Araweelo News Network.

#Somaliland: #Go’aan Kasoo Baxay Qasriga Madaxtooyadda Oo Ganafka Ku Dhiftay Cabashooyinka Odayaasha Iyo Waxgaradka Ee Duruufaha Gobollada Bariga

Hargeysa(ANN)-Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ayaa xalay lagu qabtay kulan xaasaasi ah oo Albaabada loo xidhay, waxaana kulankaa oo lagaga hadlayay arrimaha diiwaangelinta doorashada iyo duruufaha cabashooyinka ee kasoo baxay jadwalka loo qorsheeyay ka qayb-galay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), wakiilo ka socday xisbiga UCID iyo Xisbiga KULMIYE.

Alt: Araweelo News Network

Kulanka lagaga hadlay diiwaangelinta iyo cabashooyinka gobollada Bariga Somaliland ee ka dhacay qasriga Madaxtooyadda 11 December 2020, Araweelo News Network.

Sidoo kale, waxa kasoo qayb-galay masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda iyo xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, kulankaa oo lagu macneeyay inuu ahaa mid lagu qiimaynayo cabashooyin kasoo baxay jadwalka diiwaangelinta deegaamada qaarkood, gaar ahaan deegaamada gobollada Bariga Somaliland oo xllliga diiwaangelinta loo qorsheeyay ay dadkii ka hayaameen meelihii ay deegaanka ku ahaayeen, taas oo si weyn ay uga qayliyeen Odayaasha iyo waxgaradka gobollada Bariga, isla markaana xukuumadda iyo Komishanka doorashooyinka usoo gudbiyeen cabashooyinka la xidhiidha arrimahaa si dib loogu eego oo waaqaca loogu noqdo.

Hase yeeshee sida uu sheegay war kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda markii kulanku dhamaaday, waxa laysla qaatay in aan waxba laga bedelin jadwalkii diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Maadaama komishanka doorashooyinku dhankooda ku doodeen in waqtigu ku yar yahay, suurta galna aannay ahayn in ay mar kale dib u eegis ku sameeyaan xilliga diwaangelinta codbixiyeyaasha in dib loo dhigo, madaama xilligu is-riixayo.

 

 

Gebagebadii kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin, ayaa sheegay in madaxda axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka ay isla qaateen in aan waxba laga bedelin jadwalkii diiwaangelinta, isla markaana waxay  fariin u direen gobollada bariga ee cabashada hore u soo gudbiyey, waxayna u sheegeen  inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha waqtigii hore loogu asteeyey inay kaga qabsoonto goboladaa.

Jadwalka diiwaangelinta ayaa laga qayliyay marka la eego xaaladda gobollada Bariga oo duruufo aan suurta gal ka dhigayn in ay is diiwaan geliyaan ka jiraan deegaamadaa, iyadoo komishanku hore uga bilaabay diiwaabngelinta gobollada galbeedka, halkagobollada Bariga loo qorsheeyay in ay ka bilaabanto 13-12-2020, balse dhawaaqyo lagaga cabanayo jadwelkaa ayaa kasoo baxayay maalmihii u danbeeyay Odayaasha iyo waxgaradka, kuwaas oo ku doodayay in aannay xilligan suurta gal ahayn diiwaangelinta marka la eego duruufaha ka jira deegaanka, balse go’aanka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa ganafka ku dhiftay cabashooyinka ka imanayay deegaamada gobollada Bariga.