Araweelo News Network

Haweenay da’deedu tahay 37 jir ah oo ku nool dalka Uganda ee bariga Afrika, ayaa dhashay 38 carruur ah, tiradaas oo ka badan muddada sannadaha ah ee ay jirtay, iyadoo hooyadaasi gashay buugga lagu kaydiyo dhacdooyinka cajiibka ah ee Adduunka.
Sida lagu daabacay wargeyska Daily Monitor oo Jamhuuriya soo xigtay, gabadhan oo magaceedu yahay Mariam Nabatanzi Babirye, isla markaana degan tuulo u dhaw duleedka caasimadda Kampala ee waddanka Ugandha, waxa ay ilmihii u dambeeyey umushay bishii December 2016, kaasoo lagu qalay, isla markaana isagoo caafimaad qaba nool.
Gadhan oo afar iyo toban jeer umushay, waxa ay lix jeer dhashay mataano laba-laba ah, afar goorna min saddex mataano ah ayey umushay, saddex marna waxa ay dhashay maato afar-afar ah, halka ay mar qudha dhashay ilmo keliya, sidaana waxa wadarta carruurta ay umushay ku noqonaysaa 38 ubad ah, kuwaasoo toban ka mid ah ay hablo yihiin, inta kalena wiilal tahay.
Carruurta ay gabadhani dhashay waxa ugu weyn mid 23 sanno jir ah, waxaanna ugu yar mid afar bilood jira, waxayna guursatay iyadoo 12 jir ah sannadkii 1993-kii, halka ninkeedu uu da’ahaan ka weyn yahay 40 sanno.
“Annigu warba uma hayn in la i guursaday oo nin la i siiyey. Dad ayuun baa gurigayaga yimmi oo wax siiyey aabbahay, markii ay hawshoodii dhammaysteen ee ay baxeena waa la i sii raaciyey oo waxaaban moodayey in ii geynayo edaday, laakiin waxaaba la ii gacangeliyey nin la igu yidhi waa laguu guuriyey.” Sidaa waxa tidhi hooyadan carruurta badan dhashay oo ka xog-warantay qaabkii loo siiyey ninka guursaday, iyadoo xustay inay mataannihii u horeeyey oo laba carruur ah noqday ay umushay sannadkii 1994-kii, waqtigaas oo ahayd 13 jir, waana sannad kadib markii la guursaday. Laba sanno kadibna waxa ay umushay saddex mataanno ah, sannad iyo toddoba bilood kadibna waxa ay haddana dhashay afar mataanno ah.
Sida lagu faafiyey saxaafadda dalka Uganda, hooyadan 37 jirka ah ee dhashay carruurta dhan 38-ka qof, waxa ay sheegtay in aanay layaabin arrintan, maadaama oo aabbaheed uu dhalay 45 carruur ah, kuwaasoo ahaa mataanno shan-shan ah (Quintuplets), qaar afar-afar ahaa (quadruples), mataanno laba-laba ah (Twins) iyo qaar saddex-saddex mataanood ahaa (Triplets), waxayna arrintaasi muujinaysaa in gabadhan hiddo-raacday waalidkeed, gaar ahaan aabbaheed oo dhawr dumar ah u dhaleen mataanno kala duwan, halka hoodayan dhashay 38-ka carruurta ah ay qudheedu ahayd mataan ilmo kale la dhalatay.
Sida uu sheegay Dr. Charles Kiggundu oo ku takhasusay culuumta la xidhiidha dhalmada iyo taranka hooyooyinka, ayaa sheegay in haweenaydan ay hiddo-raacday aabbaheed, waxaannu yidhi; “Xaaladeedu waa hiddo-raac ah inay mar qudha soo dayn karto ugxaan badan oo la fal-gala manida aabbaha, taasoo sababta in hooyadu dhasho mataanno laba-laba ah amma ka badan oo ilaa shan mataanood ay mar qudha uurka ku qaadi karto, waana xaaladaha sababaha mataanaha badan oo uurka amma ilmo-galeenka ayaa sidaas u diyaarsan.”
Waxa kaloo ninkan dhakhtarka ah caddeeyey in haddii ay hooyooyinka caynkaas ah isku dayaan inay iska joojiyaan mataanna badan ay sababto inay ugxaanta diyaarka ahaa ay nafteeda galaafkan karaan, una geeriyooto, halka sidoo kale ay keeni karaan inay qarxiyaan makaanka amma ay dilaanba hab-dhiska taranka ee hooyada, balse marka ugaanto shaqeeyaan, iskuna beddelaan ubad uurka galaya aanay taasi wax dhibaato ah ku noqonayn hooyada caynkan ah, waxaannu hooyadan dhallinyarada ah kula taliyey in aanay isku dayin inay iska tallaasho amma iska joojiso dhasha badan.