Khatarta Caannaha Daasaddaha Iyo maadooyinka lagu daro ee sababa dhibaatooyinka Caafimaad
Qishka Caanaha iyo Kayd-Raajiyeyaasha Loo Isticmaalo:
( Milk Adulteration and Preservatives Used for).
Eebbe (SWT) Ibnu-Aadam waa uu karaameeyey, karaamada baray , si ay isu karaameeyaan, ammaanadii adduunkana iyaga ayuu u dhiibay, Markii samooyinka, dhulka iyo buuruhuba diideen in ay qaadaan, Aadamaha ayaa xambaartay, taasina waxa ay ahayd sharaf iyo masuuliyad weyn oo uu Ilaahay u dhiibey. Haddaba, karaamadan Rabbaani ah waxa habboon in Aadamuhu isagu is-karaameeyo oo uu iska dhawro dhibta, iskana ilaaliyo wax kasta oo naftiisa, caafimaadkiisa iyo noloshiisa waxyeello u keeni kara, isaga oo u danaynaya dheeftiisa iyo tan ummaddaba.
Hase yeeshee, iyada oo la joogo wakhti adag oo la odhan karo waa Aakhir-saman, waxa muuqata in adduunka maanta ay dhibaatooyin badani ay ka jiraan. Dadku waxa ay u muuqdaan kuwo danahooda gaarka ah keliya ka fikiraya, mid walibana uu doonayo in uu kan kale ka faa’iido. Ganacsigu wuu faafay, wax kasta waa la iibinayaa, ha dhaceen amase yay dhicine,balse waxa ka maqan damiirkii ammaanada iyo xisaabtii Aakhiro.
Qof walba waxa uu doonayaa in uu lacag helo, balse aanay maankiisa ku jirin in badeecaddiisu ama adeegsigiisu uu waxyeello u geysan karo caafimaadkiisa iyo kan bulshada, hadduu tahay daawo, cunto, caano cabitaan ama waxyaabo kale.
Sidaa awgeed, maanta waxa muuqata in lala dagaallamayo nolosha lafteeda, jahliguna uu weheliyo dhaqankaas, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed oo la moodo in ay marba marka ka dambaysa ka sii fogaanayso garashada iyo mas’uuliyadda Rabbaani ee dusha laga saaray.
Amaanadu waa tiir dhexaadka nolosha iyo Diinta, waana ballan Rabbaani ah oo bani’aadamka lagu tijaabiyay, Markuu gutana wuxuu helayaa darajo; markuu dayacana wuxuu gelayaa khasaare iyo ciqaab iswata, in la illaaliyana waa mid waajib ah.
Haddaba, aynu u gonda-degno nuxurka ujeedadee, wax kasta oo la farsameeyo ama la mooriyo, si ay u sii jiraan muddo dheer, dhadhankuna isu beddelin, waxa lagu daraa walxo kimiko ah oo loogu talagalay ilaalinta tayada iyo cimrigooda. Haddii aynu tusaale u soo qaadanno caanaha moorsan ama kuwa qasacadaysan, waxa lagu daraa kiimiko kala duwan oo kayd-raajiye u ah muuqaalka iyo dhadhanka, balse khatar ku ah caafimaadka iyo nolosha bini’aadamka.
Caanaha qasaaca ama si kaleba u moorsan , waxa ku jira oo lagu soo daraa isku-dhisyo halis ku ah caafimaadka, Kemikadaa lagu daro, metel caanaha, waxa ka mid ah:
1. Foormaliin (Formalin )
Waxa ay dhaawacdaa xuubka caloosha, dhuunta iyo dheef-shiidka. Waxa ay dhaawacdaa kelyaha
iyo beerka, waana sababaha keena cudurka kansarka oo aad ugu sii tarmaya bulshada.
2.Foormaldhihaydh (Formaldehyde) oo la mid ah foormaliinta, balse leh astaamo iyo saameyn kale oo caafimaad-darro ah.
3. Hydrogen Peroxide, Caanaha lagu daray si joogto ah ama xaddi badan ee la cabo, waxa ay keeni kartaa dhibaato caafimaad ama cuduro fudud iyo kuwo halis ahba, sida xuubka caloosha, dhuunta, habka dheef-shiidka iyo xaalad halis ah oo wadnaha iyo maskaxda waxyeelo u geysan karta.
