Xukuumadda Iyo Bulshada Somaliland waxay dhawrkii caanamaal ee u dambeeyey ku Mashquulsanaayeen Baroordiiqda iyo Tacsida Taliyihii Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye gaas Cabdullaahi Xuseen IImaan (Fadal) oo Nov 2, 2019, aas Qaran loogu sameeyay Xaabalaha Masalaha ee Koonfurta Magaalada Hargaysa.

Booliska Somaliland ayay si gaar ah u taabatay Geerida Taliyohoodii Marxuum Cabdullaahi Fadal, marka laga yimaado Qoyskiisa, Sidoo kale waxa xusid mudan in geerida naxdinta leh ee ku timi Taliye Fadal loo baajiyey munaasibada Xuska 27 guuradii Aasaaska Ciidanka Booliska JSL oo sannad walba la xuso 2 November, taas oo qabanqaabadeeda iyo diyaarinteeda Bilihii u danbeeyay laga shaqeynayay, isla markaana aan weli la shaacin xilliga dib loogu dhigay iyo waxa laga yeelayo.

Allah ha u naxariistee geerida Taliyihii Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye Gaas Cabdullaahi Xuseen Iimaan (Fadal) oo si weyn looga dareemay geyiga Somaliland geeridiisa, isla maraana qaranka Somaliland mudo dheer usoo shaqnayay, wuxuu dhawaad 10-kii sannadood ee u dambeeyey madax u ahaa Ciidanka Bilayska Somaliland ilaa uu ka god galay 2/11/2019.

Dhinaca kale Taliye ku-xigeenkii kowaad ee Bilayska Somaliland, Sareeyo Guuto Faarax Maxamed (Shiniile) oo muddo ku siman laba Todobaad xilkaa hayey ayaa xaalad caafimaad darteed loo dhigay Cusbitaal, halkaas oo Cafimaadkiisa lagula tacaalayo.

Arrimahani ayaa la saadalinyaa In ay soo dedejiyaan in Madaxweyne Biixi uga faa’idaysto fursada buuxinta xilalka isku shaandhayn saamaysa inta badan Hay’addaha dawladda, taas oo ay Bulshadu naawiliyeen in muddo ah, isla markaana u dheg-taagayeen inuu mar uun Madaxweyne Biixi Xukuumadiisa aanu marnaba wax isbedel ah ku samayn tan iyo markii uu soo dhisay golihiisa wasiiradda iyo Hay’addaha kale ee dawldda horaantii Dec, 2017, ku samayn wax is bedel ah.

Madaxweyne Biixi oo Xukuumadiisa Xiligan baarka ka jaray laba sannadood oo dhawr caanamaal ka dhiman yihiin, ayaan laga arkin tan iyo mudadaa inuu Isku shaandhayn ku sameeyo xukuumaddiisa, iyadoo in badan oo ka mid ah Bulshada Somaliland iyo weliba dadka Siyaasada Odorosaa si weyn u naawilayeen, amma filayeen inuu Madaxweyne Biixi ka dhabeeyo xoggo aan si dhab ah loo xaqiijin oo hadal hayntoodu ahayd inuu Madaxweynuhu samaynayo isku shaandhayn ballaadhan, balse aan kasoo bixin qasriga Madaxtooyadda oo baaqatay, waxayna dad badan u hanqal taagayeen in Madaxweyne Biixi si uu wax uga bedelo siyaasada xukuumaddisa uu smayn doono is bedel wax ka tara qaab dhismeedka xukuumaddiisa bilawgiiba qaybo badan oo bulshada ka mid ah iyo xataa qaar badan oo taageerayaashiisa ah saluuga ka muujiyeen, balse ay duuduubka ku liqeen, waxayse filayeen marka la gaadho xilli isbdel horleh oo Madaxweyne Biixi ku sameeyo Xukuumaddiisa iyo hay’addaha kale ee qaranka, taas oo ay u arkaan inay xataa duruufaha iyo xaaladaha soo waajahay bilawgiiba ku dhawaaqiska golaha xukuumaddiisa wax ka taraysay, sida looga bartay Madaxweynihii isaga ka horeeyey Axmed Siilaanyo oo ay kasoo wada jeedaan Xisbiga Kulmiye.

