X

Cilmi-baadhis: Dawo loo Helay Bidaarta oo la Tijaabiyey

Araweelo News Network


Bidaarta amma timaha madaxa ragga oo ka daata, waqtiyadii u dambeeyeyna ahayd wax aan xal loo hayn, ayaa daraasad cusub oo la sameeyey dhawaan lagu soo bandhigay xal ay arrintaas u heleen khubaro kala duwan oo cilmi-baadhayaal ah.
Cilmi-baadhistan oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay ee ay sameeyeen khubaro ka kala socday jaamacadaha Yale University iyo Stanford University ee dalka Ingiriiska, ayaa lagu tijaabiyey 67 rag ah oo bidaar leh, kuwaasoo la siiyey kiniin la yidhaa Saljans (Xeljanz) si loo eego bal inuu timaha soo saaro, waxana daraasaddan ka soo baxday in tiro ka badan kala badh dadka lagu tijaabiyey ay timo u soo baxeen, halka 30% kale oo ka mid ahna timo 50% ka badan u soo baxeen.
Sidoo kale, cilmi-baadhis kaloo tan ka duwan ayaa lagu tijaabiyey 12 qof oo bidaar leh, kuwaas oo 50% ay u soo noqdeen timahii ka daatay markii la siiyey dawo la mid ah tan hore oo la yidhaa Jakafi, taasoo inta badan loo isticmaalo dawaynta kansarka.
Inkastoo cilmi-baadhayaashu sheegeen in arrintan war farxad leh u tahay ragga bidaarta leh, haddana waxay xuseen in aan dawadan ahayn mucjiso, una baahan tahay baadhitaanno dheeraada, waxayna dadka uga digeen in si degdeg ah la isugu tijaabiyo dawooyinka ilaa inta khubaro caafimaad ka gaadhaayaan go’aan kama dambays ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post