Booqashooyinka Hoggaamiyayaasha Dalalka Djibouti Iyo Suudaan Ee Gaadhay Ethiopia Maxay Ka Beddeli Karaan SiyaasadaMandaqa?

Jimmi, Ethiopia, (ANN)-Hoggaamiyaasha Dalalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Suudaan Cumar Al-bashiir, ayaa ka degey dhabbahadiyaaradaha ee magaalada Jimmi ee dalka Ethiopia oo xarun u ah maamulka gobolkaOromia.

Labada Madaxweyne ee Djibouti iyo Suudaan, waxa halkaa kusoo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Ahmed iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Ethiopia iyo madaxda maamul goboleedka Oromia.

Magaalada Jimmie ee xarunta Maamul goboleedka Oromia, ayaa la filayaa inuu ka furmo shirka qowmiyadaha Ethiopia, isla markaana waxa la filayaa in Madaxda dalalka geeska Afrika ee gaadhay halkaa ay ka wada hadlaan arrimo siyaasadeed oo ka taagan mandaqada iyo qorshayaasha dhowaan ay ku dhaqeen qaarkood ee ay hormoodka u yihiin Ethiopia iyo Eretria.

Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Jimmi, ayaa sheegay in shirkaa oo ah mid iskaashi ah ay kaga qeyb gelayaan dalka Ethiopia,  wuxuuna rejo ka muujiyay in shirkan ay natiijooyin wanaagsan oo mandaqada dan u ah ay kasoo baxaan, balse sharaxaad kama bixin natiijooyinka uu filayaa in ay kasoo baxaan shirkaa nooca ay yihiin.

 Warbaahinta dowladda Ethiopia, ayaa sheegtay in socdaalkalabada Madaxweyne uu qeyb ka yahay shir bishii lasoo dhaafay ay  ku yeesheen Madaweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Eretria, Isaias Afwerki iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia,Dr. Abiy Axmed, waxaana kulamo dhawr ah iyo booqashooyin ka dhacay caasimadahasaddexda dal ku sheegeen kuwo ujeedada laga lahaa ay tahay sidii Bariga Afrikaloogu dhisi lahaa dawlad keliya iyo ciidan, isla markaana laysugu furi lahaaganacsiga.

Shirka, ayaa sida ay sheegeen daba socda shirarka iyo kulamada ay horre u yeesheen hoggaamiyayaasha bariga Afrika qaarkood, balse waxa booqashooyinka iyo shirarka madaxda dalalkaasi kusoo beegmayaan, iyadoo aanay Soomaaliya ka jirin dawlad awood leh oo gacanta ku haysa caasimada Muqdisho, marka laga yimaado gobolada kale ee dalka, iyadoo inta baddan Al-shabaab ka taliso qaybo baddan oo magaalada Muqdisho ah iyo gobolada kale ee Soomaaliya.

 Sidoo kale Dawladda Ethiopia ee Ra’iisal wasaare Abiy, ayaawaajahay qalalaase siyaasadeed tan iyo markii uu xukunka la wareegay sannad kahor, iyadoo xaalad siyaasadeed iyo rabshado u dhexeeya qowmiyadaha dalkaEthiopia ay hadheeyeen dalkaa, kuwaas oo ay ugu daran yihiin Qowmiyadaha Tigraioo dhufays kaga jira Xukuumadda Abiy iyo xiisada Oromada iyo Soomaalida oo colaadweyn ka dhex taagan tahay, isla markaana dagaalo dhimasho iyo dhaawac sababaydhexmarayeen labadii sannadood ee u danbeeyay, kuwaas oo sababay in maalyiinqoys ka qaxaan guryohooda.

Waxa kale oo weli taagan colaadii dhemartay dalalka Eretria iyo Djibouti, kuwaas oo muran dhanka xuduudka ah u dhexeeyo, isla markaana aan weli xal loo helin khilaafka iyo muranka u dhexeeya, waxayna dhammaan arrimahaasi caqabad ku yihiin qorshayaasha ay sheegayaan madaxda dalalka Bariga Afrika ee Ethiopia iyo Eretria hormoodka u yihiin, balse ay haggayaan quwado shisheeye.