Dadka ka ag-dhow Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo in badan oo ka mid ah taageerayasha Xisbiga KULMIYE, ayaa rumaysan In ay laga maarmaan tahay in Madaxweynuhu xilligan isbedel ku sameeyo Xukuumadiisa baarka la gadhay labada sannadood ee weli la tacaalay caqabadihii iyo xanaftii ka dhalatay doorashadii Madaxtooyadda ee guushu ku raacday inuu Madaxweyne Biixi hoggaamiyo qaranka shanta sannadood ee soo socda, kadib markii uu aqlabiyad weyn kaga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo ahaa murrashaxii sida weyn loolanka adag ugu dhexmaray doorashadaa ee ka sharaxnaa Xisbiga WADDANI.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in badi bulshada Somaliland iyo xataa kuwa ka ag-dhow Madaxweyne Biixi ay u arkaan in ay tani tahay fursad Madaxweyne Biixi food-saaro iyo inuu uga faa’idaysto u noqokarta ugu yaraan isku shaandhayn ay shacabku dareemaan, taas oo sidoo kale ay suurta gal tahay in ay wax ka bedesho Xaaladaha Siyaasadeed ee la laba jirsaday Xukuumaddiisa, kuwaas oo soo jiitamayay tan iyo Natiijadii Doorashada 2017, waxayna qaar badan oo dadka siyaasada axadhaa u arkaan in ay tallaabo noocan ah oo Madaxweyne Biixi qaadaa noqonkarto mid uu uga faa’idaysto sidii uu wax uga bedeli lahaa Otomosfeerka siyaasadeed ee ku xeeran ee xukuumadiisu la kacaa kufaysay mudada labada sannaood ee ka dhalatay natiijadii doorashada iyo xanaftii doorashada ee Xisbiga WADDANI weli hibanayaan guuldaradeeda, isla markaana ay ku adkaatay inay si niyad ah u haniyeeyaan natiida doorashadii Madaxtooyadda, waxayna u muuqataa in calool-xumadii iyo cunfigii ka dhashay natiijada ay yihiin kuwo la jaanqaaday muudo xileedka iyo dhismaha xukuumadiisa cusub ee uu xiligaa soo dhisay Madaxweyne Biixi.


Natiijooyinka siyaasadeed ka dhashay doorashadaa, ayaa u muuqda kuwo Xukuumadda Madaxweyne Biixi u saamixi waayay in ay u suurta galaan inay fuliso waxyaabo baddan ay suurta gal tahay inay u qorshaysnayd inay qabato, waxayna xanafta iyo siyaasadaha ka dhashay doorashadu ka muuqdaan weli saaxada Siyaasada Somaliland, kuwaas oo caqabad ku noqday in Somaliland hore ugu socoto dhabaha nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka si loo qabto doorashooyinka golayaasha Wakiiladda iyo Golayaasha deegaanka oo weli xalkoodu laalanyahay, isla markaana cunfiga ka dhashay natiijada doorashadii 2017, wuxuu cabaqad ku noqday inay sii wado hayaanka geediga dumuqraadiga iyo doorashooyinka lagu majeerto, wuxuuna dhaawacay sumcadii Somaliland looga bartay ee in laysu haniyeeyo natiijada marka uu dhaco tartan sidan oo kale ee lagu loolamo hoggaaminta dalka, wuxuuna taa bedelkeeda abuuray kala qaybsanaan iyo cunfo gaadhay inay arrintu dhaafto xayndaabka mucaaradada uu salka u yahay Xisbigu ee ku dhisan nidaamka dumuqraadiyada iyo hanaanka Xisbiyada ee Somaliland hore u qaadatay, iyadoo xaalad jabhadeed oo si weyn u dhaawacday nidaamka iyo dhismaha Xisbinimo sababtay.

Balse Natiijooyinka fursadahan iyo sidii Madaxweyne Biixi oo isugu leh awoodda hoggaaminta dalka ugu dhaqaaqi laaha waxay ku xidhan yihiin go’aanka uu qaato saacadaha soo socda iyo Maalmaha fooda inagu soo haya.