11 Khalad oo Qofku Galo Marka uu CV-ga ku Codsanayo Shaqo
Araweelo News Network

shaqada
6) CV-ga ha u isticmaalin baragaraafis
Baragaraafyada dhaadheer ee qoraalka CV-ga loo isticmaalo waxa ay caajis ku keenayaan qofka damacsan inuu ku qiimeeyo, sidaa darteed, ka dhig layman gaagaaban amma dhibco u samee si hore loogu fahmi karo. Waxa muhiim ah in laba amma saddex aad ka xusto waajibaadkaaga oo aad u samayso dhibco (Bullet Points), halka waxyaabaha aad gaadhayna amma ku guulaysatayna 5 ilaa 6 kaaga filan yihiin inaad ka xusto, sida ay u kala muhiimsan yihiina u kala sheeg.
7) CV-ga ood ka badiso wax ka badan 2 bog
Sida aynu ohre u soo sheegnay dadka loo shaqeeyayaasha ah ma hayaan waqti ay ku akhriyaan waraaqo badan, balse waa in aannu CV-ga qofku ka badan laba, sababtoo ah CV-ga macnahiisu waa in xog kooban ay ka bixiso qofka aqoontiisa iyo heerarka uu gaadhay ee khibradeed. Faahfaahinta waxay ku habboon tahay marka warraysiga shaqo lagula yeelanaayo.
Si haddaba, aad u yarayso waxa kaliya ee aad xustaa ha noqdaan khibradda, xirfadda iyo guulaha aad gaadhay ee shaqo, kana masax wixii aan khusayn shaqada aad codsanayso ee aan muhiimka ahayn.
Uma baahnid inaad xusto faahfaahinta shaqo kasta ee aad qabatay, laakiin awoodda saar kuwii ugu dambeeyey, inta badanna goobta aad ka soo shaqayay magaceeda, jagada aad ka soo qabatay amma xilka, waqtiga.
8) Macluumaadkaaga oo Dhamaystiran ood geliso
Qofka loo shaqeeyaha ah uma baahna inuu ogaado noloshaada khaaska ah sida cinwaankaaga oo dhammaystiran, waqtiga iyo goobta aad dhalatay, xayawaanka aad rabbaysato magaciisa amma riyaha gurigiina jooga tiradooda. Ka dhig wax fudud, magacaaga uun ku qor, telefoonkaaga, emailka iyo goobta ugu dhaw ee laga heli karo amma hadda ku nooshahay. Waad sheegi karta jinsiyadda dhalasho, luqadda iyo waxyaabo kale.
9) Xusidda waqtiyada aanad shaqayn
Haddii aad waqti badan aanad shaqayn waxa kaliya eed u baahan tahay inaad xusto uun, umana baahnid inaad faahfaahiso ood sheegto in arrimo kuu gaara aad uga maqnayd amma shaqo aad raadinaysay, balse dhib kaa qabsatay. Waxa kugu filan inaad tidhaa Jan 2009-August 2010 shaqo ma qaban, waxaannu qofka loo shaqeeyaha ah ogaanaya inaad xustay wax aad qarinaysay, waxaanay is waydiinayaan daacadnimadaada.
10) Khaladaadka naxwaha
Haddii CV-gaaga uu ka buuxo khaladaad naxwe iyo erayeed amma isku dhex daadsan yahay, waxa ka tegaysa tayada, waxana laga yaabaa in adigoo khibrad leh oo awood u leh in shaqadaas iyo mid ka sarraysaba aad qabato halkaas aad isku tirto xaq aad lahayd, sidaa darteed, ka taxadir oo in badan akhri qoraalka CV-ga iyo qoraal kasta ood gudbinayso si looga dhex akhristo tayadaada aqooneed.
11) CV-ga ood ka been sheegto
Khaladka 11aad waa marka aad been ka sheegto macluumaad ku jira CV-gaaga oo aanad khibradooda lahayn waxay si fudud u dhaawici karaan sharaftaada iyo karaamadaada, sidaa darteed ka fogow inta aad ka fogaan karto been sheegidda aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada, waayo dunidu hadda waxay noqotay Carro-edeg (Globalization) isku xidhan oo daqiiqad wax kasta lagu ogaan karo.