Darasada hurdada
Tel Aviv(ANN)Baadhitaan cusub oo la sameeyey, ayaa bedka soo dhigay caaddooyinka hurdo ee qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha iyo shakhsiyaadka dunida ugu awoodda badan, gaar ahaan inta saacadood ee ay seexdaan habeenkii si ay shaqooyinkooda u gutaan marka ay soo kacaan.
Haweenayda u talisa dalka Jarmalka ee Margaret Thatchers, ayaa ka mid ah shakhsiyaadka ugu hurdada yar hoggaamiyeyaasha adduunka, sababtoo ah waxa ay la mid tahay Ra’iisal-wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair, waxaanay labadooduba seexdaan habeenkii 4 saacadood oo qudha.
Khabiirka lagu magacaabo Nikola Tesla oo ah shakhsiga lagu tuhmo inuu hindisay korontada waxa la ogaaday inuu seexan jiray laba saacadood oo kaliya, halka Ra’iisal-wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi uu seexdo inta u dhexaysa laba saacadood ilaa afar saacadood habeenkii, balse Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama wuxuu hurdaa 6 saacadood oo xidhiidh ah habeen kasta.
Baadhitaankan cusub ee lagu sameeyey xagga hurdada shakhsiyaadka dunida ugu caansan waxa ay bedka soo dhigtay caaddooyinka hurdo ee dadka ugu guulaha badan dunida, qaar badan oo ka mid ahna waxay isku qabtaan indhaha uun oo maba seexdaan.
Aasaasaha shirkadda Microsoft ee Mr. Bill Gates waxa uu seexdaa celcelis ahaan 7 saacadood, halka ninka bilyaneerka ah ee Donald Trump uu hurdo saddex ilaa afar saac habeenkii.
Hay’adda National Sleep, ayaa sheegtay in lix ilaa sagaal saacadood oo la seexdo habeenkii muddo 18 ilaa 64 saacadood ah ay tahay arrin muujisa in qofkaas caafimaadkiisu fiican yahay.
Madaxweyne Obama waa hoggaamiyeyaasha tusaalaha loo soo qaatay ee ah dadka inta badan seexda habeenkii saacado xidhiidh ah oo lix ilaa sagaal ah, wuxuunna macluumadkan la diyaariyey muujiyey in dadka hurdada badan seexda ay yihiin qaar wax-soo-saarkoodu fiican yahay, maadaama caafimaadkoodu taam yahay ama dhammaystiran yahay.
“Waxaad inta badan akhridaa, isla markaana maqasha shakhsiyaad guulaystay taariihdooda, gaar ahaan ganacsatada, siyaasiyiinta iyo wixii la hal maala, haddana waxa muhiim ah in aad ogaato inta waqti ee ay nastaan. Waxa aannu doonaynay in aanu is barbardhigto dadkan iyo dadka kale ee ka shaqeeya siyaasadda iyo ganacsiga,” ayuu yidhi Measure Blind oo daraasadan qayb ka ahaa.
Cilmi-baadhistan oo laga helay xog-ururin ay samaysay xarunta lagu magacaabo YouGov oo ay 1,401 (kun afar boqol iyo hal) qof oo shaqaale ay ay wax ka waydiisay caadadooda hurdo, waxaana la ogaaday in dadku inta badan aanay jeclayn in hurdadooda laga kala dhexgalo.
Dadka sida gaarka ah ay u eegeen waxa ka mid ahaa nin la odhan jiray Richard Buckminister oo lahaa shirkad xagga dhismaha nashqadayntooda ku caan ahayd, kaasoo geeriyooday sannadkii 1983, waxaana la ogaaday inuu 30 daqiiqo seexan jiray 6 saacadood ee kastaba.
Waxa kaloo la ogaaday in ra’iisal-wasaarihii hore ee Ingiriiska ee la odhan jiray Winston Churchill uu seexan jiray habeenkasta afar saac, halka uu maalintiina 90 daqiiqo seexan jiray.
Sidaa darteed, daraasad sannadkii hore la soo bandhigay waxay sheegtay in hurdadu jidhka u wanaagsan tahay, halka cilmi-baadhis Jaamacadda Tel Aviv soo saartayna lagu ogaaday in hurdada lagu nasto waqtiyada shaqada ay la mid tahay afar saacadood oo qofku hurday.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews