Abwaan KalshaaleWaxa Tiriyey: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Tixdan Gabayga ah, waxay soo baxday 7/5/2015, waxaanay ka hadlaysaa Wacyiga Siyaasaddeed ee dalka iyo dadka, iyadoo si gaara u hoga tusaaleynaysa dooddaha xilligan taagan ee ay kamid yihiin dib u dhaca Doorashada iyo muddo kordhinta Golaha Guurtidu qorsheynayaan inay Xukuumadda u sameeyaan.

Sidoo kale tixdani waxay iftiiminaysaa sida hogaanka talada hayaa, uga been sheegay balanqaadkii uu shacbiga u sameeyay markii uu Mucaaridka ahaa iyo siduu mar kale Maamulku u doonayo muddo kordhintii Xukuumaddii hore uu ka diiday ee uu Xasarada iyo dhibaatooyinka ugu kiciyey.

Gabaygani, waxa kale oo sawir ka bixinayaa isbedel la’aanta wali ka muuqata nidaamka Dawliga ah, iyadoo shantii sannadood ee la doortay Xukuumaddani dhamaaday, wixii laga filayeyna lagu hungoobay. Waxay kordhiso iska daaye qarankii loo dhiibay Mashaakil badani ku soo kordhay.

Waxaanay tixda Muddo-dhaaf ku bilaabantay sidan:

Indhaweyd ma tirin maxamadoow Midhihi Geeraare

Ma aloosin Maansooyinkii Maadiga ahaaye

Marka gabaygu kuu furanyahaa loo midh tiriyaaye

Maantana murtida gaaxataan soo mir kacayaaye

Adduunyada Masiirkii lumaan maandhow lay wacaye

Bal aan Mariyo Maansadan la kacay xalay mirtii jiifka.

Maalmahan dushaydaa dagaal laysu Marayaaye

Niman Maanku wada qaadanyaa soo milliilicaye

Kuwaan shalayto Maamuusnaybaa seegay Marinkiiye

Tubtay Maanaceenbay iyagu dib uga Miiseene

Muddo korodhsibay doonayaan maalmo dabadeede

Taladii Maroortay mar kale muhindisoodeene

Bal maxaan bedelay Maallintaan foodka laba miisay.

Musuqmaasuqii lama xaddidin Maalin gelinkeede

Maamul-xumada tii hore ka daran maaro loo helo’e

Iyagoon Mushkiladii jiriyo talada Maydhaamin

Oo ay midnimadii Shacbigu meel xun miranayso

Ku darsoo Milgihii dawladnimo midab ku heeraysmay

Himiladii majeernayd Mad-madow fuulay Madaxeeda

Misna faanku Maatida hanfiyey Minanka hoos joogta

Ayey Maalmihii loo tirshiyo Muddadii ay gaadhay.

Ha yeeshee Milguhu wuxuu ahaa marinka jeexiiye

May ahayn markaygaan fadhiyi Maalmo dheeriya’e

Waxay hayd mar aan lagu marsiin inay muddeeyaane

Waxay ahayd adoon Muranba gelin inaad Masnaysaaye

Maad-se noqon sidaan moodaynee Muujiska ahayde

Mar haday halkii lagu kadmiyo mahadhadii joogto

Ku margade Dadweynuhu Axdigaad marin habowdeen.

Afartaa Malkada aan dhisiyo Midhihi geeraar dheh

Murti Gaxadh leh, meel loo hubsaday Madal horkeedii dheh

Macnihii wacyiga taaganiyo Xaajo madaxeed dheh

Afar kalena aan yara metelo Nin is-maqiiqaaya

Ama kuwan mucaaridka ahee moogan kala guurka

Bahweyntaa Muftaaxii sidciga wali malaynaaya

Ee aan Musbaarrada ku dhacay odhan maxaa yeellay

Hadaanay mahadin kii shalay furtee loo Mushxaraddaayey

Madaxtooyo Maamus leh iyo Mudane loo doortay

Wali kamay Mabsuudine shacbigu Maamulbuu tebiye

Maantana nasiibkay irkane muddada gaabkeeda

Maxaa uga damaanada mar kale muranka joogtoobay

Maxaa uga damaanada Sharciga midigtu Naafowday

Maxaa uga damaanada Shardiga loo mutuhinaayo

Maxaa uga damaanadda hantida moodka lagu haysto

Maxaa uga damaanada hashaa magacu sii muuqdo.

Maandeeq halkaad marinaysaan waa midh noo dihine?

Araarta Muuqeynta gabay waa meselo guude

Magowgii Ujeedada fogbaan Maanka ku hayaaye

Mucjisooyin soo maaxdaybaan Moos ku xidhayaaye

Micnihiyo haloosiga fogbaan mooro ku arkaaye

Ma aqaan hadana faalkiy male-awaal beene

Amuuruhu ma saaloona iyo Muuqa Waayuhiye

Guurtida midhbaan odhanayaa gulufka Muuneeyey.

Idinkaa Metela Noolihiyo Qaranka Moodkiisa

Idinka Masuuliyada guud Nabadda mooskeeda

Idinkaa Marxaladii cakiran maaraheed fuliya

Idinkaa Macbuud nagu galaday oo Ma diido ahe

Kuwaa meesha kala qaadayaa malaha Miisaane

Idinkaa midkii madax noqdaa idin majeertaaye

Mar horaynu eednaye Sharciga yaan la marin seejin.

Mar horaynu eednaye Sharciga yaan la marin seejin.

Waxa Tiriyey: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Email: curad1986@hotmail.com

Tel: 00252-634229772