Abwan Sacad Axmed RoodhileGabaygan tooyasho iyo toogga-beel waxaa curiyey abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa siyaasaddan qabyaaladda ku dhisan iyo saamaynta xun ama taban ee ay ku yeelatay bulshada Somaliland, sida ay hogaanka qaranka iyo asxaabta siyaasiga ahba ugu fashilmeen inay dadka qabyaaladda ka saaran oo ka guuraan geeddi dheer. Gabaygani wuxuu ka mid noqonayaa gabayada ugu dheer ee laga unkay xaraf-raaca Ta-da, waxaana ku jira in ka badan 500 ereyada Xarafka ta-da ku bilaabmaya intii ugu badnayd, taasoo laga helayo ama dib u soo noolaynaysa ereyo badan oo isticmaalkoodu yaraaday in dhawayd. Gunaanadka beydadka gabaygani waa duco, macnaha ereyada ugu adag ee gabayga ku jirana waxaa lagu macneeyey halka hoose ee dhammaadka gabayga.Taariikhda: 11 February 2015. Cinwaanka Email: saadroodhiile@gmail.com

1. Tixdii gabay beryahan maan tisayn,tuducyo dhaadheere
2. Tigraar aan u dhigay waa horaa, weli ku taagnaaye
3. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
4. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
5. Tigin meeris gudban dhaabi jiray, ma isku tiir tiirshay
6. Ma tusmeeyey dulucdiisa gabay, taxane weeyaane
7. Kolkii gabay tufkii daawo sido, taabud weeyaane
8. Hurdadii habeen toos i yidhi, talal miyaan guuxay
9. Sida taleefan uu haatif wado, tuducyo ii keenye
10. Anoo tamashle socod gaaban rabay, ma i taraarsiiyey
11. Meeshaan kolkii hore taglaa, tahan kolkaan dhaafay
12. Tabaabushe anoo gabay u daban,toddob sidii hoorye
13. Sidii niman taraag dheer ku jira, awrtii aan tu’inin
14. Oo tiigsan meel durugsanoo, gaadha toban geeddi
15. Buraashaday kabani taagnidiyo, socodkay toorayni
16. Anigana tallaabadan dhuftaba, gabay i soo taabye
17. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
18. Afartaasi araartii tix-maal, togonkii ma u taagay
19. Tuduc kale dunida tamashle maray, gabayga taarkii dhe
20. Tog-wajaale ilamaa Taleex, golliska buur teedsan
21. Badda xeeli taagyada Sanaag, Tokhoshi baasheeda
22. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
23. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
24. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
25. Beershiyada Iran Tehran kuwaa, Tuunis ku tacliima
26. Badhkaa ganacsi Taylaan u tagay, Shiine iyo Taywan
27. Hiroshiima Tokyiyo Jabaan , moodhadhka Tayoota
28. Taaj-mahaal Buumbayda Hindiya, Taamil Sari laanka
29. Talaabib iyo Falastiin qulqulad, tuuryadda gantaalo
30. Tennesiida Maraykaan degiyo, beerihii Taaksas
31. Taliska Quruumaha Midoobay, tawarkii Niyuuyok
32. Togga webiga Minasoota mara, tiimanka Shikaago
33. Niyuu jersii dheegay ku taal, Tarenton caasimadda
34. Xaruntaa Tubeeka ee Kansas, taaga Koloraado
35. Misiisibii webiyo is tarraxay, cidhif baddii taabtay
36. Mantoonana Samiirow dhex tegay, buuraleey taxane
37. Tallahaase Faloriida iyo, Joorjiya Atlaanta
38. Talyaaniga Faraansiyo Turkiga, jaalyaddii Toronto
39. Tirana iyo Albaaniyada Yurub, Tanaladii Noorway
40. Tijagistaanida bari xigtee, tidicii Ruush goysay
41. Iglan goobta Tootanham iyo Hitrow, tagsigii Biristool
42. Shifiil golaha taageeray qaran, foodki loo taagay
