Taaha amma oohinka uu sameeyo marka qofku dhaawac soo gaadho amma uu bukoodo, ayaa la ogaaday inuu hoos-u-dhigo xannuunka, maskaxdana ka hor istaago in ay tagaan farriimaha sheegaaya in qofkaas damqanaayo sida ay ay iftiimisay cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda Singapore.
Cilmi-badhayaal hore waxay soo jeediyeen in taaha amma qaylada kala duwan ee bani’aadamku sameeyaan marka ay khatar ku jiraan amma bukaan ay ka qaboojiso xannuunka haya.
Daraasadan cusub waxay tilmatay in dadka bukaanka ah aan laga joojin taaha, loona daayo si ay iskaga maaweeliyaan xannuunka haya, isla markaana aanay maskaxdu u dareemin in qofku damqanaayo.
Khubaradan oo daraasadooda lagu daabacay jariirada la yidhaa Pain waxay sheegeen in taahu luuqada bani’aadamku ku kala hadlo ku kala duwan yihiin, tusaale ahaan dadka Ingiriiska ku hadlaa waxay yidhaahdaan “OW’ amma Aouch”, halka Koonfur Afrika ay ku cabadaan “Eina”, Talyaanigana “Ahia, Shiinuhuna Aiyo, Soomaaliduna “Ah..ah”.
Cilmi-badhayaasha oo ka socday Waaxda Cilmi-nafsigga iyo barashada Neerfisiyada ee Jaamacadda Qaranka Singapore, ayaa sheegay in codadkan ay dadka ka yareeyaan baaxada xannuunka amma garaaca haya waqtiga ay dhaawacmaan amma bukoodaan.
Dadka lagu tijaabiye oo 56 qof ahaa, ayaa loo ogolaaday in ay tahaan amma sameyaa codka “ow”, gaar ahaan marka ay dareemaan xannuun, waxaana ka soo baxday in dadkaas ay xannuunkii ka yaraado marka ay taaha amma qaylada sameeyaan.
“Waxaannu ogaanay in dadku xannuunka dulqaad u yeeshaan marka ay sameeyaan codka taaha, waxaanannu helnay in codka “Ow” marka ay dadkii daraasada laga qaaday sameeyeen xannuunkii hayey dulqaad u yeesheen,” ayaa lagu yidhi daraasada.
Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com