2. Benzoic Acid
Waxa badanaa laga helaa cabitaannada, casiirrada iyo cuntada la warshadeeyey, balse ku dariddeeda caanaha waa khatar caafimaad oo waxyeela beerka, Saamaynta neerfeyaasha, waana sharci-darro dalal badan oo dunida diideen.
3. Kaabsoolo kala nooc ah:
Haddii ay ka kooban yihiin kiimikooyin sida formalin, benzoic acid ama boric acid waxa ay keenaan Kansar, dhaawac unugyo iyo khatarada caafimaad oo waxyeelo gaadhsiiya maskaxda, beerka, kelyaha iyo caloosha iyo mindhicirka.
4. Saabuun (Detergents): saabuunta lagu daro caanaha waa mid ka mid ah qishyada ugu halista badan ee lagu sameeyo caanaha, si loo muujiyo inay nadiif yihiin ama xumbo badan yeeshaan, laakiin dhab ahaantii waa sun jidhka waxyeello weyn u geysata.
Saabuuntu, waxa ay keentaa Sumow caloosha iyo mindhicirka, Dhaawac beerka iyo kelyaha, Xasaasiyad iyo kansar muddo dheer ah.
5. Saliido: waxa caanaha loogu daraa in ay u yeeshaan dufan badan oo u ekaada caano dabiici ah, loogu muujiyo inay yihiin caano dhameystiran (full cream) iyo in loo isticmaalo in lagu kordhiyo dhalaalka, xaddiga iyo faa’iidada dhaqaale.
Jidhku si dhib ah ayuu u shiidaa saliidaha aan dabiiciga ahayn, taasoo sababi karta daal beerka ah ama xannuun kelyaha, marka la isticmaalo muddo dheer.
6.Rinji cad: waxa caanaha lagu daraa rinji cad ama budadavtabaashiirta (calcium carbonate), si Caanuhu u yeeshaan midab cad oo dhalaalaya, loogu muujiyo in ay yihiin caano nadiif ah. Rinjiga cad ee lagu daro caanaha waa sun khatar ah, wuxuuna sababi karaa sumow, kansar, dhaawac kelyaha iyo beerka, wuxuuna halis u yahay caruurta iyo haweenka uurka leh.
7. Istaarj (Starch): Istaarj waa budada cad ee laga helo dalagyada sida galleyda, bariiska, qamadida, baradhada ama daqiiqdaba, laakiin marka qish ahaan loogu daro caanaha, waxa ay noqotaa sun khatar ah oo carqaladayn kartaa dheef-shiidka iyo sonkorta dhiigga.
8.Midabeeyayaasha (Dyes): Midabyada la hindisey (synthetic) ee lagu daro cuntooyinka, cabitaanka iyo caanaha waa halis caafimaad, waxa ay sababi karaan xasaasiyad, cudurro kelyaha iyo beerka ah iyo kansar muddo dheer ah.
9 Iyo walxo kale oo badan ,mid kasta oo ka mid ahi, waxa uu leeyahay ujeeddo gaar ah oo loogu daro caanaha, cabitaanka iyo cuntadaba.
Walxahan kiimikada ah mid walba waxa uu qabtaa shaqo gaar ah oo u muuqata faa’iido, balse haddii aan si cilmi ah loo xakamayn, waxa ay isu beddelaan sun nolol-dile ah oo si qarsoon u disha yar iyo weynba bulshada.
Waxaa xusid mudan in biyaha iyo saliiddu aanay is-dhexgalin, balse dabka iyo walaxda loo yaqaan jaalatiin (gelatin) ay yihiin kuwa isdhexgeliya. Tani waxa ay tusaale u tahay sida halista leh ee walxo badan la isku daro, si loo gaaro faa’iido dhaqaale, iyada oo aan la eegayn saamaynta caafimaad iyo ummadda ay laynayaan.
Waxa caadi noqday in beryahan magaalooyinka in caanaleydu ay isticmaalaan habab aad khatar u ah. Tusaale ahaan, waxa ay dhigaan digsi weyn oo caano ku jiraan,kuna kariyaan girgire weyn oo dhuxul camiran lagu shiday, si walxihii lagu daray ay isugu milmaan oo dabku u mideeyo. Tani waxa ay keentaa in kiimikadii sunta ahayd ay si buuxda ugu dhex milanto caanaha, taas oo si toos ah khatar ugu ah nolosha dadka, iyada oo ay weheliso damac dhaqaale, aqoon-darro iyo Aakhiro la’aani.
