Araweelo News Network


Kampala(ANN)-Dalka Uganda ee bariga qaaradda Afrika, ayaa laga bilaabay saddex maalmood oo olole caafimaad ah, kadib markii Barlamaanka Uganda ka war helay in xubnaha Golayaasha Sharci-dejinta iyo Wasiirradu ay 90% ka mid ah miisaankoodu xad-dhaaf yahay, halka kuwo kalena xaalad buurni xad-dhaaf (Morbid Obesity) ay ku jiraan, taasoo keeni karta xannuunada sababa geerida degdega ah.
Dad tiradoodu dhan tahay 320 xubnood oo ka kala tirsan Golayaasha Wasiirrada, Barlamaanka iyo shaqaalaha Barlamaanka, ayaa laga baadhay xannuunnada aan faafin toddobaadkii ina soo dhaafay ee taariikhdu ahayd 4 April 2017.
Mid ka mid ah Xubnaha Barlamaanka oo Salaasadii hore baadhitaanka ku jiray ayaa miisaankiisu noqday 145 kg (Body Mass Index (BMI), taasoo ka dhigaysa inuu xaalad buurni xad-dhaaf ah ku jiro, sida uu sheegay Dr. Fredrick Nakwagala oo ka mid ah Saraakiisha Cusbitaalka Mulago oo arrintan baadhitaankeeda loo xilsaaray.
“Waxaan rajaynayaa qofka rikoodhka jebiyey inuu miisaankiisu ahaa 145 kg baadhitaankii Salaasada la sameeyey, bal qiyaas waa qof gaaban, taasina waxay ka dhigaysaa in qofkan mar uun uu arrintaas u dhiman karo,” ayuu yidhi Dr. Fredrick.
Natiijada hordhaca ah ee soo baxday waxa ay sheegtay in xubnaha Wasiirrada iyo xildhibaannada ah looga baahan yahay in ay beddelaan cuntadooda iyo hab nololeedkooda, sababtoo ah waxay khatar ugu jiraan xannuunada buurnida laga qaado.
Dhakhaatiirta baadhitaanka wadday waxa ay sheegeen in buurnida degdega ah siyaasiyiinta ay sababto cunista cuntooyinka ay ka mid yihiin digaaga, baradhada shiilan iyo waxyaabo nafaqo badan leh.
“Saddexda maalmood ee aan Barlamaanka ku sugnaa, waxa aan indho-indhaynayey goobta cuntada laga cuno oo cunto fiican aanay oolin, waxa kaloo aan arkay khamri goobta yaalay oo khatar caafimaad oo halisa keeni kara,” ayuu yidhi Dr. Nakwagala.
Waxa kale oo xubnaha caafimaadku sheegeen in xubnaha sharci-dejintu ay u baahan yihiin in ay jimicsi badan sameeyaan, isla markaana ay si joogto ah u maraan baadhitaanno caafimaad, cuntooyinka ay cunayaana ay dheeli tiraan oo ay caadaystaan khudrada iyo cuntada firilayda ah, hoosna u dhigaan waxyaabaha booratiinku ku badan yahay ee beerka waxyeeli kara.
Guddoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Uganda Mr. Jacob Oulanyah, ayaa ka codsaday xubnaha golaha kula jira in aanay naftooda haligin, iskana ilaaliyaan wax kasta oo caafimaad darro ku ridi kara, qaataana tallooyinka caafimaad ee loo soo jeediyey.
Sidoo kale, natiijada waxa ka soo baxday xubno ka mid ah shaqaalaha Barlamaanka oo da’doodu 30 jir ka yar tahay oo 100 kg kor u dhaafay miisaankoodu.
Qofku inuu miisaankiisu aad u xoogganaado waxa dunidu hadda ku tirisay mid ka mid ah xannuunada dilaaga ah sida wadno-xannuunka, faaliga, kansarka, xannuunada hab-dhiska dheef-mareenka ku dhaca iyo macaanka sida hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO sheegtay.