Araweelo News Network
dhakhtarka

Iyadoo dadkii taagta darnaa ee magaalada Xalab (Aleppo) maalinimadii Arbacada laga raray gurigii hore ee dadka da’da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee magaalada, Dhakhtar ka tirsan hay’adda Laanqayrta cas oo qayb ka ahaa daadguraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray maqaal dheer oo kaga hadlayo waxyaabihii naxdinta lahaa ee uu la kulmay.

Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay’adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ee (ICRC) waxaan ku arkay wax badan Suuriya shanti sano ee la soo dhaafay, laakiin ma arag tan mid la mid ah.

Waxaan isku daynay innaan gaadhno badhtamaha magaalada , waayo ma aanu helin damaanad qaad amni oo la isku halayn karo. Dagaalku wuu xoogannaa. Sadex qof oo ku sugnaa xarunta ayaa dhintay xilligaas.
muuqaaladadhakhtarka
Haddii aanu heli lahayn ogolaanshiyo aanu ku aadno guriga dadka waayelka ah, kaasi oo u noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, qaar ayaa madaxa ka xanuunsanaya, inta kalena waa dad welwelsan oo aan garanayn meel ay u dhaqaaqaan.

Annaga, Ururka bisha cas ee Suuriya iyo ICRC waxaanu halkaasi u joognay innaan ka kaxayno dadkaasi Bariga magaalada Xalab.

Waxa ay ahayd goor horaba gudcur sida aynnu ku soconnay jidadka cadhiidhiga ah ee magaalada qaddiimiga ah, waan garanayey deegaankan dagaalka ka hor, waxay ahayd meel camiran oo kobcaysa.

Hadda, waa dukun daakun. Jidadka ma aqoonsan karo, iskaba illow dhismayaasha. Magaalo bahallo galeen oo sida dhagixii u burburtay, waa Meel aduunku ku dhamaaday, waa sida caro afka goosatay.

Dhawaaqa rasaasta cabsida leh ayaa meel dheer laga maqlayaa, ma jiro wax buuq ah, dad ma joogo. Waa innaynu xoogaa lugaynnaa ilaa ugu dambayn dhamaadka, waayo gawaadhidu ma gudbi karaan. Meel halkaas ah waxaa ka muuqda, laba guri oo burbursan. Mid waa ragga, midnna waa haweenka.

Waxaan galay dayrka dhismaha. Koox ka mid ah bukaanka oo rasaas haleeshay ayaa jooga, Waxay gashanayeen waxooga dhar ah wayna gariirayeen. Qaar ayaa jahwareersanaa waxay ahaayeen kuwo aad isagu dhow midba midka kale ayuu garabka ku hayey, hareerahooda ayay eegayeen,iyagoo isku dayaya midba kan kale in uu ku tiirsado. Dhinaca kale waxa aan yaalay maydad, waa illaa tobaneeyo.

Waan garanayey ninka xarunta maamula, waanu la kulanay, waxaana ogaanay in gabi ahaaba qoyskiisii ay geeriyoodeen sadex maalin ka hor: waxaa ka mid ahaa xaaskiisii, wiilkiisii iyo wiil uu awoowe u yahay . Halkan ayuu keenay qoyskiisa waayo wuxuu is lahaa ma jirto cid weeraraysa xaruntan. Meydka dayrkaa yiil qaarkood waxay ahaayeen xubnihii qoyskiisa.

Gudcur ayaa is xidhay, heer kulkii ayaa aad hoos ugu dhacay, markaa waa inaan dhaqso u baxnaa. Waxaan aqoonsannay kuwa aadka ugu baahan caawimaadda. Intii aan hawsha ku jiray nin waayeel ayaa hortayada ugu geeriyooday qabaw.

Daawo ma leh. qalabka la isku diiriyo ma jiro. Ma jiro shidaal cunto lagu karsado.Waxaan eegay dhismayaasha noo dhaw si aan u eego bal wax dad ah, laakiin ma aanay jirin.

waxaase jiray mayd kale oo aan arkaynay, laakiin wuxuu ku hoos jiray dhisme burburay. Ma jirin wax aan u qaban karnay,

Daadgurayntu ma ahan mid sahlan. Badi, gaar ahaan kuwa xanuunada dhimirka ee maskaxdu hayaan ma doonayn inay baxaan. Way jahwareersanayeen, ciirsi la’aan ayay ahaayeen. maba aanay garowsanayn inay ku nool yihiin aag dagaal.

Qaar ayaa halkaas ku noolaa afar illaa shan sano. Wax kalaba ma aanayn garanayn “Ma lihin qaraabo kale, ma haysanno meel kale oo aynnu aadnno,” qaarbaa lahaa waxaan doorbidaynnaa inaan halkan iska joogno”.

Ka dibna ciidammo ayaa yimid. Waxay kaxaysteen lix caruur ah. Waxay ka soo heleen burburka, way lunsanaayeen, ciirsi la’aan ayay ahaayeen, gabadh todobo sano jir ah ayaa ugu waynayd, kan ugu yarnna wuxuu ahaa wiil 7 bilood jir ah, waxba ma aanay cunin muddo laba maalmood ah.

Iyagu dhammaantood hadda uun ayay agoon noqdeen oo waalidkood ayaa ku dhintay bam dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay. Waxba, ma haystaan, cidnna ma haystaan, Maxaad oran kartaa?,
Xarunta gudaheeda 18 qof ayaa doonaya inay joogaan waayo ma haystaan meel ay aadaan. Waxaan rajeynayaa innaan dib ugu laabto oo aan u wax uun caawimaad ah u fidiyo.
Cutub cusub oo dagaalka ahliga ah:
Dadkan waxay nolashooda ku waayeen dagaalkan foosha xun kaasi oo aannay shaqo ku lahayn, oo aannay go’aansan inay ka qayb qaataan. Waa kuwa ugu nugul dadka nugul. Mana jirto cid badbaadisay.

Tani ma aha kumaa sax ah iyo kumaa qaldan, kumaa guulaysanaya iyo kumaa guuldaraysanaya. Tani waxay ku saabsan tahay dadka, jidhkooda iyo dhiigooda, aadanaha ayaa Dhiigbaxaya, dhimanaya,qaar baa laga dhigayaa agoon, maalin kasta.

Waxaan dareemayaa murugo aad u wayn maanta. Fadlan dagaalku waa in uu xad yeeshaa.” Ayuu kusoo gebagebeeyay warbxintiisa xaalada murugada leh ee uu la kulmay dagaalka Suuriya, gaar ahaan magaalada Xalab (Aleppo) ee dhiigu ku daatay, welina ku daadanayo.