axmed Khadar abwanGeeraarkan magaciisu yahay Boqor raali ahaw waxa tiriyey aniga oo ah Axmed Ismaaciil Muuse (Axmed Khadar) markay taariikhdu ahyd 24/12/2014. Anigoo og in cannaanta iyo hanjabaadu ay yihiin laba shay oo madhalays ah, ayaan wallaalkay aan kula hadlayaa, hadalo dabacsan oo wadaniyad iyo walaalnimo ku jirto. Waan hoga tusaalaynayaa Suldaan Wabar.
Sidan baanu geeraarku u bilaabmayaa:-
1. Runta waan la dayeyne
2. Halka ay ka ragaadey
3. Ama teenu u riiqday
4. Diinteenii Rabi keenay
5. Rasuulkeena u dhiibey
6. Ayuun baynu ka roornay
7. Kitaab wayska rasaynay
8. Axkaamtii rigrigney
9. Qodobaynu la roornay
10. U riyaaqnay in doora
11. Dadkoo reermiyi ah
12. Weli raad baradaa
13. Dimquraadi rartoo
14. Raasamaal ka dhigtoo
15. Dabadeed ku rafaaday
16. Waa daayeer ramasheed
17. Markuu raashin u baahday
18. Roodhi dheer caday moodey
19. Ruumiyoo ilkihiisa
20. Ku rudheyne tufaayey
21. Waa riwaayad adduunoo
22. Raandheys baanay lahayn
23. Adna meel ribdhatee
24. Wabar raarta ka soo deg
25. Boqor raali ahaw
26. Marka ay ribatee
27. Raran beerka la saaro
28. Soomaalilaand waysku reer
29. Cadaw bayna raqaaya
30. Niman bayna rogaaya
31. Hagaageen ma rabaan
32. Rugteenay qasayaan
33. Xamar hawba raxlaynin
34. Ha dhex ruubanin naarta.
35. Ha rajaysan xageeda
36. Rabiile waabad ogeydoo
37. Dhib kaa raaridi mayo
38. Faqashtaan iska reebay
39. Ciilkeedii igu raagey
40. Mar baan laabta ka reemay
41. Oo inaan rag ahoo
42. Runtii aarsan karaayo
43. Siyaad aan ridi doono
44. An ruuxdayda u sheegay
45. Rasaastaan la hadhaan
46. Rigdhaboon ku huleeshey
47. Inana waynu rafiiqnay
48. Dadkeenu waa isku raas
49. Weligaa ratigaaga
50. Haddii aad rati baas
51. Ku xidhiidhiso reebtay
52. Rawax baad ku furtaaye
53. Riyadaa ka noqo
54. Waa riwaayad adduunoo
55. Raandheys baanay lahayn
56. Adna meel ribdhatee
57. Wabar raarta kasoo deg
58. Boqor raali ahaw
59. Dadna waaba ma rayste
60. Badsaa raaxo ka jiidha
61. Ra’yigooda xumaysa
62. Raq bay isku dilaan
63. Waxse manta u roon
64. Ruuxa Eebe u jeesta
65. Risiq khayr leh ka doona
66. Haleeladii ramada
67. Haddii aan Rabbi siin
68. Kasoo riixda indhaha
69. Tusbixiisa rogtee
70. Aakhiro u rabooba
71. Raxiim aan barinee
72. Ru’uuf meel nabada
73. Raxmaan duulal walaala
74. Dawlad raagta ka yeel
75. Waa riwaayad adduunoo
76. Raandheys baanay lahayn
77. Adna meel ribdhatee
78. Wabar raarta kasoo deg
79. Boqor raali ahaw.