“Waa Duni Hoggaankii
Shacbigoo dhan Doorteen
jifadiisa daaqshoo
Deeqaha la keeniyo
Xilka Dawladnimada
Digreetadu Xariiqaba
Daalac uga qorsheeyo
Dadkii kale

 

Saleban Cabdi Cali (Kalshaale), Suxufi,Qoraa, Hal-abuur ah/ xuquuqda sawirka Bulshotv
Maansada Xagal-daac waxay soo baxday 18/07/2018, waxaanay ka waramaysaa waayaha adduunyada iyo wadciga lagu jiro, iyadoo taabanaysaa dhowr arrimood oo kala duwan. Sida; isla-waaga nabad iyo nolol, Nicmo iyo tacab iyo Dawladnimo iyo cadaalad.
Waxa ay iftiiminaysaa mushkiladahaha ka aloosan geeska afrika iyo guud ahaan caalamka iyo sidaan loogu haynin Garsoor iyo guddoon xalkooda raadiya.
Ugu dambeyn waxay tilmaamaysaa damaca iyo dareennada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo gabagabada uu dul-istaagay Abwaanku waxyaabaha ka taagan gudaha Somaliland ee dhibaatada ku ah Bulshada iyo Qarankaba.
Maansadan Kama madhna duur-xul siyaasaddeed oo uu diirada ku saarayo tabashooyinka laga tirsanayo iyo toobiyaha maamulka dawliga ahi ku socdo.
Waxaanay maansadu ku bilaabantay sidan:
Damiirka oo wax diidiyo
Isha Daymadeediyo
Wacaal uurka deeqdiyo
Dur sadheeya diirkiyo
Dareen baa dibnaha fura
Hadaan Gabayga dayn la’aa.
Waxa la iigu daw galay
Danta guud jirkeedee
Haddii aan diraac hore
Dermo geedaha u dhigay
Maanta durahan jiilaal
Xays hadduu daroornimo
Doogsin-dhabad waqiisee
Dadweynuhu ma geedaa?
Xisbiyadu ma darrataa?
Ma wax laysku doorshaa?

Su’aalahaa hal ii deddan
Dawaarkiyo afsaarkii,
Haddaan Deelka kaga rogay
Hoos intaanan sii degin
Midh yaroon ku sii daray
Aararta dulucda leh.
xanbaa durugtay oo tidhi;
Sahankii dorraad yimi
Doobkii xoogga loo biday
Dalan-dalinta geeddiga
Durba waa la tebayaaye
Degmadii Halkuu furay?
Waa Doobir waayuhu
Xagal-daacna soo noqoy.e.

Sheekadu da’weynoo
La isaga dambeeyee
Dulucbay wax sheegtee
Diir-wadaagta Soomaal
Afrikaanka deriska ah
Iyo Du’walka guudkii
Diiraddaan ku daalacay
Maxaa dabin la’ ii xidhay
La’ ii degay dul iyo hoos
Nin i duudsiyaayooy
Dani naga dhaxaysaa
Muxuu qoday dalluun dheer.
Doonayaa dharaar qudha
Inaan dalaq idhaahdoo
Dusha igaga soo dego
Dadkayguna dareen li’i
Durbaan ugu garaacaan.

Maxay doqoni mooddaa
Inaan ahay Dammiin madhan
Muxuu Daallin ii dhigay
Sakal aan ku daydaymo
Derbi adag muxuu dhigay
Dariiqaan ku taagnahay
Muxuu iiga dhigay Dayr
Dacwaddayda lagu xidho
Mid aan doodi noo ool.

Muxuu Shabaq Dalooliyo
Illa daydayaa dallaw
Sunta layga soo diro,
Dawladnimo muxuu is-biday
Dal qudhaata inaan nahay
Muxuu dunida dooc dhigay
Taydana dulleeyaa
Doc-wareemayaa abid?
Dulmi Aniga oo qaba
Dibin-daabyo tii hore
Ka dubaalad dheeroo
Darmaantayda lagu xidho
Muxuu iigu darayaa?
Uga sii dar weeyoo
Yaanu kaa dul guurine
Muxuu ii dalbaday qaar
Abtirsiin dadkaygoo
Sula iga dan-qaatoo
Anna dayro iga qaba.
Laba Deris oo wada-yaal
Dareen kama fogaadee
Mid yar duday muxuu dabay
Durbaan iyo u tumay Hees.
Muxuu Malab Dusha u sudhay
Dacar lagu digiigimay
Weel lagu Dabooloo
Muudkeedu daran yahay
Duumada Ladhkeedana
Dhibco lagaga soo daray
Oo Qofkii Dacaamshaa
Cudurrada wax dila iyo
Daacuun la soo dhaco.