43. Tansaaniya Yugaandhiyo Kiinya, Toogo iyo Maali
44. Badda tooxle marinka Jabuuti, Ticisidaa Yamani
45. Itoobiya tigreega maqale, Taana hara buuxa
46. Soomaali meeshaad tegtaba, waa tamuuxdaase
47. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
48. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
49. Afartaa taxtaxaashkii gabay, telekiskii caalam
50. Tuduc kale tixraac iyo dhigaal, qalin tawaadii dhe
51. Gabay iyo naftaydoo tallamay, tuducyo soo maaxday
52. Tu’u gabaygu garab daar yidhiyo, tii qalbigu doontay
53. Talantaalli dood iyo sarbeeb, doobiga tandhaafay
54. Sidii daad takaariga jebsaday, tuuro soo kiciye
55. Waxaan taw guraa sidii Amxaar, tiisi ma u raacay
56. Ilayn gabay tubtiis lama duwee, gees iskaga taagay
57. Murti tiimbad hirar aan dhexgalay, tiriyey oo sheegay
58. Markaan idhi xarfaha tee guhaan, gabay tasniifkiisa?
59. Wuxuu yidhi ta-da gabay turqaday, bixi tafaasiisha
60. Mar aan idhi halkaa wuu turqiyo, hebelna wuu taaban
61. Wuxu yidhi shacbiga uma tudhaan, lagu tacshiireeye
62. Marbaan idhi adoo tacab dhaqaa, kaaga tabar roone
63. Wuxu yidhi dantii niman ka tegin, shicibku wuu tebiye
64. Marbaan idhi qallooc toosahayn, qallinka meel tiiri
65. Wuxuu yidhi tusaalee bulshadda, loo tawaan waaye
66. Marbaan meeris toddobaatan idhi, tiradu yay dhaafin
67. Wuxu yidhi hummaag gabay taswiir,tuducyo soo muuqde
68. Marbaan idhi turxaan yuu ka tegin, tarraqa baaruudde
69. Wuxuu yidhi takhtar cudurka baadh, qarankan taahiiye
70. Marbaan idhi xisbiga ii tilmaan, talada loo dhiibo
71. Wuxuu yidhi tareen aanad hubin, tigidhkii ha u goosan
72. Toos iyo si gaaraba haddaan, hoggo tusaaleeyey
73. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
74. Afartaa tammuun taan u ganay, tiigsi ma u tuuray
75. Afar kale tisqaadkii xisbiyo, tu’aan saluugaayo
76. Xisbiyadan mabda’ii tiir lahayn, tooyasho mooyaane
77. Xisbiyadan tartiib iyo tixgalin, talo-wadaag oolin
78. Xisbiyadan kolkii talax-gabeen, beelihii talini
79. Xisbiyadan tukube ulaha booc, taayir rogi waayey
80. Xisbiyadan siyaasadda tigtigan,tiro yar kaa sheegan
81. Xisbiyadan qabiil shaadhkii tolay, tamarna aan yeelan
82. Xisbiyadan raggii talin lahaa, tabashadii guuray
83. Xisbiyadan tahanbaabiddii,lagu tabaaloobay
84. waxay tab iyo xeel moodayaan,waa tolla,ay madhane
85. Toddobadii dhashee urur saddexdii,taranka soo booday
86. Ee tiro dhibcihii loo tirshaa, taagan maantana e
87. Saddex taban mataanaysee UCID waa tafiir qudha e
88. Isku taagan asxaabteena qaran, xeer toleedyada e
89. Adoo toban guyaal tiro ka badan, tacab la soo meershay
90. Cidlay kaaga tegi maalintii, tooda gaadhaane
91. Saddex daran mid uun toggo hadday, taladu taagnaayo
92. Sow Cabdow waxaan taawilo nidhaa, tii shalaay maaha?
93. Wax tar malee qabyaaladde dadkay, kala tagsiisaaye
94. Adhaxdiyo tun qaar baa ka jabay, oo takooreene
95. Takhaantukhin afkay u tuurayeen, tuutaley badane
96. Waa kii tawaawacay intuu ,diray tayaaq dheere
97. kolkii taagan tahay doorashay, tanag garaacaane
98. Tartan iyo hungurii kama hadhaan,tirsi ma daayaane
99. Tuur iyo tarbiico isku yeel, tahar ma gooyaane
100. Reerba reer intaa uu turfayn ,taransan maysaane
La soco qaybo kale…