Araweelo News Network

Abwaan Hadraawi

Abwaan Hadraawi


Hal-abuurka Weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) wuxuu Maansada Daba-huwan oo ka mid ah Maansooyinka ugu balaadhan suugaantiisa kaga hadlay waxyaabo qofka Aadamaha ah uu ka dheehan karo wax badan oo xidhiidh la leh nolosha, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Waxbarashadda, Siyaasada, Fakerka, Caqiidada, Deegaanka, horumarka dib-udhaca iyo qayimka Bulshada.

Maansada Daba-huwan, waxa uu Abwaanku ku faaqidayaa arrimo iyo amuuro baaxad weyn oo saamayn ku leh nolosha Bulshada, wuxuu sawir ka bixinayaa qaab nololeedkii hore ee Bulshada Soomaalida, dhaqankii wanaagsanaa iyo sida loo dooriyay oo uu ku tilmaamayo inay sabab u yihiin dhibaatooyinka inagu xeeran.

Halkan Ka Daawo