Dar kaloo dhexdeenaa
Ama jooga daantaa
Dabka lagu il doogsado
Muxuu Sixir darka u wadhay?

Da’ todoba iyo labaatana
Dabar igu xidhnaabaa
Ii Dabbaalay Taagtaye
Damalkaynu joogniyo
Degelkiyo Hareeruhu
Waa duunyo Shiiqdoo
Ruux kastaa Dantii gaar
Dedaal ugu Xabkaystoo
Tii guud la daayacay.
Waa duni is-dubatoo
Dilka, dhaca, ku digashada
Lagu gaadho Derejoo
Wax ka Doodayaa jirin
Durqumada, is duudsiga
Dil-dilaaca guud iyo
Daakhil Caabuqa u galay.

Waa duni dagaal iyo
Diririyo Col mooyee
Cid danaynaysaa jirin
Nabad iyo Daryeel siman.

Waa duni Saboolkii
Loo diiday noloshoo
Dadka kii wax haystaa
Dulmigaba ka koow-yoo
Afarteeda Daamood
Ribo lagu Ducaystoo
Xalaal laga Dawaafoo
Imtixaan Dul-yaallaa.

Waa duni Dacwaayiya
Anna Taydu Dihintoo
Sannadahan Dellegentoo
Kii Shalayto ila Dumay,e
Iga reebay doorkeey
Qayrkayna ii dilay
Wuxuu Dakharro igu dhigay
Ila dhacay Dabaabado
Inta Dumar goblamay iyo
Agoon degelka kaga tegay
Dadba wada ogsoon yahay
Godkuu Duhurka igu riday
Daayin iiga hiishee
Walloow doogti aan qabo
Dib u helay Xornimadii
Isna Diiftii wali qaba
Isagoon I daw marin
Maanta xal u Dabiibiyo
Markii Daawo lagu duray
Ee uu soo Daqaaqamay
Daandaansi igu wado.

Waa Duni Dabeyshiyo
Duufaanta dhacaysiyo
Dillaalyada u nugul oo
Dar-xumadu ku badan tahay.

Waa Duni dushaydiyo
Dayaxa iyo Daruuraha
Hubka lagu dagaallamo
La isugu diyaarsaday
Misna Daafta waxa yaal
Dugaag looga wada tegay.

Waa Duni Qabiil iyo
Qaybsanaanta Diimeed
Iblays kaga danaystoo
Isku diro Quruumaha.

Waa Duni Dastuuriyo
Sharci kala Dabbaalaa
Yahay Dan iyo Xeeshii
Dadkan tiisa wada raba
Oo ay Doodda Falastiin
Tahay Xaajo daayima
Dacwad aan Garsoor helin
Iyo Daab-cad kugu mudan
Islaamnimo daraaddeed
Carabtana dulaysatay.

Waa Duni Asaageey
Daalac uu Dabreystoo
Hoos ii dayaayoo
Anna aan dayeysnahay
Markii ay Dadkaygii
Doc kasba ka gaabsheen
Dedaal inay ku gaadhaan
Halkuu degay Filkoodii.

Waa Duni degaysoo
Dabayaaqo joogtoo
Damcaddii ka dhimatoo
Duugoowday gebigeed.
Waa Duni Dillaalkiyo
Dadka kii dhacaa yahay
Dan-jiraha hormuudkaa.

Waa Duni Dembiilaha
Lagu Derejo siiyoo
Daacadnimo diciif tahay.
Waa Duni duruufuhu
Isu daba marteeyaan
Oo Diihaalka baahida.
Dawaradu u tahay quud.

