Araweelo News Network


Tixdan Gabayga ah waxay ka hadlaysaa qiimaha nabada iyo dhibaatada laga dhaxlo colaada. waxay soo baxday 02/06/2018, waxaana tiriyey Saleban Cabdi Cali (Kalshaale).
Hal-qabsiga iyo ku socotada Tixdu waa koox Hal-abuur ah oo hawlo-nabadeyn ah u tegay Gobolka Sanaag, halkaana ka wada kulamo iyo shirar lagu heshiisiinayo Beelaha Dirirtu dhex martay ee wada degan nawaaxiga Degmada Ceel-Afweyn iyo qaybo badan oo kamida Gobolka Sanaag.
Gabayga waxaan ka dirayaa Hargeysa, waxaanan u diray Sanaag iyo Golaha Hal-abuurka.
Guurtida is-xilqaantee ka tegay Gobolkan aan joogo
Goonyaha Hargeysa iyo Galbeed Gaadhi kaga gooshay
Ee Gabiley uu Geesh ka yimi Awdal Garabkeeda
Marka hore Salaan tii golboon mudane geystayda
Gob intaan ku sooryeyn jirroon meel isugu geeyey
Iyo tii inoo gaar ahayd gacaleyaal hooya
Xigtadana gufaacada dhibcaha gacaleyaal hooya.
Inkastoo Safrada aad gasheen galab baqoolkiina
Weftigiinu goor hore boxoo sanqadh yaraan guuray
Ujeedada u guusheen hadday gudasho buuroowday
Oo uu galshada Ceel-afweyn baaqi nabad geeyay
Galad eebbe weeyoo Ducuun lagu gargaaraye
Waana guul Qofkii garanayaa gacan ka geystaaye.
Aniguna kamaan gaabinoo doorkay maan gabine
Xalay gelin-dambeedkii mar aan gama ka soo toosay
Guddoonsada tixdaan soo godlay eey gocatay laabtaydu
Ganey iyo Gahayroow markaa geliya Diiwaanka.
Guluf iyo Colaad-baa Nin ogi Boqol ka guuraaye
Nabadana midkii garanayaa gaadh ku dhowrsada’e
Gobollada Sanaag iyo Saraar taladan gaadhsiiya.
Maahmaah gu’ weyn oon anigu Oday ka soo gaadhay
Kana mida Murtida an guurayn ee abid gaboobaynin
Godka Xarafka anigoon ka bixin aan garoocsado’e.
Gaawe Dhay ah Nabad-baa sidii nolol gaboodkeed ah
Gunno weeye aan cidina hurin oon la goyn karine
Adoo Gaajo qaba waa nimcada aad soor ka gurataaye
Hurdo laguma galo Guri-habaas Dhagari Gawdiido
Maahmaah kalena waxay tidhi Colaad Geesi lagu waaye.
Sokeeyaha is gowracaya ee dagaal Gumac ku haasaaway
Goblankiyo, Gubtada aakhiree galangal Naareeda
Go’doonkiyo dhitada gaamurtee Beesha kala geysa
Guul-darada aan Garowshiyo lahayn  Iyo Qoysas kala guuray
Gaas-dhagoolka, doob-guunka iyo Gaash-qaadka is goobay
Gurboodkiyo, guddoonshaha is-dhalaye, haamada is gooyey
Gaafkiyo Aroosyada la gubay Gabanka hiil waayey
Gaariduu Walaalkeed u xidhay Asayda guud saaran!
Geyaan kala Irdhoobay, Gabdhaha sebanka guur seegay
Soohdimaha la kala goostay,cidlada galowgu Dhiilaabay
Garwaaqsiiya inay tahay fidmada Gorofka loo cuurtay
Gumaradu Walalkii nin dilay goostay Midhaheeda
Ama Guusha uu helay midkii gacalki soo toogtay
Iimaankaa ka guuroo Wanaag geedki laga soofye.
Gardarrada, Ilmaabtida is-dilay, gulufka hoos gaadhay
Nabar Caabuq hoos galay, dushiyo guudka sare dhayga
Gegadii Mijiliskiyo rugtii geeshku wada joogay
Geedkii Barbaartiyo Nin Qarad u ahaa goofaadhka
Shaxda goobti lagu dheelayiyo golihii waaceenka
Geellii la wada maali jiray, gob iyo xaalkeeda
Gaadiidkii la wada dhaansan jiray gubaha Jiilaalka
Gaxadhkii la wada daaqi jiray Kaynta guradeeda
Gabal-dhaca Iftiinkii bedelay goortii lays dooxay
Garwaaqsiiya inay tahay fidmada Gorofka loo cuurtay
Gumaradu Walalkii nin dilay goostay Midhaheeda
Ama Guusha uu helay midkii gacalki soo toogtay
Iimaankaa ka guuroo Wanaag geedki laga soofye.
