X

Cilmi-baadhis: Sida Hurdo La’aantu u Beddesho Dabeecadda iyo Shaqsiyadda Qofka

Araweelo News Network

Sannadkii 1959 nin la odhan jiray Peter Tripp oo caan ka ahaa magaalada New York, garaaci jirayna muusiga (DJ), ayaa ballanqaaday inuu soo jeedayo 200 saacadood oo xidhiidh ah, muddadaasna barnaamijyada uu raadyawyada ka qabto sii wadayo si uu ugu caawiyo dad tabaalaysan.
Arrintan waxay soo jeedatay malaayiin qof oo dhegaytayaashiisa iyo saynisyahanno ah, waxana baadhitaan lagu samaynayey la ogaaday in maskaxda Tripp hoos-u-dhac weyn ku yimi.
Waxa ninkan muusigiista ah lagu yaqaannay qof farxad badan, waqtiyada adagna u dulqaad badan, balse markii uu hurdo la’aa saddex maalmood oo kaliya waxa uu noqday mid dulqaad yar, cay badan oo xataa asaxaabtiisa ugu dhaw ku aflagaado batay.
Dhammaadka saacadihii uu ballanqaaday inuu soo jeedayo waxa uu galay xaalado badan oo ismoodsiis ah amma wax aan jirin maskaxdiisu iska dhaadhicisay.
Dhakhaatiirtii baadhitaanka ku waday oo siinayey waxyaabaha soo jeedinayey, ayaa sheegay inuu dhibaato badan maray, aakhirkiina seexday markii ay 201 saacadood oo uu soo jeeday dhammaadeen.
Shaybaadho casriya oo lagu darsay dabeecado la mid ah kuwii lagu arkay muusigiiste Tripp, waxa lagu ogaaday in hurdo la’aanta amma qofka oo hurdada muddo dheer loo diida ay sababto in dabeecaddu ka xumaado, isla markaana la yimaad murugo, cadho iyo isku-buuq badan.
Dhakhaatiirta qaar ayaa ku dooday in hurdo la’aantaas keentay in qofka caaddifadiisu badato, mararna ay dadka isku maandhafaan wax aan badnayn amma dhib ku jirin.
Waxa kaloo dhacdo dhakhaatiirtu baadhitaan ku sameeyeen ka dhacday magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka, kadib markii mulkiile leh mid ka mid ah baabararka lagu ciyaaro khamaarka uu go’aansaday go’aan khatar badan oo ah inuu sannado badan joogo meel laydh leh, buuqa, daaqadana aan lahayn.
Waxa khubarada cilmi-baadhistan sameeyey ogaadeen haddii qofku aannu hal habeen oo qudha seexan inay keento inuu noqdo mid aan go’aan-qaadasho lahayn, kuna kalsoonaan hawl-qabadkiisa maalintaas.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post