Tallo Ku Socota Hooyooyinka soomaray Furiinka (single mother)
By. Marwo Hodon A. Maxamed

Buugga CaruurtaHooyadu waa laf dhabarta qoyayska la aanteedna lama noolaankaro waana halbawlaha iyo ururiyaha reerka meesha ay ka maqantahayna waa la dareemaa dayaca iyo darxumada soo waajahda e ka muuqda inta badan ubadka.

Sida aynu wada ognahay Hooyada iyo Aabuhu marka ay kala tagaan ee ay is furan waxa gaar ku noqota ubadka Hooyada, taas oo korinaysa kaligeed, waana mushkiladaha Bulshadeena kusoo batay wixii ka danbeeyay burburkii iyo dagaaladii aynu soo marnay.

Marka hore waxay la martaa tacab aad u adag oo bulshada oo dhami dareemi karto.waxa intaa u dheer marka caruurtu gaadho 7- ilaa inta u dhaxaysa 14 waxay su ‘aalo aad u adag waydiiyaan hooyo aaway aabo xaguu tagay maanu noo imanayn iyaga oo arkaya caruuraha qaar ku sheekaysanaya Aboo ayaa sidan yidhi iyo Aabo iyaa waxan iikeenay.

Inaga oo taa ka duulayna waxan halkan ku soo diyaarinay I5 qodob oo hooyadu ka helikarto talo si ay uga caawiso in ay ubadkeeda ku qancinkarto su aalo badan oo ay waydiiyaan taas oo marmarka qaar u wayda xal ama maareyn kari wayda su aalaha ay waydiinayaan.

Iyo in ay hooyadu kula dhaqanto ilmaheeda inta uu yaryahay hadalo macaan oo dhaxalgal ah oo marka ay waynaadaan ku dhexgalaan umada ay la nool yihiin

Waxakale oon halkan ku xusayaa Gabay magaciisu yahay” Hooyo wanaag” kaas oo uu tiriyey, Abwaan Axmed Yuusuf.

Waa in ay hooyadu ka ilaaliso caruurta cuqdada ama hadalada naxliga ah ee maskaxda iyo jidhkaba ka dilaya.

1. Waa in ay ku maaweeliso waxkasta oo ay u aragto in uu ilmaheeda ka farxinkaro

2. Waa in ayna ubadka ka jarin qoyska sida kuwa ka soojeeda xaga aabaha iyo kuwa ka soojeeda xageega si aany kali u dareemin caruurtu.

3. Ha u diidin in ay arkaan aabohood hadii uu isagu yahay mid danaynaya

4. Ha caayin caruuta si ayna edebtu uga xumaan ilayn hooyadu waa macalinka ubadke.

5. Bar diinta ismalka si ubadku u noqdaan kuwo aad ku liibaanto if iyo aakhiraba

6. Ku dar iskuulka si ay ula jaan qaadan aduunka iyo qayrkoodba

7. La saaxiib oo dhagayso warkooda hanoqon qof markasta ubadka hadlal kulul iyo hanjabaad ugu jawaaba

8. Hadilin ubadka hadii ay dhibgaystaan u sheeg in waxani xun yahay

9. Waani oo u sheeg waxa xun iyo waxa fiican markasta soo dhawee waxkasta oo ay kuu so jeediyaan.

10. In marka aad jaanis hesho aad u kaxayso meelaha caruurta logu ciyaarsiyo ama meelkasta oo ay ka helaan si ay ula qabsadaan nolosha cusub eeay ku dhex jiran

11. Nacayb aad u qabto aabaha dhalay caruurta haka badalin magaca aabohood oo ha ugu yeedhin ka aabahaa sida aamina heblaayo waa caqabad ka hor iman doonta markay koraan.

12. Ha uga sheekayn taariikho xun ood isla soo marteen saygaagii adoo isle ka aargooso waayo waxay dhaawac u gaysanaysaa maskaxda caruurta.

13. Dabagal oo ogow ilamahaagu halka uu ku maqanyahay yaanu gacantaada ka bixin intuu yaryahay hadhow yaanad ka qoomamoone.

14. Ku qasab ama ka dhaadhici in uu tukado salaada ukala sheeg wuxuu leeyahay iyo waxaanu lahayn si uu ugu barbaaro dhaqan fiican.

15. Ha u sheegin been ilmahaaga yaanu adiga kuu sheegin been.

Wanaaga hooyada

Hooyoy waxaad tahay,
Hawlaha aduunyada,
Midda hanta badidood,
Hadalada kalgacallada,
Hibada Eebbe siyee,
Hidaha iyo dhaqanka,
Midda haysa xeerkoo,
Dugsi lagu hirtaayoo,
Dadnimada habeeyoo,
Hanankeeda noloshaba,
Midda laga hal raacoo,
Ummaduhu higsanayaan,
Hooyooymaliicdooy,
Hanuunisooy habooneey
Loowada hilloobay.

Hooyooy waxaa tahay,
Hogoshii adduunkoo,
Noloshaba hirgalisee,
Hambalyada caruurta,
Marka aad u heestaa,
Hibataa naftaydooa
Hooyo kugu farxaayoo.

Hooyoy waxaa tahay,
Geesiga halyeyga ah,
Midda hanaddo koriso,
Ragga kala hormarisoo,
Hoygeedu deeqoo
Hooyooy kugu farxaayoo.

Hablo sidii hibaaq baxay,
Ubaxna la haybad ah,
meel dhaliila laga helin,
Midda hooyo haysoo
Habtayoo wax siisoo,
Hooyada u noqotee.

Hooyooy calooshaad,
bilahaa sagaaka ah
igu haysaygalooy,