dhakhaatir qaliinHargeysa (ANN) Ururka Dhakhaatiirta Somaliland, ayaa sheegay inay jiraan dhakhaatiir aan xirfad iyo aqoon lahayn oo dadka bukaanka ah u qora dawooyin aan la garanayn oo halis ku ah caafimaadka bani’aadamka.
Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Cabdirashiid Xaashi oo hadal ka jeediyey tababar loo xidhay dhakhaatiir ka kala yimi gobollada dalka shalay, waxa uu ka digay halista dadka aan xirfadaha caafimaad lahayn ku yeelan karaan dhakhaatiirta aqoonta leh iyo dadweynaha loo adeego.
“Runtii waxa jirra dhibaatooyin badan oo caafimad-darro ah, markaa haddii aanay dhakhaatiirtu ka wada tashan sidii ay uga hortagi lahaayeen ee hawshaas xal laga gaadhi maayo. Waxa kale oo jira in dhakhaatiirtu qoraan dawo aan la garanayn, taasina dhib ayey dadka ku tahay, isla markaana dawo qalad ah la siinaya. Waxa kaloo jira dad aan xirfad caafimad lahayn oo ku shaqeysanaya goobaha caafimaadka, markaa haddii aan dadkaas la qaban dee way ina sameynayaan oo waxaynnu gordhow noqon dadkeennii aqoonta lahaa dhibic badweyn lagu tuuray,” ayuu yidhi Dr. Cabdirashiid.
Guddoomiye Xaashi waxa kaloo uu ka hadlay faa’iidooyinka ku jira in mar walba qofku kordhsado aqoonta, isagoo xaqiijiyey in shacabka reer Somaliland baahi weyn u qabaan caafimaadka, loogana baahan yahay dhakhaatiirka inay daryeelaan dadka bukaanka ah, kana ilaaliyaan in dadka aan xirfadaha caafimaad lahayn wax adeeg ah u sameeyaan dadka xannuunsanaya.
“Ururkan waxa loo asaasay inuu noqdo mid isku xidha dhakhaatiirta Somaliland dhinac walba oo ururku noqdo meel ay ku xidhan yihiin dhakhaatiirtu, kagana wadahadlaan danahooda iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay u hayaan dadweynaha Somaliland. Dhakhaatiirtu inta ay wax baranayaan waxay ku xidhan yihiin jamacadahooda oo masuul ka ah, laakiin markay qallin-jabiyaan waa in ay helaan meel ay ku xidhmaan oo aqoontooda kor u sii qaadda, markaa ururkan ujeeddadiisu waa in hawshaasi fusho, dhakhaatiirtuna isku xidhmaan,” ayuu yidhi Dr. Xaashi.
Xafladda xidhitaanka tababarka dhakhaatiir ka kala timi gobollada dalka Somaliland, lana baray daryeelka hooyada iyo dhallaanka, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland, sarkaal sare oo ka socday hay’adda THET, dhakhaatiir kala duwan iyo masuuliyiin kale.
Dr. Cabdirisaaq Yuusuf oo ah khabiirka bixinayey casharrada tababarka, ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in si fiican loo xidho tababarka uu muddada tobanka maalmood ah u waday dhakhaatiirta.

“Tababarka ujeeddadiisa ugu weyn waxay ahayd oo lagu baranayey sidii loo daryeeli lahaa hooyada iyo dhallaanka. Waxa kaloo aynnu ku barannay tababarkan sidii looga hortagi lahaa sagaal qodob oo keena dhimmaashada Hooyada, iyadoo ay jirto wax yar oo aan weyneyn oo ay hooyo umuleysa u baahan tahay oo haddana ay u dhimanayso, sidii arrimahaas looga hortagi lahaa.
Runtii waxan aaminsan nahay in marka dhakhaatiirtiinan aad ku noqotaan cusbitaaladii aad ka hawlgali jirteen in aanay dib u dhicin in sagaalkan qodob ee aad barateen uu dhintaan hooyooyin oo aanay hooyoyinku daryeel la’aan aanay innooga dhiman. Waxa la yidhaa haddii la helo shaqaale caafimad oo tayo leh waxay badbaadiyaan dad badan oo adeeg xumo u dhiman lahaa. Waxaad ogtihiin in Somaliland uu aad u sarreeyo dhimashada hooyada uurka leh, markaa waa in aynnu hoos u dhignaa,” ayuu yidhi Dr. Cabdirisaaq.
Agaasimaha Fulinta Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Maxamed Yuusuf, ayaa dardaaran u jeediyey dhakhaatiirta tababarku dhammaystay, isagoo u soo jeediyey in aqoontii ay barteen dib ugula noqdaan dadkooda, gaar ahaan cusbitaallada gobollada iyo degmooyinka Somaliland ee ay ka shaqaynayeen.
Waxa kaloo uu sheegay in dhimashada ugu badan hooyoyinku timaad waqtiga ay uurka leeyihiin, sidaa awgeedna loona bahan yahay in la ilaaliyo, lana daryeelo, waxaannu xusay in Somaliland ku jirto dalalka heerka dhalmadu aad u sarrayso, sidoo kalena dhimashada hooyooyinka uurka leh ugu badan yihiin.
Marwo Ayaan Cabdisamad oo ku hadlaysay afka hay’adda THET oo maalgalisay tababarkan, ayaa sheegtay in ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay tahay sidii loo yarayn lahaa dhimashada hooyada iyo dhallaanka, waxaanay u mahad-celisay Ururka Dhakhaatiirta Somaliland oo hawshaas isku soo dubba riday.
“Ujeeddada tababarkan ugu weyn ee loo qabtay waxa weeye in la idin baro sidii loo yarayn lahaa dhimashada hooyada iyo dhalaanka, waxanan rajeynayaa in aqoontii la idin baray aad dib ugula noqotaan goobihii caafimad ee aad ka timaaddeen, isla markaana isku daydaan in aad yareysaan dhimashada hooyada iyo dhallaanka,” ayey tidhi Ayaan Cabdisamad.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com