Waxa ka sii daran in dadka loo igmaday xakamaynta iyo dabagalka tayaynta cuntooyinka (quality control ) intooda badan aanay aqoon u lahayn cilmiga kemistariga iyo baadhista sunta walxahaa ka dhalata.
Sidaas darteed, waxa lagama maarmaynin ah in culuunta kemistariga loo adeegsado sidii lagu heli lahaa kayd-raajiyeyaasha lagu soo darayo caanaha iyo cuntooyinkaba oo dib Dalka looga mamnuuco, kuwa keenayana digniino laga siiyo, bulshaduna khatarahaa uga badbaado.
Haddii la doonayo in la ilaaliyo caafimaadka ummadda, waa in tayada cuntada, cabitaanka iyo caanaha si cilmi ah loo hubiyo, si Cilmiyaysanna loo baadho, lana joojiyo kuwa laga helo
waxyaabahaa kiimiko ee khatarta ku ah caafimaadka bulshada.
Haddii aan maanta si daacad ah loo eego cudurrada halista badan ee bulshada ku soo badanaya, sida kansarka, cudurrada kelyaha, beerka, iyo xasaasiyadda guud, waxa hubaal ah in qayb weyn sababtaasi kow tahay kiimikadaa lagu daro cuntada, cabitaanka iyo caanaha.
Kayd-raajiyeyaashu (Preservatives) Waa waxyaabaha keena in maanta dadkeenu ula daalaadhacaayo cudurrada faraha badan oo ay ka midka yihiin kansarka, kelyo safaynta, kelyo fadhiista, macaanka iyo cudurro badan oo cabashadooda leh, lab iyo dheddigba, yar iyo weynba ee sababa dhiig-cadaadiska, macaanka iyo duxlaha (cholesterol).
Bulshada waxa aan ku baraarujin lahaa in laga digtoonaado isticmaalka caanaha ay ku jiraan kayd-raajiyeyaashu ee khatarta ku haya caafimaadkeena, caafimaadkuna waa lagama maarmaan in la illaaliyo bedqabka nolosha. Xukuumadda, iyada, waxa aan ku ekeyn lahaa sidii baadhisyo loogu samayn lahaa caanaha dibedda laga keeno oo laababka loogu hubin lahaa khubarada Kemistariga ku takhasustay loola kaashan lahaa. Komishanka Tayo-dhawrka loogu biirin lahaa aqoonyahanno takhasus u leh cilmiga kemistariga ee baadhi kara kayd-raajiyeyaasha halista badan, Midna ha la ogaado caanayawga kala duwan ee Dalka la keeno, dalalka kale lama geeyo, waa asal-doorshe qish ah ee maaha kuwii asalka ahaa.
Cilmi-baadhis iyo khubaro caafimaad ayaa xaqiijiyay in isticmaalka ama la xidhiidhka joogtada ah ee kayd-raajiyeyaasha (preservatives) uu si toos ah ama dadban ugu xidhan yahay cudurro badan oo maanta si baahsan ugu jira bulshada, rag iyo dumarba, yar iyo weynba. Cudurradaas waxaa ka mid ah:
1. Kansarka , Kayd-raajiyeyaasha sida nitrites, nitrates, formalin formaldehyde iyo kuwo kaleba, waxa ay jidhka gudihiisa ku sameeyaan walxo keena kansarka, kuwaas oo kordhiya khatarta cudurrada kansarka ee ku dhaca caloosha, beerka iyo kaadi-mareenka.
2. Kelyo Fadhiistay iyo Kelyo Sifayn, oo ka dhasha la xidhiidhka muddada dheer ee kayd-raajiyeyaasha sunta ah, wuxuuna culays saaraa kelyaha.
3. Dhaawaca Beerka, Beerku waa xubin muhiim ah oo jidhka ka saarta sunta iyo kiimikooyinka oo ay ku jiraan kayd-raajiyeyaashu, hase yeeshee, marka uu culays badani saarnaado muddo dheer, waxa uu keenaa beer barar, beer-baruur (fatty liver) ama beer adayg.
