AACiidleShalay oo ahayd Maalin Isniin ah waxaa Geeridii xaqa ahayd ay ku timid Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Ibraahin oo ku magac dheeraa (Dhugad) oo ka tirsanaa odayaashii dhifka iyo nadirka ahaa ee ka sii hadhay odayaashii taariikhda faca wayn ku lahaa halagankii dalkan lagu xoreeyay
isla mar ahaantaana ka tirsanaa Golahii dhidibada u taagay magaca galaha faca iyo taariikh wayn ee Golaha Guurtida Somaliland ,geeridu waa xaq oo waa loo dhashaa waxaase qalin ka iyo waraaqda ii geeyay taariikhda faca wayn raganimada iyo geesinimada uu Alla ku manaystay marxuun Dhugad ,waxaanan anigoon magac ku lahayn boga maansada ayaan hadana is idhi haka aamusin inaad ereyo ka idhaa maanso baroor diiq ah oo aan ugu wanqalay maantana ma dhugadbaa aakhiro u dhaadhacay , MAANTANA MA DHUGAD-baa AAKHIRO U DHAADHACAY waana tan maansadii .
Waa dharaarba dharaare
Geeri waa u dhalasho o
Dhulka inaynu hoos gali
Dhagaha iyo aragaba
Waa loo dhur sugayaa
In la dhimani doonana
Noolahu waa og soonyahay
Hayeeshee dhulkaa go’ay
Oo dhagahaa diidoo waa geeri
Dhugasha le qofka aanad
Quudhayn qudhu inay
Sudhnaataan ila qaabil odhan laa
Dhugadbaa dhintaa dhagaha
Iigu duuloo madhabaa warkani tolow
Kuye waa dhaboo dhugad aakhiruu tagay
oo iilka lagu dhabab
dhabaan warkaa uqaatoo
Allaylahe qodbaa dhacay
gurtidii dhumucda waynayd
taariikhdan noo dhigay
geesiyadii dhaxantiyo
ghagar iga xoreeyee
magacaygan dheeriyo
Sidii dahab dhalaaliyo
Dawladnimadan inoo dhigay
Geesi dhumucda wayniyo
Dhererkiisa lahadhsado
Iyo magacii dheeraa
Dhugad wuu dhintaydii
Dhabay noqotay dheehaw
Afartaa dhe taataariikh
Baroor diiq aan uga dhigay
Waa dhugade ila qora
Magaciisa dhugadka ah
Dhab u fiirsha garashada
Dhugad faalso gaariyo
Dhayal inuu ka dheer yahay
Idinkuba dhadhamiyoo
Saw dhraarcad muu noqon
Afartaakalena dhe magac dhigid
Iyo dhawr afeefood ukala dhigan
U taaliyo isu dhigantan aan wado
Ila dhuuxa weeyaan
Beend halaalin maayee
runta dhuuxa weeyaan
garashada dhaaririi lasoomaray
iyo daalkii dheeraa dhiigii arlada simay
iyo dhaawacii yiil
dhab ragii udagaalamay
eecadawga kala dhigay
dhugadbaa u hormood ahaa
dharaar hoogle iyo nabad
wuusoo dhextaagnaa
magaciisa dheerbaad
raga inuu waxdheeraa
dheehaw ka garataa
dheerida lafta u dhaladka ah
iyo hadalka kala dhigan
garashadiisii dheerayd
ee ninka uu dhirbaax
dhulka uu ku dhici jiray
dhagahaan iloobayn
dadku wada dad weeyee
dadka waxaynu dheerayn
odayaal dhumucda waynoo
dhererkana laxaadlahaa
dhab ilaahay u caabuda
runtana dhinaca saaroo
beentana aan dharka u xidhan
oo magaca laga dhigay
guurti lagu dhabaan dhabay
dhaylka aan wax u aqoon
dal inaynu noqonay
duubka dheer u qaateen
dhaqaale may danayn jirin
dhawrsanidaa u magac ahayd
dhibta may dareemayn
dhulkoo wada waraabe
oo siyaasi dhogor lihi
kolba dhinac uloogoo
dhankee loo socdaa iyo
dhinac laysku sheehaa
dhulkayagu aqoonbaa
dhoolkaasi noo da ay
dhalasho iyo dhaqaalaba
dhabay ugu dhaqaaqeen
dhiig damiyayaashii
dhulka dabad noo dhigay
geeribaa dhamaysaye
dhawrninoo inoo hadahay
dhugad baw dambeeyoo
lagu dhabayabay iilkii
marka hore intuu dhalay
iyo intaysii dhaleenbaan
samirka dhuuqa leeyahay
ducada u dhigaan idhi
marka xiga dhulkaygiyo qarankeenan
dhiganbaan samair oofaha u dhigay
marka xigana dheehaw iilkaa uu
u dhaadhacay kaad u dhlatay weeyaan
rabiyaw hagu dhibin
dhabanka roogle raaxiyo
barkimada halguu dhigo
udgoon aan ku dhibinoo
waxloo dhigaa aralada jirin
rabi kuugu dhaadhici
naxariista dhuuxa le
iilku guguma dhuubtoo
dhibna kuuma gaystoo
dhabwaxaad u doontana
iyadoo aan dheeraan
kiiyoo dhita dadag kuugu dhaadhici
naartaay ka dheeraw
dhinaciisa dhugadoo
janadana dhexda u joog
dharaartaynu sugaynanayna
inta aan dhiba u mudan
rabigay hakaa dhigo
een dhididku lagu dhibin
kuwa aan dhanaanaan
ee nabi maxamad dhexda ugala
rabigay hakaa dhigo
dhulkii aadka dhimatayee
magacaaga dheeriyo
dhalashada iyo dhaqashada
aadkuugu dheeraa
inaan muuqa gudkiyo
dhab u xabaalka mooyee
magacaagu anu dhiman baan
oo taariikhda lagu dhigo
dharaaraha dambeeyaan
dhaarkuugu marayaa
dhugad muuqa mooyee
magaciisu muu dhiman
aqalkaad ka dhimaytayna
inuu sii dhisnaadoo
sii dhalaalo waligiii
oonmagacu naga dhiman
dheemaalka diidaan
magacooda dhiifka
dhulka ayka qaadaan
sharaftooda dhawrtaan
hoygii dhaxalka aanu noqon
dhab dalka ugu shaqeeyaan
dhiig miirta yaaliyo
dhaameelquute aanay noqon
magacoodu aanu dhiman
ilaaahay u dhaarteen
iyo shicibka dhawrtaan
afartaana dheehaw
waano aan dhito u dhigay
dhiisha guurtida ma ugu shubay
gabay dhaanto maahee
waabaroor diiiq dhito ahoo
dhugad lagu galbiyee
dhagtii maqashaay ila qabo
dhawr faataxa umara
dhugad inuu janada galo
dhexdawaafo waligii
aamiinta ilaha dhaha
dhamaad
QALINKII A,A,CIIDLE
HARGAYSA SOOMAALILAND