Araweelo News Network

 

“Ninka iilka Dhigay Seedigii, sharaf ka dheeraaye”

 

Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax

Gabayga Dhegxumo oo ku soo baxay munaasibadii 26 june ee lagu qabtay madaxtoyada Somaliland todobaadkii hore, waxa ka  dhashay dareeno is dul barkan iyo aragtiyo iska soo horjeeda oo salka ku haysa colaada dadka walaalaha ah ee deegaanka Ceel-Afwayn
Abwaanku wuxu gabayga ku iftiimiyay in ay jiraan dad colaada hurinaya oo qurbaha iyo dalka gudihiisa jooga
Waxaa kale oo gabayga tuducyada qaar tilmaamayaan in dhex laga noqdo colaada labada beelood..balse Su,aasha la iswaydiin karaa waxay Tajay
Ayaa Loo baahanyahay in ay dhex ka noqoto!
Social media_ iyo goobaha la iskugu yimaado oo gabaygani aad ugu dhexbaahay ayay dadku siyaabo kala duwan u falanqaynayaan!

Run markaad ka dhooftiyo Markaad, been u dhuranayso
Markaad wacad dhadhaartiyo markaad Dhaarta burinayso
Markaad dhiiqo jiiftiyo markaad, Dhiidhi rafanayso
Dhan markaad ku ciirtiyo markaad’ dhinac garsiinayso
markaad dhagar ku baaqdiyo markaad,Dhimasho diidayso
markaad dhiig ka faantiyo markaad,dhiilo kicinayso
Dhugtanka iyo kala aarsigiyo dhiidhigiyo wayda
dhan kale uga digarogo war baas, haw dheg taagina.e
Dhakafaar kan ldin daashadiyo dhaygagiyo yaabka.
dhac dhacsiga balaayadu haduu, kuu dhadhami waayo
Ooy talo is dhaan waydo, waa lagu dhamaadaaye
Ninka iilka Dhigay Seedigii, sharaf ka dheeraaye
Waxaad Faan Ka Dhigteen Tolkay. Dhawr Qofbaan Dilaye.
Dhirbaaxada dadkaagiyo xigtada, dhoocir haw noqone
Hanaw dhego nuglaanina lurkiyo, dhaadashada ceebta
Nin dhaqaale haystoo qurbaha, dhamac ka soo ooga
Isku dhufashadiinuu u huray, sooryo dhagareede
Ka dhawrsada Xumaantiyo fidmada, dhoorka fidhanaysa
waar Sidan Si dhaantuu, caqligu dhaxal ku yeeshaaaye

Nin colaad ku dhiiraday islaax, wuu ka dheeryahaye
Halkuu Samo ku dhaafuu naxliga, kaga dhawaadaaye
Hadii gacan ku dhiiglaha sharciga, dhaafay Lagu qaado.
oonu Galin danbiiluhu dhufays , dhabarka reerkooda
dhudhub may gasheen xaajada, dhabaqday sheekhowe
ku dhac dawladeediyo La,waa, Dhaabad Qaban layde
xaqiiqada Dharaarta ah maxaa, Dhacanta Loo Saari –
Dhiilada badhkiinbaa ku lada, Jooga dhiniciina.
Dhamacdaba ragbaa hurinayee, hoos u wada dhaada.
Balaayada dhacaysaa dadbay, guul u dhalaysaaye..
Xaajada ninkii dhayi lahaa, kala dhantaalaayo
Dawo iyo inay nabad dhashaa waa , midaan dhicine
Mashaqada haday kaa dhab tahay. Dhaymo bixinteedu
Dhex ka noqo Sokeeyaha is dilay. haysku sii dhidhine
Afartaa dhacdadan jiitantiyo dhabarjab kaa raagay
dhawaq kulul waxyeeladu ciday dhibayso mawmuujay
dadku inay dhadhamiyaan murtida dhiif ma ugu sheegay
hayeeshee waxaan dhiriqlahayn maba dhagaystaane
dhalaan iyo sidii waalid kood. ma ugu dhuun yeedhay-
Dhimashada Walaalkii ninkii, dheef ku helayoowba
Aadmiga hadaad dhibi taqaan ,. Dhuumashaa xigiye
Nabadood ku Dhaqataa aday, dhaymo kuu tahaye
Ha u diran baalayada dhanbaal, ..dhaana haw Rarin
Waar sidan si dhaantuu Caqligu.Talo ku dhaadaaye
Dhudhumada halkaad kaga jabtiyo dhaadka iyo lawga
ha ku sii dhutine dib uga noqo dhuguca laalayda
Xooxdeeda iyo dhayda ballo. waad dhadhamiseen
Dhinbiilaha rasaastiyo Qudhbaxa, dhamacda baaruuda
dhaaxad halbawlahan ku go an .dhabaq sanayseene
dhibta soo afjara ahiyo way, waad ka dheregteene
Ka dhamaada Aanada Dilkiyo Dhaxal xumaanteeda
Dhiga oo Tumaatida ka hadha, godobta Dhiigeeda
Ku dhadhaba wanaagoo isfara, wada dhisnaantiina
Dhagxumiyo faq hoosiyo ka kora Talo dhacnaanteeda
Dhanbaalkayga qaatoo tusmada, dhaama shalay maanta
Lugtu jeeni dhaaftaye adeer, dhawra magaceena
Way Dhabaqday Xaajee mar kale diida,Dhalanyeedka
Allaan idinku dhaarshee dabkiyo, dhiga hubkaa awan