W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Faaiidooyinka Caafimaad Ee Muuska

Muusku wuxuu ka mid yahay Khudrada ugu caansan aduunka waayo wadamada qaar waxad arkaysa gawaadhi muuska laga matalay jacaylka loo qabo dartii. Khudrada muuska oo ka mid ah khudradaha sida joogtada ah ay soomalidu u cunaan ayaa leh Faaidooyin farabadan kuwaas oo badankoodu kobciya caafimaadka Jidhkeena. Halkan waxan ku soo koobi doona Faaiidooyinka ugu muhimsan muuska.

Sida laga soo xigtay daraasad ay samaysay Jaamacadda Leeds ee UK, kordhinta isticmaalka cuntooyinka hodanka ah sida muuska ayaa yarayn kara khatarta cudurada wadnaha iyo Cudurka dhiigkarka Hoos-u-dhicinta dheef-shiidka Sida laga soo xigtay Ayurveda.

1. Muusku wuxu ka koobanyahay 3 sonkorood oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano (fiber) ama gas waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii Enerygy loo siin lahaa Jidhka.
2. Muusku wuxu dawo ka yahay isku Buuqa ama warwarka madax xanuunka leh, cunidiisa aad ayay u yaraysa sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay Maskaxda bani aadamka.
3. Muuska waxa ku jira Vitamin loo yaqaano B6 kaas oo caadi ka dhiga Glucoseta-ka ku jirta dhiiga
4. Muusku wuxu dawo ka yahay kor u kaca cadaadiska dhiiga iyada oo ay ku badantahay Maadada loo yaqaan Potassium oo ay ku yartahay milixdu taas oo aad u yaraysa kor u kaca cadaadiska dhiiga Sida awgeed waxa muhiim ah xiliga ramadaanta ah in uu ku afuro ama ku casheeyo muuska qofka sooman hadii uu marwalba helaayo .

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
​​Hargeysa somaliland
​Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com