4. Macaan iyo Cudurro Dheef-shiid ah, kayd-raajiyeyaashu iyo walxaha macmalka ah waxa ay carqaladeeyaan shaqada insulin-ta iyo isku-dheellitirka dheef-shiidka, taasoo horseedda sonkorowga ikm.
5. Cilladaha Hormoonada iyo Taranka, Hormoonadu waa kiimikooyin dabiici ah oo uu soo daayo nidaamka hormoonada ee jidhku, kuwaas oo u shaqeeya sidii fariin gudbiyeyaal,
waxayna gaadhaan xubnaha iyo unugyada kala duwan oo ay kiciso ama xakameeyaan hawlo muhiim ah. Haddii ay dheellitirnaanta hormoonadu faraha ka baxdo, jidhku waxa uu la kulmaa dhibaatooyin badan.
6. Xasaasiyad iyo Dhibaatooyin Neef-mareen. Neef-mareenku waa habka jidhku ugu neefsado hawada, una gudbiyo ogsijiinta unugyada. Marka uu qofku la kulmo walxo kiimiko ah ama sun ah, waxa dhici karta in nidaamka neef-mareenka iyo difaaca jidhku si xad dhaaf ah uga falceliyo, taas oo keenta xasaasiyad iyo neef-qabad.
7. Dhibaatooyin Dareemayaal, Qaar ka mid ah kayd-raajiyeyaasha kiimikada ah waxa ay saameyn karaan nidaamka neerfeyaasha, taas oo keeni karta daal, xusuus daciifta, madax-xanuun iyo niyad-jab iyo isku-buuq.
Sidaas darteed, waa in la kordhiyaa wacyigelinta bulshada,si loo dhiso bulsho caafimaad qabta oo firfircoon , ka caagan wixii dhibaato ku keenaya, wax soo saarkeeda adeegata.
Talooyinka Badbaado waxa ha mid ah bulshooy:
• Ha iibsan caano aan la hubin
halka lagu farsameeyey.
• Ka dooro caanaha cusub ee dalka,
halkii aad ka dooran lahayd kuwa
lagu daray waxyaabo aan la
oggolayn ee kayd-raajiyeyaal.
• Haddii caanaha ay leeyihiin
dhadhan ama ur aan dabiici ahayn,
waa calaamad muujinaysa in lagu
daray walxo qish ah.
• Cun cuntooyin cusub oo dabiici ah,
halkii aad ka isticmaali lahayd kuwa
la farsameeyay, caafimaadka u
daran
• Akhri calaamadaha (labels) cuntada
iyo caanaha, si aad u ogaato waxa
lagu daray xaddiga ay leeyihiin.
• Ka fogow cabitaanada macmalka ah
iyo cuntooyinka leh midabyo iyo
dhadhan lagu samays ah.
• si aad u disho kulli ama in badan
kayd-raajiyeyaasha caanaha iyo
cabitaanada aad dab ugu kar-Kari.
• Wacyigeli dadka kale ee bulshada, si
ay u fahmaan khataraha kayd-
raajiyeyaasha (preservatives) loo
adeegsado caanaha, cuntada iyo
cabitaankaba.
Bulshadu su’aal keliya hays weydiiso, maxaa beryahan innagu soo badiyey cudurrada kala ah, kelyo fadhiista, beer xanuunka, faalijka, kansarka, macaanka, dhiig-cadaadiska sare/hoose iyo beloo dhan ???????…
Bulshooy jawaabta soo sheega ?.

F. G: Waa xaqiiqo in haddii baadhis cilmiyeed (shaybaadh) oo sax ah lagu sameeyo noocyada kayd-raajiyeyaasha kala duwan ee caanaha ku jira lagu iibiyo suuqyada maanta, aan anigu maalmo gudahood ku soo bandhigi karo kayd-raajiyeyaasha (preservatives) gaarka ah ee lagu soo daray nooc kasta uu yahayba iyo heerka ay khatar ugu yihiin caafimaadka bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, tani ma aha arrin lagu beegsanayo ganacsade ama koox gaar ah, balse waa dadaal lagu ilaalinayo caafimaadka dadkeena iyo karaamadii Eebbe ku mannaystay bani’aadamka, waxyaabaha lagu baadhayo-na laababka Dugsiyada sare ayaa laga helayaa oo meel dheer laga dooni maayo, inta badan.
Allaah Mahad Leh,
Prof. M. J. Robleh
Chemist.
The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.