Waa Duni Dugaalkii
Dadka qaar dhammaysteen
Anna ay iga dedanyiin
Dahabkiyo Shidaalkaan
Dakhli uga sameyn la’a
Dan yartiyo saboolkeen
Dibeddaha u diri la’a.

Waa Duni Dariiq sugan
Dusdus looga leexdoo
Midba diillin loo maro.
Waa Duni Dugaagiyo
Dadku badi u foofaan
Geedaha Dullaaftee
Dhiga Doorinaayiyo
Dalag aan fayoobayn.

Waa Duni Hoggaankii
Shacbigoo dhan Doorteen
jifadiisa daaqshoo
Deeqaha la keeniyo
Xilka Dawladnimada
Digreetadu Xariiqaba
Daalac uga qorsheeyo
Dadkii kale saluugeen.

Waa Duni Nin Duub helay
Midna wax u dareeriyo
Wuxuu daaqsadaa jirin
Oo uu tiisi daydayo.

Dekedaha la iibshiyo
Garoomada la daynsaday
Durdurrada la xidhay iyo
Buuraha la soo degay
Damacbaa ku hoos jira
Ka da’ weyn dihnaantee
Diblomaasiyoow garo
Nin Dantiisa kaa raba
Misna taada diiddoo
Dariftaada quudhsaday
Cadow kaama dayree
Deg-deg ha ugu halabayn
Duunyo waxaad ka haysiyo
Deeqdaada gaarkaa.”

Afartaasi waa duud
Wixii iiga Daahiray
Amuuraha igu dayrane
Haddaan Daakhilkaygiyo
Dib u eego Dhiillada
Dawankeedu ii baxay
Shalay Dalalagtaydii
Haddaan dhegaha loo duwin
Maantana Dabuub hore
Midkaloon ku darayaa
Xalay Dihatay laabtuye
Beelaha is dilayoow
Walaalaha is-dooxoow
Deriska is-duqeeyoow
Dogobkaad Shidaysaan
Sharkaad deebinaysaan
Ibtiladaad dalayseen
Dambarkeeda Aakhiro
Waxa kaaga sii daran
Cadawgaaga kugu digan
Misna dibedda kaa odhan
Ninka yaan laguu dagin
Duddadaada joogee
Daadifeeya nabaddoo
Dumbukhiina aammina
Yaanu kaa dambeynine
Abidkaa diyaar noqo
Daaqna yaan la wada cunin.
Haddaydaan dareemayn
Dantuu idinka leeyahay
Daaha aan ka qaadee
Waa inuu dagaalkani
Dalka gebi ku faafoo
Duudda Beeshu wada taal
Dacallada u dhaafoo
Dan-wadaag Sadhayoo
Dildilaaco Qarankuye
Diyaar ma u tihiin taa?

Haddaydaan ka daynayn
Door moodaysan sidan
Ergadayda diiddaan
Dadka kale maxa u Dana?
Ee ay dugsanayaan
Markaad tooda dumisaan?
Ma haysaan dariiq kale
Meel ay nolol ka deexdaan
Dumarkiyo Carruurtaa
Gabalkoodu Dumayee
Kuwii dhalay Dilaysaan?

Doobi dhacayba daba-qabo
Lagu gaadh darroorimo
Mug wixii ka daad-tee
Nimanyahow Dakanadaad
Isu deebinaysaan
Durqumadaad falaysaan
Belladaad dalbanaysaan
Dirbay dhaxal idiin noqon
Dacwaddiyo Ergada iyo
Haddaad samaha diiddaan
Dunta kala fogaysaan
Ama guushii dabadeed
Axdi dhacay la dabar-furo.
Ee hooy dirirta baajoo
Deyrkii Islaamkiyo
Dembi-dhaaf u soo dega
Duqaydiyo Musheekhdiyo
Dadka Ehelu Diinkiyo
Anigiyo dadaydana
Duco naga guddoonsada.

Kuwa doorkan Cabbanee
Qaybsiga ka didayoow
Waa daw xisaaabtuye
Idinkoon dunuunucin
Dib u dhowra maalmaha
Mar kalaydin doogsane.
Dhamaad
W/T, Suxufi Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Email: curad1986@hotmail.com