Araweelo News Network

gabdhayareelaqaniinayBoorama(ANN) Gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay 9 jir, ayaa xaalad xun ku sugan, kadib markii ay labada lugood ku wayday mas suntiisu halis tahay oo ku qaniinay degaanka Baki ee Gobolka Awdal dhowaan, haatanna hayo Cusbitaalka Guud ee magaalada Boorama.
Abbaaha dhalay inanta yar oo la yidhaa Yoonis Raage Waaberi Bullaale oo Jamhuuriya kula xidhiidhay khadka telefoonka shalay, ayaa ka xog-waramay xaaladda gabadhiisa qaniinyada maska u curyaantay oo magaceedu yahay Kaltuun.
“Inantayda waxa masku qaniinay muddo hadda laga joogo bil iyo dheeraad, waxaannu ka qaniinay labada lugood, kadibna waxaannu keennay Cusbitaalka Guud ee Boorama, balse nasiib-darro waxa dhacday in suntii masku ku faaftay labada lugoodba, dabadeedna waxa dhakhaatiirtu ku taliyeen in labada lugood la gooyo si aanay suntu ugu sii faafin jidhka intiisa kale, waxayna sheegeen in suntaasi sababtay xannuunka la yidhaa Gaangarida,” ayuu yidhi aabbo Yoonis Raage.
Waxa kaloo uu sheegay inay yihiin qoys danyar ah oo deggan baadiyaha degmada Baki ee Gobolka Awdal oo ah halka masku ku cunay inantiisa Kaltuun, sidaa awgeed waxa uu dawladda, ganacsatada iyo guud ahaan dadweynaha reer Somaliland ka codsaday in dar Ilaahay gargaar loogu fidiyo si wax looga qabto xaaladda caafimaad ee gabadhiisa yar ee qaniinyada maska u curyaantay.
“Waxa aannu nahay reer danyar ah, magaalada Boorama-na cid kama garanayo, waxayna dhakhaatiirtu noo sheegeen in aanay xaaladda inanta yar waxba ka qaban karin, sidaa darteedna looga gooyey labada lugood. Inantaydu way dhibaataysan tahay hadda, cid kasta oo gacan ka gaysanaysa taageeradeeda caafimaad waannu soo dhawaynaynaa, iyadoo la ilaga soo xidhiidho karo telefoonka 0634518589 amma la iigu soo hagaagayo Cusbitaalka Guud ee Boorama oo aan ku hayo inanta yar, waxaanan si gaar ah farriin ugu dirayaa dawladda Somaliland iyo dadweynaha muslimiinta ah,” ayuu yidhi aabbo Yoonis Raage Waaberi.