Araweelo News Network

Delhi(ANN)- Waddanka Hindiya waxa ka dhacayey bilihii u dambeeyey rabshado u dhexeeya qoomiyadaha Muslimiinta iyo Hinduga, kuwaas oo ka dhashay wax loogu yeedhay “jihaadka jaceylka,” kaasoo ah arrin salka ku haya jacaylka dhexmara lammaanayaasha diimaha kala duwan haysta.

Haweenay haysata diinta Hinduga, ayaa is0dishay kadib markii handadaad ay kala kulantay saaxiibtinimada nin Muslim ah oo ku nool Gobolka Karnakata ee koonfurta dalkaas horraantii toddobaadkan, sida boolisku sheegeen.

Qof ay garanayso ayey WhatsApp ugu sheegtay inay Muslimiinta jeceshahay, kadib markii su’aal laga weydiiyey ninka ay saaxiibka la noqotay.

Ciidanka bilayska ayaa caddeeyey in farriintaas lagu baahiyey baraha internetka ee bulshadu ku xidhiidhaan. Shan nin oo qoomiyadda Hinduga xagjirka, ah ayaa tegay guriga haweeneydan maalintii Sabtida ee toddobaadkan, waxayna u digeen waalidkeeda, sida booliska degaanku xaqiijiyeen. Gabdha oo 20 jir ahayd ayaa isla maalintaa is dishay.

Masuuliyiinta booliska ayaa sheegay inay markii hore diiwaangeliyeen in gabadhu iskeed isu dishay, laakiin markii ay ogaadeen doorka baraha bulshadu ku lahaayeen dhimashadeeda ayey baadhitaanka ballaadhiyeen.

K Annamalai oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska degmada Chikkamagaluru, ayaa u sheegay BBC-da in haweeneydaasi ka tagtay farriinta sharraxeysa inay iyadu is-dishay.
“Waxay soo hadal-qaadday in sawir uu ka hayo nin diin kale haysta. Dadku waxay bilaabeen in ay fikrado ka dhiibtaan, isla markaana weeraraan dabcigeeda. Iyada ayaa is-dishay kadib markii shan nin ay booqdeen gurigeeda, ayna hooyadeed u sheegeen in gabadheedu nin Muslim ah jeceshahay,” ayuu yidhi sarkaalku.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in boolisku xidheen hal qof, kuwa kalena ay weli raadinayaan.
Weriyaha BBC-da ee Hindiya, Imran Qureshi oo arkay farriinta gabadha dhimatay ka tagtay, ayaa sheegay in farriimihii WhatsApp-keeda si degdeg ah ay ugu faafeen degmada oo dhan.
Qoraalka wuxuu dhigayaa iyadoo lagula talinayo in aanay saaxiib la noqon karin nin diin kale haysta. Balse waxay iyadu ku jawaabtay, “Waan jeclahay Muslimiinta.”
Waxa ay intaa ku dartay in aanay khalad u arkin in saaxiib lala noqdo dadka kale ee diimaha kale haysta.
“Qof kastoo gabadha ku canaantay waxa ay samaysay, ha ahaato Facebook ama WhatsApp waa la xidhi doonaa,” ayuu yidhi Annamalai.
“Waxaan aaminsan nahay in taasi tahay xadgudub sababay in nafta qof dhallinyaro ah ay go’do. Waxaan kiiskan u qaadaneynaa si dhab ah, sababtoo ah ma ahayn khalad ay iyadu samaysay,” ayuu sii raaciyey sarkaalka booliska ka tirsan.