X

Cabbitaanka Sigaarku Waxa uu Sameeyaa Caafimaadka Maskaxda

Araweelo News Network

Cilmi-baadhayaal ku takhasusay maskaxda bani’aadamka, ayaa sheegay in cabbitaanka sigaarku saamayn ku leeyahay caafimaadka maskaxda. Waxa ay arrintan ku sababeeyeen in sigaarku ka kooban yahay 4,000 (afar kun) walxood oo kiimikaad, kuwaasoo dhaawac u geysta maskaxda.
Khubaradu waxay si gaar ah u sheegeen in dadka da’da dhexe ku jira ee cabba sigaarka muddo toban sanno ah ay laba amma saddex laab uga dhimasho badan yihiin xannuunada maskaxda dadka kale ee aan waligood cabbin, inkastoo qofka Alle qoray goorta uu dhimanayo, haddana cabbista sigaarku waxay keentaa caafimaad-darro intaas le’eg.
Waxa dhakhaatiirta caalamku isku raaceen in cabbitaanka tubaakadu sababto cudurka kansarka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kansarka wadnaha iyo sambabada ku dhaca, halka sidoo kale ay sababto in raggu biyahooda taranku yaraado, af xannuun iyo in ilmaha caloosha ku jiraa soo dhaco.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO (World Health Organization), ayaa sheegtay in cabbitaanka sigaarku ay tahay shayga koowaad ee keena dhimashada adduunka ugu badan.
Sidoo kale, xog-xisaabeed Maraykanku soo saaray waxay muujisay in dhimashada ka dhalata cabbista sigaarku ka badan tahay inta qof ee u dhimata sannadii HIV, daroogooyinka, khamriga, shilalka gaadhi amma dadka is dila.
Khubaradan waxay sheegeen in 4,000 kiimiko ee tubaakada ku jirta ay 50 ka mid ah yihiin sun la yaqaan sida Carbon Monoxide oo qiiqa gaadhiga, Butane oo laga helo dareeraha la gubo, Arsenic, Ammonia iyo Methanol oo inta badan shidaalka laga helo, halka sidoo kale qaybo ka mid ah sigaarka ay ku jiraan sunta loogu talogalay in cayayaanka lagula dagaalamo iyo waraaqaha lagu isticmaalo suuliga.
Waxa ay caddeeyeen dhakhaatiirtu in cabbitaanka muddada dheer ee sigaarku dhaawaco maskaxda, qofkana ku keento in xusuusta iyo fahamkuba ku yaraado.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post