Cusbitaalka casriga ah ee Muqdisho Laga FurayMuqdisho (ANN) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xadhigga ka jaray Cusbital casri ah oo laga dhisay magaalada Muqdisho.

 

Cusbitaalka oo ah mid cusub waxaa dhismihiisa maalgeliyey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana loogu magac daray Sheikh Zayid Bin Sultan Al Nahyan oo ah Amiirkii hore ee dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku ammaaney dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana xaruntan cusub ay faa’ido badan u leedahay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan mar kale mashruuc ballaaran oo ay Soomaaliya ka hirgeliyeen walaalaheena Imaaradka Carabta aan Muqdisho ka furo. Cusbitaalka casriga ah waxaa uu u addeegi doonaa shacabkeena, waxayna kaga maarmi doonaan adeegga caafimaad ee ay dibaddaha u doonaan jireen’’.

Munaasabaddaasi waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka, Mudane Mahad Cawad, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.