Daraasad lagu sameeyay 23 dal oo aduunka ah dadka ku dhaqan, ayaa daaha ka feyday oo  lagu oggaaday heerka Cuntada iyo Hurdada ee ay ku kala duwan yihiin, taas oo muujisay macluumaad la yaab leh oo laga hadlayo arrimaha caafimaadka, iyadoo muhiimadda la saarayo habka dadku u seexdaan iyo cuntada ay qataan faa’iidada ku duugan, jimicsigooda iyo faytamiinnada ay isticmaalaan, waxaana xog-ururin uu sameeyey ururka Cilmi-baadhista Suuqyada ee GFK oo xog ka qaaday 28,000 qof oo 23 dal adduunka ku kala nool ku ogaadeen siday u kala caafimaad badan yihiin bani’aadamka caalamka ku dhaqan iyo sababaha arrintaas keenay.
Dadka adduunka marka laga hadlayo sida daraasaddu iftiimisay 66% ka mid ah waxay helaan hurdo ku filan, halka 59% cunaan cunto fayo qabta, iyadoo 57% ay jimicsi si joogto ah u sameeyaan.
Dalalka Indonsia iyo Hindia waxay cilmi-baadhistan u aqoonsatay in ay yihiin waddamada dadkoodu ugu nasashada badan yahay, iyagoo 85% iyo 77% helaan hurdo ku filan, halka Poland iyo Ruushku yihiin kuwa ugu hurdada yar yihiin dadkoodu, waayo 51% ilaa 52% ayey dadkoodu nasasho helaan si ay caafimaadkooda u daryeelaan.
Sidoo kale, waxa warbixinta lagu xusay in 29% keliya dadka Japan helaan cunto caafimaad leh amma fayo qabta, halka 79% reer Hindiya cuntadoodu fayo qabto.
Dalalka Mexico iyo China waa kuwa dadkoodu ugu jimicsiga badan yihiin, sababtoo ah 68% iyo 67% ayey jimicsadaan, halka Japan iyo Ruushku dadkooda ku yar yihiin jimicsiga (39% iyo 40% ayey jimicsadaan).
Xogta ururka GfK qaaday waxa lagu waraystay dadka da’doodu tahay 15 amma ka weyn ee 23 kan dal, waxaanay dalalkan kala yihiin Argentina, Australia, Belgium, Brazil, Canada, China, France, Germany, Hindiya, Indonesia, Italy, Japan, Mexico, Poland, Ruushka, Koonfur Afrika, Koonfurta Kuuriya, Spain, Sweeden, Turkey, UK, Ukraine iyo Maraykanka.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com