Yaqiin go’a, Islaamnimada gudhan bellada loo guuxay
Gefka Eebbe laga galay, Shirkiga guntiga loo faytay
Wacadkii la wada galay kal hore Dhaartii lagu giijay!
Inay Xadhig Ilaahoo go’iyo tahay gunnaad yaalla
Ama tahay dunuub gaaxsanoo la iska goyn doono
Iyaduna Xaq weeyoo garaad looma gees marine
Guunyadaada oo kuu Iirmaan gu’guna Maasheeyey
Abaar looma guuroo colaad waa gaday tahaye
Garwaaqsiiya inay tahay fidmada Gorofka loo cuurtay
Gumaradu Walalkii nin dilay goostay Midhaheeda
Ama Guusha uu helay midkii gacalki soo toogtay
Iimaankaa ka guuroo Wanaag geedki laga soofye.
Afartaa sidii Gabadhka roob, xiin ma kaga gooyey
Sumad gabaygu leeyahay Araar mowgu gabax siiyey
Halkii aan gantaalaha ku wayday Xaraf anoon guurin
Ma gilgilay gufaacada horaan nuxurka gaadhaaye.
Afar kalena waa gabagabiyo Gobol kaloon Baantay
Xasanoow wixii kaa gedmiyo waxaanad gaadhaynin
Xaajadu gedaan dhow ka dheer oo la goyn karo’e
Warar baa galbeed noogu yimi Maanka sii gubaye
Miday labada geesood tahayba farro godbaa yaalle
Gurmadkuba Shishuu kaga jiraa ceebta gudaheene
Gadaafiyo ribeyn uma gabyine, waxa tibaax guuda
Gacmo cadow inuu xididku galay goorti lays baadhay.
Ha yeeshee gashiga taa ka yimi malaha raad goobe
Halkay Caawa goobaddu ku taal amase goolkayga
Gawdh-gawdhi maayee hadaan gibisha sii raaco.
Gobtu nabar ku yaalleey liqdaa Gaalliyo Islaame
Haddiise uu nabiib gurada jiro gacal heshiin waaye
Guux iyo gu’ahano Abid hadhaa waa gubtaho taalle.
Geestaada Dhuxuloow haddaan gobo’da kuu saanto
Gocondhadu halkay taal amase Mililka hoos gaadhay
Gujo dhalinta gulufkaa ibbaha laga gunaynaayo
Gol-dalloolo huursani hadday Eel guntamay riixday
Oo ay Fiixdu goofaacsatoo qaraxday goorteeda
Maantaba gonday taal taladu loo gudboonyahaye.
Xeer-beegtidii goyn jirtiyo guurti mudankeeda
Gadh-cadaagii noo talin jiriyo adiga gaankaaga
Golle dawladdeed iyo culimo gabi ahaantoodba
Marka Geedka la isugu tagee gorodda lays dhaafsho
Yac-yacood go’aanka lagu dhidboo maalmo gabaloola
Oo berriba gabi-xoormo oon xeerar lagu gaydhin
Hoosaasin inaan lagu galadin nabada Gaankeeda
Maandhow Garsoorkiyo u sheeg golaha aad joogto.
Beeshana midh-baan gaar u odhan labada geesoodba
Gu’haad iyo Garmaajow aniga way gudboontihine
Gasiin weeye taladiisu curad joogga gedahaye
Ninamyahow waxaad galabsateen oo gaaxsanbaa badan’e
Guulle toobada u celiya oo gacanta laalaadsha
Weedhahanna goofaadhiyoo geliya Maankiina.
Geesi xeradii waa nabad gambana guri Nin joogaye
In garaadku taliyoo samaha Gogosha loo faydo
Oo aan geeridii hore mid kale loogu godob reebin
Oo aan deriska geesaha mar kale Dakhar la gaadhsiinin
Ayaan gacalkayoow kaa martiyey galabkan maantaaye
Alle ha idin garansiiyo oo haydin guud-furo’e
Ana gabaygii waa iga dhan yahaye guule Mahadiiye.
Ana gabaygii waa iga dhan yahaye guule Mahadiiye.
FG: Haddii qadaf, Qallooc iyo waxoogaa ereyada fahamkoodu adkaada, Kas igama ahayne waa wax kama’ ah, waa mahadsantihihiin.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Curad1986@hotmail.com