Araweelo News Network.

 

 

Berbera(ANN)-Munaasibad lagu maamusay, ayaa loo qabtay murrashaxiinta is garabsanaya ee Ganacsade Maxamed Ibraahim Dable iyo Maxamed Jaamac Liibaan oo u tartamaya doorashooyinka isku sidkan ee inagu soo fool leh ee lee muddeeyay in ay Somaliland ka dhacaan.

Labada murrashax, ayaa u tartamaya kuraasta Golaha Deegaanka ee Berbera iyo Golaha Wakiilada Somaliland ee Xisbiga UCID, waxaana munaasibadaa oo si weyn loo agaasimay ka qaybgalay Guddomiyaha Xisbiga mucaaridka ah Eng Faysal Cali Waraabe, iyadoo ay munaasibada oo ahayd dhoolatus iyo qadda-sharaf ay tageeraysha labada murrashax ku maamuuseen.

Munaasibada Xafladan oo ay il yartu is qabtay ayaa ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Berbera xarunta gobolka saaxil, madashaasa ayaa waxaa ka hadalay dad iskugu jira Salaadiin, Cuqaal, Waxgarad, Dhallinyaro Iyo Haween kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey labada musharax Duco iyo Dardaarana isku daray iyagoo u balanqaaday inay Codkooda siinayaan maalinta Doorashadii haddii Allah oggolaado, waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Xoghayaha Arrimaha gudaha Xisbiga Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa yidhi “waxaan hambalyaynayaa tageerayaasha labada musharax ee halkan horteena fadhiya inaan hambalyeeyo Maxamed Dable iyo Maxamed Jaamac baalashii ay ku dulayeen raggan buu ahaa sida wanaagsan ee ay maanta xafadayadii ugu soo ururtay shallana ugu uruursanayd barina ay cod bixinta ugu doonto doontaan inaan hambalyeeyo ayaan u kacay”.

Waxa markaa kaddib munaasibada ka hadlay Murrashaxa Maxamed Ibraahim Dable, isagoo yidhi, “ Ilaahay baa mahad leh inagu kulmiyay xafladan aad iyo aad ka u qiimaha badan ee aynu mudada dheer sugaynay taas oo maanta kulmisay saddex arrimood oo waaweyn, marka kowbaad inaynu halkan ku kulanay qaddo sharaf iyo shaahayn wadda socota oo huwan mahadnaq aanu ujeedinayno Aniga iyo Maxamed Jaamac Liibaan tageerayaashayda guud gaar ahaan hawlwadeenadii kaambaynka Gobolada Maroodijeex, Togdheer Iyo Dagmooyinka Sheekh & Berbera oo halakan ku dhan waxaan aad ugu mahadnaqayaa sidii Qiimaha, Sharafta, Hawl Karnimada, Daacadnimada Lahayd Ee Dadaalku Ku Dheehnaa ee muddadii ay arrintaasi socotay ugu dhabar adaygeen una hanteen dadkii martida ahaa ee aanu gobolada ka soo guraynay oo aanu halkan keenaynay mahad aan la soo koobi karayn baan ugu mahad celinayaa, boroseeskii hore ee doorashada waxaa ku xiga kaadh badalashadii gobolada laga soo badalanaayay halkan waxaa fadhiya masuuliyiintii gobolada kaambaynka u joogay halkan baan iyagana kala dardaarmayaa iyadan waynu u diyaar garoobi sidii hawshii hore ugu dhabar adaygteen, u dadasheen ee sida kartida iyo karaamada leh ee aad uga hawlgasheen iyo si ka hawl badan ayaydun uga hawl galidoontaan” musharax Maxamed Ibraahim isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ ninkii dhaliilsanaa sistemkii hore ee jiray anigu waxba ka sheegi maaye kolay lakiin haday jirto waxaan leeyahay taa iska dhaaf wixii hore kolay qof shaqo qabtay dhaliil iyo amaanba wuu yeeshaa Anigu ma jecli nin soo shaqeeyay inaan halkan ka dhaliilo sharaf bay iga mudan yihiin laakiin jaaniska danbe ee shanta sanno ee soo socda sidii aynaan hadhow isku ciil kaambiyi lahayn ee qof walowba u odhan lahayd waad hagratay ama maalintii waad iibsatay qiimaha badanayd taa idinkaan idiin daynayaa waxaanaan idiin leeyahay fiiro gaar ah u yeesha halka aad ku ridaysaan ama cida aad siinaysaan codkiina, sidoo kale musharaxu wuxuu fariin u diray musharixiinta tartamaysa waxaana uu yidhi “ Ragg badan baan fariin udirayaaye waxaan leeyahay waar kalyoo garoonka ku tartama yaan la is xagxaganin iska ilaaliya dadku kal tagi mayo tartan baa inoo furan gamcaha inagoo is haysanaa haddii Illahay nafta inoo daayo aynu garoonkaa iskugu nimaadno oo kii ay guushu raaco ayuu kakalana la shaqyanayaa” ayuu yidhi musharax Maxamed Ibraahim Dable.
waxa uu sidoo kale musharxu hambalyo iyo bogadin udiray Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane muusee Biixi Cabdi dadaalka dheer ee uu ka galay qabsoomida dorashooyinka mudad badan la sugayay waxaana uu yidhi “waxaa isna maanta xusuusta galaya siduu daacad uga noqday qabsoomida doorashooyinkan is huwan ee ay mudada dheer dadku sugayeen Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi taasa oo aad iyo aad ugu mahadsan tariikhdana way ugali doontaa madaxweynaha iyadood ogtihiin hawshii Muuse Biixi Dalakan Iyo Dadkan U Soo Maray, Sidii Uu Ugu Soo Halgamay Iyo Sidii Uu Ugu Soo Dhabar Adaygay   taana mahad gaar ah ayaynu ugu  jeedinaynaa Madaxweyneheena sharafta badan ee maanta Waddanka ka ah Odeygii qaranka” ayuu hadalkiisii ku soo gababeeyay Musharax Maxamed Ibraahim Dable.
Waxaa isna sidoo kale  ka hadlay goobtaas Musharax Maxamed Jaamac Liiban waxaana uu yidhi “ waxaanu u sharaxanahay dhamaan dadweynah gobolka Saaxil oo hadhow hadaanu soo baxnona magacooda ku maateli doono ama ku hadli doono guud ahaana gobolka oo dhan baanu cod ka doonaynaa  lakiin waxaa bud dhig u ah qoyska aanu  ka  soo  jeedno iyo xaafadayduba bud dhig u tahy arrimah doorashada” ayuu yidhi Musharax Maxamed Jaamac Liiban.
Ugu danbayntii waxaa xaflada soo af meeray Guddomiyaha Xisbiga Ucid Mudanr Faysal Cali Waraabe waxaanu yidhi “ waxaan aad iyo aad ugu farxsanahay inaan ka soo qayb galo  Ilaahay baa noo soo baajiyay waxaan ku socoday safar lakiin waa xaflad khayr badan oo aan la soo kulmay waxaa layidhi dadka safar ku socoda ducadoodu way kacdaaye  waanaan ku ducaynayaa Inshaa Allahu Tacaalaa in musharixiintan qiimah leh ee la soo bandhigay oo aanu anaguna hore u ogolaanay inuu Ilaahay kuwii soo baxa ka yeela Dalkeena iyo Diinteena anfaca Ilaahay ka yeelo subxaana wa Tacalaa” ayuu  yidhi Guddomiye Faysal Cali Waraabe.