Araweelo News Network.

Xaq baa iga daboolanne, inaad dabo gashaan weeye;

Dambarka iyo labeenta, oo miyiga ciirta lagu daadsho;

Dalagii Wajaale oo midhaha deyrta laga goosto;

Cunto doorsan, daawada dhacday, iyo daalka iyo yogorta;

Niman baa digaag soo dejiyo, caano daasado’e;

Dawladda iyo baarlamaanku waa dab iyo baaruud;

Haddii aan dastuurkeenu noqon daw mid kala siiya;

Danab iyo hilaac bay noqdaan dila sokeeyaahe;

Gabay cusub oo  Abwaan Faarax Murtiile tiriyey ayuu sheegay inuu uugu tallo-galay Golaha cusub ee Baarlamaanka Somaliland & Waxqabadka bulshadii soo dooratay ka sugayso, ugana fadhido inay ka shaqeeyaan, waxaanu ku bilaabay:-

 

Danbar gabay, dubaax maanso & darinta suugaanta;

Dacwad erey, dabuub lays faro iyo doodo iyo sheeko;

Dibno erey ka soo baxa, haddii daawo laga qaato;

dabayl caafimaad gabay sidaan soo dalwinayaaye;

Dhegahii daloolaa, sidii diinta how gallo’e;

Dabanyada haddeer noo kacee, dihatay ciideydu;

Dadba nimankii laga soo xulee doorteen shacabkaygu;

xilka nimanka duudka u ritee, saaray dumadooda

Duhur laysu soo baxay ragii DIINTA lagu dhaarshay;

Aan u diro waxii aan dawahayee shacabku doonaayo;

Dawladdaha aduunyada haddii laysku wada duubo;

Oo ay inoo soo diraan deeq aan kala joogsan;

Ma daboosho baahida, waxaan debed ka eegnaaye;

Waxii dhididka loo daadiya deeqa aadmiga’e;

Badoo deyran, duunyadii aynu dhaqnay & degelka ciideena;

Nimcaduu Daa’in inna siiyey baan hoosba loo deyine;

Durdurada diiraaba iyo biyaha dulundulceenaaya;

Haddii meelo loo kala duwoo, daadka loo xidhayo;

Ninna kama dab-raaceen dhulkee, waa la degi-laa;

Ku dalbada,oo dadkeena u diroo, daacad ugu hawla;

Lo’da daradta, deero dhashoo, dalawo geeleena;

Ee YURUB ka doondoonayow, waad delagantaaye;

Adna way ku soo daba mareen dalalka aad joogto;

Oo dadkiisii lahaa, nimcay kaa daldalayaane;

Ee ku dalbada, dadkeena u dira, oo daacad ugu hawla;

Dagaalkii SUWEYS waxuu ka dhacay, kaama diimoona;

Innaguna dariiq baynu naal, dunnidu maashaaye;

Dekedeena kama iibsadaan, daasad naafto ahe,

Haamaha shidaal kama daraan, doorkan maanta ahe;

Iyagoo dawaaraynayey, dacal ka dhaafaane;

Sabaraynka daadihinayaa, sii dukaansada’e;

Diinaar-na kama qaadan karo, dawgay marayaane;

Xaq baa iga daboolanne, inaad dabo gashaan weeye;

Dambarka iyo labeenta, oo miyiga ciirta lagu daadsho;

Dalagii Wajaale oo midhaha deyrta laga goosto;

Cunto doorsan, daawada dhacday, iyo daalka iyo yogorta;

Niman baa digaag soo dejiyo, caano daasado’e;

Degdeg inuu u taajiro, raggaa suxuladow duubtay;

Ganacsigan dac-furay, ee siduu doono naga yeelay;

DADKU waxuu ku leeyahay, inaad dabo gashaan weeye;

Ugaadhii daleel carartay, ee durugtay mooyaane;

Dibin-gaalahii soo hadhay iyo diinkii dhoofsade’e;

Daa’iiska keymaha ayaa dooxa loo raraye;

Waa la dubay dhirtii dooxa iyo doogii xoolaha’e;

Dabna waxay sudheen geedahii, daawada ahaaye;

Raga dhuxusha daabulanayee, dubay u iibgeeya;

Bal innaynu deerada hadhay iyo duurka laga gaadho;

Ama aad dureemada baxdiyo, duurka ceentayso;

Deegaanku waxuu kaa rabaa, inaad difaacdaaye;

Caruur aan duruus qaadan bay dumarku haystaane;

Waa dib-u-dhac weyn oo ku yimi dawladnimadeena;

Waa in inanta daabiyada aan cidi danaynn joogta;

Iyo inanka doobiga site, geela daajinaya;

Iyo kuw adigtooradu dhalaan iyo tujaarteenu;

Waa inay duruus wada bartaan, doorba waxii jooga;

Degel qudha, hadaad wada furtaan dawladnimaddeena;

Goboladu daleel bay ahaan, laga dareeraaye;

Dabaq qudha hadday wada koaan, doorkii maamulayey;

Dadku waxuu ku soo uruurayaa, dabaqay fuuleene;

Sidii harar dib loo xidhay, hadday duubnayd shalay-toole;

