Washington(ANN)Cilmi-badhayaal cusub oo u dhashay dalka Maraykanka oo ka tirsan mac-had caafimaadka ee la yidhaa UNC School of Meduicine, ayaa sheegay in caanaha naaska hooyadu faa’iido weyn oo caafimaad u leeyihiin caloosha ubadka yaryar, gaar ahaan mishiinka ridqa cuntada, aadna u wanaajiyaan shaqada hab-dhiska dheef-shiidka ilmaha.
Daraasaddan oo la soo saaray shalay, waxa lagu sheegay in cuntada ilmaha yar la siiyo bilaha ugu horreeya ay saamayn ku yeelato calooshiisa, isla markaana difaac u noqdaan caanaha hooyadu.
“Waxa aannu ogaannay in ubadku la siiyo amma la nuujiyo caanaha hooyadu leeyihiin waxyaabo yaryar oo calooshooda ku jira, kuwaasoo u muuqda in ay calooshoodu diyaar u noqoto inay cuntada culus qaadato, balse haddaan naaska la siin ilmuhu muddo dheer diyaar uma noqon karo cunista cuntada,” ayuu yidhi Andrea Azcarate-Peril oo daraasadan laf ahaantiisu qoray.
Khabiirkan waxa uu intaa ku daray in xilliga kala guurka ee ilmuhu cuntada u baahan yahay ay fiican tahay in naas loogu darro, haddii aan la siinna uu xannuunsado oo calooshu xannuunto inta badan.
Cilmi-baadhistani waxay kor u sii qaadaysaa ololayaashii loogu jiray in waxyaabaha yaryar ee la yidhaa microbiome ka qaybqataan in hab-dhiska dheef-shiidka cuntadu wanaagsanaado, calooshuna la dagaallanto walxaha dibadda kaga imanaya ee ku keena dhibaatada.
Daraasadan ayaa caawinaysa hay’adda Qarammada Midoobay Caafimaadka u qaabilsan ee WHO, kuwaasoo hooyooyinka ku wacyigeliyey in ubadka naaska la nuujiyo inta ay lixda bilood ee ugu horreeya ku jiraan.
Cilmi-badhayaashu waxay soo ururiyeen saxarada carruur yaryar, iyagoo macluumaad cuntadooda ku saabsan ka soo qaaday waalidka, siiba ubad jira 2 toddobaad ilaa 14 bilood, waxaanay xaqiiqsadeen in ubadka naaska la nuujiyey ka dheef-shiid wanaagsan yihiin kuwa aan naaska la nuujin.
Khubaradu waxay ogaadeen 20 bakteeriya oo kala duwan, gaar ahaan nooca falalka dheef-shiiidka dedejisa oo ku jira ubadka naaska la siiyo, marka ay barbar dhigeen ubadka aan la naas-nuujin ee cuntada adag lagu bilaabo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com