“Allaha Qaadirka ahee
Dhulka qaro u yeelee
Badda qayb ka yeelee
Buuraha qotomiyee
Qodin li’i cirkana dhigay
Xidigaha ku qoraniyo
Dayax kala dhex qaadiyo
Qorraxdiyo cadceediyo
Qaabeeyay dunidee
Quruumaha abuuree
Qawlalada u jeexee
Quudiya dhammaantood
Qabiilooyin badaniyoo
Qaramada sameeyee
Qaaradaha ka yeelee
Qaadiru Raxmaanoow,
Arjaan kuu qoranayaa
Qabuul nooga yeel duco
Naga qabo Karoonahaha
Qaadir baan ka magan galay
Qarankeenna kuma dhaco,

Allaha Qaadirka ahee
Quwad iyo awoodiyo
Qasnad aan dhammaaniyo
Qaninimo u sugantaw
Qani iyo rasaaqaw
Qawi iyo jabbaaraw
Qaadiru Mujiiboow
Arjaan kuu qoranayaa
Qabuul nooga yeel duco
Naga qabo Karoonahaha
Qaadir baan ka magan galay
Qarankeenna kuma dhaco,

Allaha Qaadirka ahee
Qofka uu abuuriyo
Qudhaanjada kol ay tahay
Risiqooda qorayee
Malaaiig u qaybshee
Qalbi daalacanayee
Qanigiyo faqiirkiyo
Qaladkiyo dunuubtiyo
Qumanaanta camalkiyo
Muuminka iyo qayrkii
Qasdigooda maantiyo
Qaybkaba arkaayaw
Qafaar iyo ladiifaw
Qudduus iyo wahaabaw
Qaabidu Raxmaanaw
Qayuum iyo jaliilaw
Qaadiru Mujiiboow
Arjaan kuu qoranayaa
Qabuul nooga yeel duco
Naga qabo Karoonahaha,
Qaadir baan ka magan galay
Qarankeenna kuma dhaco,

Allaha Qaadirka ahee
Quraysh gaaladeedii
Dhagartay qorsheeyeen
Qabarkooda joogee
Qaawiyay sirtoodii
Qumanaha u digayaw
Colkii ay u qaybsheen
Iyagoo qudh iyo maan
Qolqolkiisa wada tuban
Qaflad baas ku ridayee
Nabigii ka qariyee (SCW)
Qunyar socod ku dhaafshee
Intuu ciid ku wada qubay
Qoortooda uu maray
Qaaru Tawra saaraw
Qaadiru Mujiiboow
Arjaan kuu qoranayaa
Qabuul nooga yeel duco
Naga qabo Karoonahaha
Qaadir baan ka magan galay
Qarankeenna kuma dhaco,

Allaha Qaadirka ahee
Daaquudkii Qaaruun
Markuu qiimo sheegtay
Qabweyni iyo qoortaag
Qaninimo ku faanay
Iyo maal qabeenimo
Kibir qooqu lumiyay
Qardoofada ku caan baxay
Gaalnimada qaayibay
Allihii qatalayee
Nabigii quweeyee (CS)
Ducadiisii qaatee
Arlada u qalqaashee
Qaaruun ku dumiyee
Dhulka qayb la gooyee
Qallad baas ku ridayaw
Qaadiru Mujiiboow
Arjaan kuu qoranayaa
Qabuul nooga yeel duco
Cudurka ay ka qaylyeen
Naga qabo Karoonahaha
Qaadir baan ka magan galay
Qarankeenna kuma dhaco,

Qoomkii fircooniyo
Qareenkiisi haamaan
Markay qaadan waayeen
Xaqqii loogu qayliyay
Ushii Muuse qaatay (CS)
Qiyaamaday lahaayeen
Mucjisada Alle u qoray
Kaga qaalib yeeloow
Markay qaadan waayeen
Duufaanno qaadiyo
Ayax qariya ciddiyo
Raho qaylinaayiyo
Qaar xula jidhkoodo
Ka qaniina oogada
Cunnadoo qayirantaba
Imtaxaanno loo qoray
Markay qaadan waayeen
Qoom ay ahaayeen
Allihii qarqoonshee
Badda kaga qudh gooyoow
Muusana quweeyee (CS)
Qoomkiisii raacshee
Qalcad badda ka saaraw
Qaadiru Mujiiboow
Arjaan kuu qoranayaa
Qabuul nooga yeel duco
Cudurka ay ka qaylyeen
Naga qabo Karoonahaha
Qaadir baan ka magan galay
Qarankeenna kuma dhaco,

