Araweelo News Network
kobcintagaraadka
Ilmaha yar ee hooyadii si dhammaystiran u siiso caanaha naaska ilaa muddo laba sanno ah, waxa uu noqdaa mid xooggan, garaad kobocsan, xasuus fiican, socodkoodu dheereeyo, isla markaana xagga waxbarashada dhibco sare ka keena amma ku wanaagsan.
Sida ay iftiimisay daraasad cusub oo la soo saaray dhawaan, ubadka la siiyo caanaha qasacadaha ku jira amma daasaduhu waxa hoos u dhaca heerka aqoontooda, gaar ahaan dhinaca xisaabta, iyadoo sidoo kale ay dhinaca xasuusta, garaadka ay ka hooseeyaan carruurta loo dhammaystiro naas-nuujinta.
Kubarada daraasaddan diyaariyey, ayaa isbarbar dhig ku sameeyey ubad naas-nuujinta loo dhammaystiray iyo qaar la siiyey caanaha qasacadaha, iyadoo natiijada soo baxdayna noqotay mid aad u kala duwan.
Sidoo kale, waxa daraasaddu sheegtay in ubadka qasacadaha la siiyaa ay aad u yar tahay qaybta maskaxda ee la yidhaa Grey Matter oo masuulka ka ah in farriimaha iyo signaliska gaadhsiiyo qaybaha kale ee maskaxda.
Cilmi-baadhistu waxa ay kula talisay hooyooyinka in ay ubadkooda ugu yaraan muddo lix bilood ah siiyaan caanaha naaska amma ugu badnaan ilaa muddo laba sanno ah si ay ubadkooda uga difaacaan xannuunada caabuqa keena iyo waliba elarjiga (allergies).
Daraasada oo lagu daabacay jariirada caafimaadka carruurta ka waranta ee Journal of Pediatrics oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa khubarada samaysay oo u dhashay dalka Ingiriisku ay sheegeen in caanaha hooyadu yihiin qaar dhinaca xannaanaynta iyo korinta ugu fulan carruurta yaryar.
“Macluumaadkayagu waxa uu taageerayaa soo jeedimihii ahaa in hooyadu ilmaheeda naas-nuujiso si uu u caafimaad qabo. Hooyada oo kaliya muhiim uma ah naas-nuujintu, balse waxay muhiim u tahay dhakhaatiirta, qoysaska iyo asxaabtaba, gaar ahaan waa in la soo saaro hab caanaha hooyadu ilmaheeda ugu lisayso oo loo siin karo marka ay hawl ku maqan tahay,” ayuu yidhi Dr. Mandy Brown oo ka mid ah khubarada diyaariyey daraasaddan.
Dhinaca kale, diinta islaamka gaar ahaan kitaabka qur’aanka kariimka oo ah qawlkii Alle, ayaa la innoogu sheegay in hooyooyinku ay carruurta caanaha naaska u wadaan laba sanno, taasoo muujinaysa sida diinta Islaamku u iftiimisay muhiimadaha iyo faa’iidooyinka caanaha naasku u leeyihiin ubadka.