Sidii derinta waa inaad furtaan, deeqda manta-na;

Doc kastoo la eegaba, dalkani waa mid daayacane;

Daw iyo jid buu doonayaa, daan kastow baxa’e;

Waa inaad dariiq u dhigtaan daalo iyo seylac;

Dalkani waa ISLAAM, oo dhulkani waa mid DAAHIR ahe;

Durdrukii fardowsaad, inuu Daa’in inna siiyo;

Ifkana darajo aad naga heshaan, weligii aan duugoobin;

Dabeecado shisheeyaad ayaan ciidan lagu daadin;

Ayaan DIMOQORAADIYADU noqon DIIN mid lagu aaso;

Oo dawga EEBE iyo sharciga lagu daboolaayo;

DAWLADA  iyo BAARLAMAANKU waa ul iyo diirkeed;

Hadday kala dilaacaan awood daatay bay noqone;

Isdugsada, is-daadihiya oo ha laysku duubnaado;

Hanna kala dareerina idnkoon DOODA ku heshiinin;

Dawlad iyo baarlamaanku waa dawlis iyo ceele;

Haddii aan wadaan loo dardaro, noqon dastuurkeenu;

Dar aan fulin ayey noqonayaan, duunyada ooman’

Dawladda iyo baarlamaanku waa dab iyo baaruud;

Haddii aan dastuurkeenu noqon daw mid kala siiya;

Danab iyo hilaac bay noqdaan dila sokeeyaahe;

Isdugsada, is-daadihiya oo ha laysku duubnaado;

Hanna kala dareerina idnkoon DOODA ku heshiinin;

Dawlada iyo baarlamaanku waa daab iyo gudintii;

Hadii aan distoorkeenu noqon mid isku soo daaba;

Dogob iyo bir bay noqon oo midiba daan yaalo;

U damqada, u diir-naxa dadkoo, raaca dannahooda;

Ninna duubkii loo xidhay shacbiga yaanu ugu doobin;

Duudii Binu Israa’il, markii duunyo laga yeeshay;

Ee ay sida dameeraha rarteen duulkii maamulayey;

Dulmigii Fircoon wadday, markuu Daa’in uga hiishay’

Ee ay dibiga sii caabudeen Muuse CS dabadiisa;

Oo uu dulyimi oonkii, oo diinta laga leexshay;

Ee cadhada kula duulay, ee u duday walaakiina;

Adiguna dadkeygow ha noqon, qaar la duufsado’e;

Is-dugsada is-daadihiya, oo ha laysku duubnaado;

Hanna kala dareerinna idinkoon dooda ku heshiinin;

Dawgii qudhaanjadu markii ay wada daniinaysay;

Iyadoo dareere ah markii ay wada dulundulcaynaysay;

Ee duqoodii ku yidhi wada digtoonaada;

Adiguna dadkaygow waxbaan diirad ku arkaaye;

Idinkuna dadkaygow waxbaa saaqay dunnidiiye;

Is-dugsadda, is-daadihiya, oo ha laysku duubnaado;

Hanna kala dareerina, idinkoon dooda ku heshiinin;

Isagoon da’ weynayn markii Yuusuf CS lagu duulay;

Oo walaaladii dadkow xigay markay ceel ku dalaq siisay;

Daluuntii markii laga helee, ee dibedda loo saaray;

Darajo ayaa Ilaah SW ugu bedelay, oo doortay keligiiye’

Dibna wuu u maamulay, kuwii dahay naftiisiiye;

Adiguna dadkaygow hadday dunnidu kuu showrtay;

Dibindaabyo mooyee, hadday diiday nabadaada;

Is-dugsadda, oo is-daahiya, oo ha laysku duubnaado;

Hana kala dareerina, idinkoon dooda ku heshiinin;

Dabka olola, gaas daaraysa iyo biyo bakhtiinaaya;

Dawladnnimadu waa saas, ninkii danni ka haysoowe;

Intaasoo is-wada diidan, oo laysku daray weeyaane;

Iyagoon darqumo geysan oon daano kala gaadhin;

Ninkaan dabaq ku wada qaadi Karin, yaanu soo deyine;

Awr dad-cunna, mid dilla awrta kale, heeryo mid uun daaqa;

Dawladnimmadu waa saa, ninkii danni ka haysoowe;

Intaasoo is-wada diidan, oo laysku daray weeyaane;

Iyagoon darqumo geysan oon daano kala gaadhin;

Ninkii aan dar wada keeni Karin, yaanu soo deyine;

Haadka duula, daad soconaya, iyo diir aan la arkaynin;

Dawladnimmadu waa saa, ninkii danni ka haysoowe;

Intaasoo is-wada diidan, oo laysku daray weeyaane;

Ninkaan dabaq ku wada qaadi Karin, yaanu soo deyine;

Dawladnimmadu waa daabad aynu wasda duljoognaaye;

Adna darewalkeedow hadaad doontii nagu qaaday;

Mowjaddo dilaamaa jiroo, oo daadna hoos maro’e;

Daaraanta meesha leh, inaad naga du’daa weeye;

Allahayoow dariiq toosan marri, madaxdaad noo doortay;

Aamiin.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Gabay Abwaan Faarax Murtiile