Allaha Qaadirka ahee
Dhulka oo qalalay bari
Qoryoobeen dhir iyo geed
Qarjaf xoola waayeen
Ishu aanay qabanayn
Abaar qabatay noolaha
Biyuhu qaaliyoobeen
Qirinqiir dadkuna galay
Allaha Qaadirka ahee
Soo qabooja noolaha
Xareed lagu qasaashiyo
Raxmadiisu qoysee
Qallaylkii naf geliyoow
Qaadiru Mujiiboow
Arjaan kuu qoranayaa
Qabuul nooga yeel duco
Cudurka ay ka qaylyeen
Naga qabo Karoonahaha
Qaadir baan ka magan galay
Qarankeenna kuma dhaco,

Allaha Qaadirka ahee
Aan qirayo tiisaw
Qadarkaaga weeyee
Qaaradaha adduunyadu
Cudurkay ka qaylyeen
Qalaqiyo cabsida baday
Qaramada la kala xidhay
Qaar loogu daw galay
Lagu daray qabuuraha
Qaar kale u jiifaan
Duri ooman naga qabo
Qurbaha iyo gudahaba
Dadkayaga ha qaadsiin
Allahayaw qunuudiyo
Dikrigiyo Qur’aankiyo
Qiyaamkiyo salaadiyo
Arjigaan Allaw qoray
Qabuul nooga yeel duco
Naga qabo Karoonaha
Rabbaw Qaranka noo dhawr
Tawxiidka lagu qoray
Naga qabo Karoonaha
Qaramada Islaamkiyo
Qaaradda Afrikaadiyo
Adaa qaban karaayee
Allaha Qaadirka ahaw
Ka dulqaad adduunkana.”

Allaha Qaadirka ahee
Danbiyada qorayee
Malaaiig u qaybshaw
Khaladaadka aadmiga
Dulmiga iyo qoomaha
Waxa qoomam kala galay
Qofafkiyo nafaha kale
Qabarada ogsoonoow
Qafuur iyo raxiimaw
Allaha Qaadirka ahee
Qofkuu oofsanaayiyo
Kala qayriyay mawdkaw
Allaha Qaadirka ahee
Qiiyaamaha ridaayee
Ballanteeda qaadaw
Qaadiru Mujiiboow
Arjaan kuu qoranayaa
Qabuul nooga yeel duco
Cudurkay ka qaylyeen
Qufac Duule
Naga qabo Karoonaha
Qarankeenna kuma dhaco,

Qul Acuudu baan idhi
Bisinkaan qabsanayaa
Qawlkaaga Eebbaw
Barakada Qur’aankiyo
Qiimaheeda Faatixa
Qulhu Wallaahu
Yaasiin Qur’aanka leh
Qasas iyo Baqara iyo
Qaaf iyo Furqaaniyo
Qisaskii Cimraaniyo
Al Qalamiyo Axqaafiyo
Qur’aankaba dhammaantii
Qawlkaaga Eebbow
Qaadiru Mujiiboow
Arji Eebbe loo qoray
Allahayaw ha nagu qadin
Qawi baan cuskanayaa
Cid kale uma qayshado
Quudi maayo qayrkay
Qaramada Midoobay
Waxba yaanay noo qaban
Qayla dhaanna uma diro
Qaadirbaa igaga filan
Qahaar baan ka magan galay
Qarankeenna kuma dhaco,” INSHA ALLAH.

Abwaan Xasan Axmed Yuusuf (Xasan Afgaab)
Tell: 063 4081527 hassanafgaab@gmail.com
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland,​ April 4, 2020