Ebola Shouth Sudan

Khartoum(ANN)Cudurka Dilaaga ah ee Ebola ayaa lagu arkay Dalka Bariga Afrika ee Koonfurta Soodaan ee Jubba, waxaana heegan la geliyay Dalka Suudaan ee ay kala go’een, iyadoo Laamaha ka shaqeeya dhinaca Caafimaadka heegan sare la geliyay. kadib markii la helay warbixin sheegay in daraasiin dad ah ay u geeriyoodeen Cudurkaa dhinaca Dalka Jubba ee ay deriska yihiin.

Maamulayaasha Caafimaadka Dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah oo ay uga hortagayaan in Cudurkaas halista ah si aanu Dalka ugu faafin, waxaana gebi ahaanba la joojiyay in gobollada kuyaalla dhinaca waqooyiga ay soo galaan dadka ka imaanaya Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Wararkan ayaa soo baxay, kadib markii Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO, ay sheegtay in Koonfurta Suudaan laga helay 19 ruux oo qaba Viruska halista ah ee dhaliya Cudurka Ebola, waxaana la xaqiiiyay in 5 ruux oo dadkaas ka mid ahaa ay u dhinteen Cudurka maalmihii lasoo dhaafay.

Gobollada ku yaalla Xuduuddaha iyo Garoomada diyaaraddaha ee Soodaan, ayaa si aad ah loo adkeeyay baadhitaannada Caafimaad ee laga sameynayo, Saraakiisha Caafimaadku waxay sheegayaan in goobahaa la geeyay talaal deg deg ah, kaas oo ay ugu yaraan difaac u noqon ka hortagga Cudurkaas halista ah oo galaaftay nolosha kumanaan qof oo u dhashay wadamo dhowr ah oo kuyaalla dhinaca galbeed ee Qaaradda Afrika.

Maamulaha Waaxda duulimaadka Rayidka ee dalka Suudaan Axmed Baajuuri, ayaa sheegay inay kulamo saacado badan qaatay la yeeshay shaqaalaha ka shaqeeya duulimaadka rayidka iyo hey’addaha Dowladda u qaabilsan dhinaca Caafimaadka, kulamadaa oo sida uu sheegay ahaa kuwo lagaga arrisanayay ka hortagidda Cudurka Ebola, ayaa laga soo saaray go’aanno ay ka mid yihiin in dadka qaba Cudurkaas ee kasoo jeeda wadamada kuyaalla galbeedka Qaaradda Afrika inaan loo ogolaan inay dalka Suudaan kasoo dagaan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Suudaan ayaa farriimo u kala dirtay Wasaaradaha dhiggeeda ah ee dunida iyo Hay’addaha Caalamiga ah ee ay la leedahay xidhiidhka, waxaana arrimaha ay kala hadashay ka mid ah go’aan ay Xukuumadda Khartuum gaadhay oo ah in talaalka ka hortagga u ah Cudurka la mariyo Shaqaalaha iyo rakaabka la socda diyaaradaha duulimaadka ee kasoo dagaya, ama ka duulaya Garoonka magaalada Caasimadda ah ee Khartuum.

Wasiirka Caafimaadka ee Suudaan Baxar Idriis Abuu Qarda, ayaa xusay in illaa iyo hadda aanay heynin wax xaalado ah oo tilmaamaya in dad qaba Cudurkaas ay ku suganyihiin gudaha dalka, balse wuxuu sheegay inay wadaan dadaallo ay ka hortag ah oo ay ku wajahayaan khatar walba oo la filan karo.

Cudurka halista ah ee Ebola ayaa loo aqoonsaday kan ugu faafitaanka badan dunida, iyadoo hadda uu faro kulul ku hayo dalal badan oo kuyaalla galbeedka Qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin Gini, Leybeeriya, Neyjeeriya, Siiraalyoon iyo Koonfurta Suudaan oo hore loogu arkay bishii August 2014, balse warkaa ayaa ahaa mid xaqiiqdiisa ayqariyeen xaaladda dagaalada iyo Collaaddaha ka jira Shouth Sudan.

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee la sameeyay waxay sheegayaan in 17 kun oo ruux oo ku nool galbeedka Qaaradda Afrika inay qaadeen Viruska dhaliya Cudurka ayaa haddana tirakoobyada ay dowladuhu sameeyeen waxay tilmaamayaan in Lix kun oo ruux oo dadkaas ka mid ah inay u dhinteen, taas oo ka dhigan in 60-70% dadka Viruska qaaday inay naftooda waayeen, laakiin khubarrada Caafimaadka ayaa aaminsan in tirada dhimashadu ay intaas aad ugu badan tahay, wuuxuna Cudurkan ka sokow nolosha dadka uu galaaftay saamayn weyn ku yeeshay Dhaqaalaha wadamadaa iyo sidoo kale Caafimaadka, Waxbarashada, Ganacsiga iyo is dhexgalka dalalkaa.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com