Abwan Sacad Axmed Roodhile

Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile oo gabay ku cabiray siyaasadda Kulmiye ka curatay

Gabaygan oo uu curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile, wuxuu ka hadlayaa xaaladda siyaasadeed iyo tartanka ka dhex curtay xisbiga KULMIYE, taariikhda iyo dadaalka uu u soo maray Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, deegaamada iyo gobollada taageeray guddoomiyaha xisbiga iyo abaalka uu sii gashaday, go’aanka Madaxweynuhu qaatay iyo guuldarrada ku timi raggii kale ee loollanka kula jiray.

Gabaygan oo abwaanku tiriyey dhawr toddobaad ka hor intaan qaraxan siyaasadeed ee weyni soo bixin kulmiye,wuxuu noqonayaa saadaal rumowday iyo guhaanka abwaanku sii arko.

Abwaanku wuxuu yidhi sidan:-

Galladaada eebbow adaan, cidina gaadhayne
Adaa dunida guudkeeda idil, nagu gargaaraaye
Raxmaddaada gaar iyo mid guud, laga geyoonnayne
Afartaasi khayr gogol dhigiyo, guudmar kaygii dhe
Imikana bal aan soo gelbiyo, middan la guuxaayey
Libaax wuu yaqaan kii ganiyo, kii galladay waaye
Geesina sidoo kale ayuu, garasho yeeshaaye
Waxaad soo gignaataba rag waad, gudubtay xeeshiiye
Waxaad gododka booraan qafilan, gees ka dhaafaysay
Ama gagi abaar iyo cidladi, gaadada u jiiftay
Ama aad galgalad iyo dagaal, jiidha guuraysay
Ama gaajadaad golongalkii, caday gasiin mooday
Gaawaytadoo madhan waxaad, gaasas carinaysay
Guubaabadaad dhabar adayg, gawska u qaniintay
Markay guushu dhalatiyo markaan, goonnida u soocnay
Guurtida markaad dhagax dhigtiyo, gulufki yeedhaayey
Galladani ninkii celin ayaa, gool cad kuu qaliye
Waa godob nin muusow markani ,garab ka weydaaye
Ninka guulwadeeyaa mar kale, maanka geli waaye
Rag gaashaan bir weeyiye kolkuu, guusha dhicinaayo
Wuxuu gebi dhacleeyaba kolbuu, goolka dhalliyaaye
Kama gaadho geed sare nimaan, tacab ka gaadhayne
Guul ooman waxa loo dhaxaa, geediyaal badane
Guyaal badan waxaa loo maraa, guuro bahaleede
Gidaar adag waxaa laga jafaa, gebi ku xeernaaye
Gocondhiyo mar baa gaade badan, garab ku gooyaaye
Gacan iyo gargaar niman lahayn, gudub ku eegaane
Gurigood ba’ qaar badan marbay, kuu gabbinayaane
Garta hadal la qaadaba marbay,kuu gafaayaane
Wax ku guba hankaa oo goblama, geydha ladi weydo
Geed sare raggii koray marbay, hadalka kaa goyne
Adoon galabsan eedayn marbay, kaa ganbinayaane
Rag nimaad gunnaysaa marbuu, gaabis kaa noqonne
Nimaad gurada saartaa marbuu, goonni kaa faqiye
Ginni lacag marbay kaa duddaan, gabi masayr koode
Gommadaha marbay kaa cunnaan, nacas gun weeyaane
Gallad nimaad ka eegayn mar buu, geedsan kuu noqone
Uu kuu garaabaa waxaad, garasho doontaaye
Rag nin soo guddoonshaa yaqaan, noocyaduu gala’ e
Gurgushaa sidii baad wax badan, gurada saartaaye
Nin is gaabshay mooyee nin kale, gooha ladi waaye
Nacas baa gol-nuuge nin raggii, kaama gaabsada e
Gaashaamo nimankaa degiyo, bananka gaaroodi
Burco iyo galbeedkeeda iyo ceeri gudda heeda
Gob weeyee halkii gole la yidhi, gobo’da hiilkooda
Carroogay garaaceen wakaa, giidi soo kacaye
Beer iyo yirroowiyo gar adag, gaar usoo baxa, e
Hadday gorof maggaabin hanbadaa, kalama guuraane
Gadhwadeena talliyaan oggahay, oo gar qaad wacane
Waxaa gocasho loo yidhi abaal, gudida weeyaane
Alle geesi weeyiye intuu, kaahin garab joogay
Ruug caddaa gu’ weyn baa raggii, seef la soo galaye
Garaadkiisa oo saxa go’aan adag guddoonsiiye
Gudgudaha sidii roob wuxuu, galowgu ooyaayo
Ninka guuldaraystaa wadnuhu, gawda ladi waaye
Gurmagoo in badan bay warmaha, nagu garaaceene
Afartaa gam siiyaye midkale, idin garwaaqsiine
Dadka guudka boorama degiyo, gacal wadaageena
Iyaguba hadday gawda tahay, garab rag weeyaane
Go’aankay mar qaataan haddana, kama gamiimaane
Gunburaha raggaa hawd ka xiga, geella wada maalno
Haantaba guntaa laga unkaye, gaadh ma kugu xeermay
Girriyaad bankiyo geerrisiyo, guban ilaa saylac
Wax la soo gucleeyaba markani, kuma gumeeyaane
Saaxil kaama guurta e waxay, guddi abaalkiiye
Ragga gobboladaa sool degiyo, geyiga buuhoodle
Weligood nin geesiya agtood, gawrac laga giigye
Sayidkii raggii goob la galay, ee gunnimo diiday
Gumaysigi shisheeyaha raggii, gamaska tuuraayey
Gabbaad weeyi goortaad darwiish, soo galbinayaaye
Cabdow goob xun kuma dhigo haddaad, garato taariikhe
Afar kale waxaan guud mar idhi ,gacale waayaabe
Anoo soo gunaanaday murtida, gees yar ka iftiinshay
Waxaan uga golleeyahay nin raggi, wuu i maan garane
Weligii rag waa goob xun joog, galalaf weerkeede
Geedkuba hadduu xidid adkayn, way gilgilayaane
Gal dad liqa ul baa lagu deyaa, teer intaad geline
Waa lagu gubtaa digo kolkay, dhamac guntii taalle
Muujad guuxday doonidu marbay, kula gadoontaaye
Gab intaanad soo odhan guntaa, laga sal gaadhaaye
Lama guuxo xaajow adoo, sahan ku guurayne
Hadduu geeddi niman kuu furayn, gibisha kuu saaro
Goor danbaad ogaataa godkaad, qaladay goodow’e

Abwaan Sacad Axmed Xasan (Roodhiile)
Tel. 0634420532
Email: saadroodhiile@gmail.com