariistee Marxuumad Abwaan Nimco Aadan Hurre ayaa suugaan dhaxal gal ah oo dulmi diid ah uga tagtay guud ahaan bulshada afka Soomaaliga ku hadasha in baddanna ka digtay in shaadh dawladeed dadka lagu dulmiyo ALLAHA u naxariisto Marxuumad Nimco Aadan Hurre Ubad,Waalid, Ehel Asxaab iyo Qaranka Somaliland ee ay ka baxdayna ILLAAHAY samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo Aamiin Aamiin. Maansada Baroor Diiqda ah ee ALLAHAYOOW QABRIGA U NUUR,ayuu Jilbo cuur ku bilaabay sidan.

Hooyooy adduunyadan

Asaraarka joogtee

Lays wada anbinayee

Abtirsiin qabiil iyo

Laysu odayo sheegtee

Midba kuu aqooniyo

Awood uu ka roonaa

Awrixiisa jarayee

Orgi.guna shabeelkii

Ka eryaday raqdiisii

Dacawaduna aarkii

Ku ilaaqtamaysee

adyadeedu badan tahay

Adduunyadan iblays iyo

Shaydaan insiya iyo

Iimaan laawe gaali

Afartay ku taagnayd

Aboor cunaya laga dhigay

Afku beenta doortee

Runta aamusnaan biday

Uunkan dhalan gadoonkee

Isku eerashada nacay

Lagu oolimaayoo

Qof waliba ayaanbuu

Ka aqoolayaayoo

Ifku geedi weeyee

Hooyooy amaan badan

Adigaa ka hoydoo

Lagaa oofsadoo tegay

Aqalkii dhabta ahaa

Anna hooyo ducadaan

Oogayaa dhankaygoo

Idamkiisa EEBBAAN

Inuu ku arxamo oo

Uduggii naciimiyo

Cadnin kugu abaalshoo

Inta ehelu khayrkee

Kitaabkooda amintaas

Looga dhiibo midigtaan

Alle kaaga tuuggaa

Ayaantaa qiyaamaha

EEBBAHA raxmaankii

Addoomaha xisaabshee

Ee aabo hooyiyo

Awlaaday lahaayeen

Is aqoonsan waayaan

Ee ehal adeer iyo

Abti iyo inaadeer

Lays wada inkirayee

Nin waliba intiisii

La eedaadsan yahayee

Qof waliba afeef li.i

Amakaagsan yahayee

Hooyo arrin ILLAAHAY

Idilkeedba sheegtee

Kaliyaystay amarkana

Intuu raacsho nabigii

Udgoonaw rasuulkii.(scw)

La ahaata jaarkee

Urin waydo jahanabi

Hooyooy adiga iyo

Islaamkaba dhamaantii

Abaalkiinu wada noqoy

Aqalkaagu hooyooy

Aakhiro janada noqoy

Asxaabtaadu hooyooy

Ambiyada dhamaan noqoy

Igmashadaadu hooyooy

Aqbalaad deg dega noqoy

Allahayaw qabriga nuur

Oo waasac uga yeel

Hooyaday allahayaw

Haku adkayn su.aashiyo

Imtixaanka aakhiro Aamiin.