X

Daraasado Iftiimiyay In Ragga Telefoonnada Ku Hadla Muddo Ay Maldhalays Noqdaan

Araweelo News Network

Telefoonnada gacanta amma moobiladu waxa ay noqdeen waxyaabaha hadda dadku aad ugu wada xidhiidhaan ee ay ku wadahadlaan. Waxa loo isticmaalaa in waqtiga laga eegto, toosh laga dhigto amma wax lagu iftiinsado, lagu maararoobo (Video game), taariikhda laga eegto.
Haddaba, sida ay sheegtay xarunta Cilmi-baadhista ee magaceedu yahay Pew Research Center oo cilmi-baadhis ay samaysay sannadkii 2015 ku oggaatay in 46% dadka telefoonnada casriga ah (smartphones) isticmaala ay sheegeen in aanay la’aantood noolaan karin.
Telefooonnada gacantu waxa ay sii daayaan shucaac (radiation) loo yaqaan hirar idaacadeed (Radio Waves), kaasoo maqaarka jidhku nuugo, gaar ahaan halka telefoonku u dhawaado.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, oo soo xigganaysa cilmi-baadhis uu sameeyey Mac-hadka kansarka baadha ee National Cancer Institute waxa ay ku sheegtay in aan laga dayrin karin saamaynta moobiladu caafimaadka ku leeyihiin, laakiin daraasado cusub oo dhawaan la soo saaray in shucaaca moobiladu sii daayaan ay keeni karaan in maskaxda xannuuno soo wajahaan dadka.
Dhinaca kale, Mac-had ku yaal dalka Israa’iil oo ka shaqeeya arrimaha tignoolojiga ah iyo xarun caaifmaad magaceedu yahay Carmel Medical Center, ayaa sheegay in ay heleen in ragga telefoonka ku hadla wax ka badan saacad xidhiidh ah ay madhalays noqdaan.
Sidoo kale, cilmi-baadhis lagu daabacay jariirada Jerusalem Post, ayaa sheegtay in ragga ay u fiican tahay in ay iska fogeeyaan telefoonnada waqtiyada ay seexanayaan amma in ay ku hadlaan muddo dheer oo xidhiidh ah ay iska ilaaliyaan.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post