Khubaro caafimaad oo dhawaan sammeeyey cilmi-baadhis qoto-dheer, ayaa sheegay in dadka xaaska leh amma qofka guursada uu ka badbaado inay asiibaan, ama ay ku dhacaan xannuunnada Kansarka iyo wadna-xannuunka, haddii Ilaahay (SWT) sidaa qaddaro.


Baadhitaan caafimaad oo ay ku sameeyeen xogta 60,000 (lixdan kun) oo bukaan muddo toban sanno ah, ayey khubaradan ku ogaadeen qofka aan guursan amma doob/gashaantida ah ay inta badan u dhintaan xannuunka kansarka.


Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in Bukaanka cudurka kansarka qaba ee lammaanaha leh uu inta badan ka badbaado, maxaa yeelay inta badan qoyskiisu waxa ay kula tacaalaan in dhakhtar loola cararo oo la geeyo goobaha daawada si uu kaalmo u helo.

Warbixinta oo dhamaystiran halkan ka akhri: